Mogadishu Port Authority

Mogadishu Port Authority Official page of Mogadishu Port Authority | Bogga Rasmiga ah ee Maamulka Dekadda Muqadisho.

01/05/2026

Hambalyo Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Tallaabo kasta waxay leedahay ujeeddo, shaqo kastana waxay u baahan tahay dadaal iyo masuuliyad. Shaqaaluhu waa laf-dhabarta horumarka iyo socodsiinta howlaha maalinlaha ah. Maanta waxaan qadarin u muujineynaa dadaalkooda iyo kaalinta ay bulshada ku leeyihiin.

27/04/2026

Sida lagu soo bandhigay AnewZ, Dekedda Muqdisho waxay taagan tahay wadnaha isbeddelka dhaqaale ee Soomaaliya. Muuqaalkani wuxuu iftiiminayaa saameynteeda iyo mustaqbalka ay leedahay.

Rug cadaa Cabdisalam Hereri kuso dhawoow Dekedda Muqdisho
21/04/2026

Rug cadaa Cabdisalam Hereri kuso dhawoow Dekedda Muqdisho

14 likes, 2 comments. "Dekeda Mogadisho oo la dhisay 1977 waxaa imika lagu bedelaya mid cusub oo ay ku baxayso 800 Million"

20/04/2026

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Amb Mohamed Ali Nur, oo ay wehliyaan maareeye ku-xigeennada, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay shaqaale ka tirsan dekedda, kuwaas oo bartay luqadda suul dhabbaale ama (sign language), si loo xoojiyo adeegyada loo fidiyo dadka maqalka naafada ka ah.

19/04/2026

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Amb Mohamed Ali Nur oo ay wehaliyan Maareeye kuxigeenada Dekadda Abdallah kaarshe & Ismail Aw Musse ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay xafiiska cusub ee Maamulka Dekedda Muqdisho, isaga oo u kuurgalay si uu u ogaado heerka uu marayo dhismaha iyo diyaarinta adeegyada.

Wuxuu warbixin ka dhageystay masuuliyiinta mashruuca, isagoo ammaanay dadaalkooda, isla markaana faray in la dedejiyo shaqada hartay si xafiiska cusub loo howlgeliyo waqtigii loogu talagalay.

16/04/2026

5 likes, 1 comment. "Maareeye Kaarshe“Booqashadan wafdiga Cumaan ee Dekedda waxay u noqon doontaa fure mashariic oo cusub"

15/04/2026

Maareeye Ku-Xigeenka Dekedda Muqdisho, Mudane Abdallah kaarshe, ayaa maanta xarunta Dekedda Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Cumaan, gaar ahaan Shirkadda Caalamiga ah ee Maraakiibta iyo Adeegyada Badda ee Khaliijka (GISMCO).

Maareeye Ku-Xigeenka Dekedda Muqdisho, Mudane Abdallah kaarshe, ayaa maanta xarunta Dekedda Muqdisho ku qaabilay wafdi h...
15/04/2026

Maareeye Ku-Xigeenka Dekedda Muqdisho, Mudane Abdallah kaarshe, ayaa maanta xarunta Dekedda Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Cumaan, gaar ahaan Shirkadda Caalamiga ah ee Maraakiibta iyo Adeegyada Badda ee Khaliijka (GISMCO).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca maraakiibta iyo adeegyada badda, iyada oo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha ay maraakiibta ka diiwaangashan Cumaan uga soo xiran karaan Dekedda Muqdisho. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay horumarinta ganacsiga badda iyo kobcinta xiriirka ganacsi ee labadda Dal.

14/04/2026

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur ( Americo ) ayaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo, qiimeynta guulaha la gaaray, iyo horumarka laga sameeyay adeegyada dekedda. Sidoo kale, waxaa kulanka ka qeyb galay maareeye ku xigeennada dekedda, iyagoo ka qeyb qaatay falanqeynta iyo talooyinka lagu horumarinayo waxqabadka guud ee dekedda.

12/04/2026

Anbabaxa maanta ee markabka Çağrı Bey, oo muddo laba maalmood ah marti ku ahaa Dekedda Muqdisho.

Address

Wadada Dekada, Degmada XamarJajab
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Port Authority posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share