19/05/2025
Waa mahad Ilaahay ah, in si rasmi ah noogu qabsoomay Shirweynihii 1-aad ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaas oo ay ka qaybgaleen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada — gaar ahaan dhalinyarada, haweenka iyo mihnadlayda.
Shirkaas waxaa lagu doortay Guddoomiyaha Ururka ahna musharraxa ururka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, waxaa la doortay Guddoomiye ku xigeenno iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka.
Rubuc qarni kadib markii la dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxa ay u baahnaayeen jihayn cusub, tani waxa ay daba socotaa muddo dheer oo lagu jiray nidaamyo aan caddaalad ahayn, balse loo fasiray in ay yihiin xalaal, kuwaas oo uu saldhig u ahaa nidaamka doorashada dadban.
Shan iyo labaatan sano kadib, waxa la jooga xilligii muwaadinka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa awoodda go’aaminta masiirkiisa, isagoo si toos ah codkiisa ugu dhiibanaya doorasho xor ah (qof iyo cod).
Xukuumadda Dan Qaran, intii ay jirtay, waxa ay dedaal xooggan gelisay sidii muwaadinka Soomaaliyeed loo awoodsiin lahaa. Waxa sidoo kale oo ay ku hawlanayd qabyo-tirka Dastuurka, si loo helo hannaan sharciyeed oo la isla oggol yahay. Waxaa la dhisay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka. Guddigani wuxuu bilaabay diiwaangelinta dadweynaha iyo ururrada siyaasadeed ee doonaya inay shacabka cod weydiistaan.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa sheegaya in waddanku aaday waddo xiran, balse su’aasha la is weydiinayo waxa ay tahay; waddada xiran ma tan loo marayo doorasho xor ah oo muwaadinku xaqiisa ku helayo, mise waa tan dadban oo qofka ay tahay in uu raadiyo cid magacaawdo, muwaadinkana uusan lahayn wax xaq ah.
Waxa ay ila tahay in arrintu caddahay, waddada xiran waa tan aan loo marin doorasho toos ah. Haddii ay siyaasiyiinta qaar ay caadeysteen in ay isu soo sharaxaan sanad walbo, iyagoo taageero shakhsi ah ka raadinaya dowlad uu hor