20/12/2025
Munaasabadda maalinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
Waxaa munaadmsabad aad loo soo qaban qaabiyay isla markaana loogu dabaal dagayay maalinta aas aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku beegneed 20 kii Dec 1943 lagu qaabtay maanta oo ay taariikhdu tahay 20 ka Dec 2025 Akadeemiyadda Ciidanka Boliiska ee Genaraal Kaahiye.
Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa oo ka soo qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shekh Maxamuud wasiiro, xilibaanno Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida taliyaaal iyo safiiro ka kala socday qaar kamid dowladaha Caalamka iyo madax kale oo Soomaaliyeed.
Munaasabadaan ayaa aad uga duwan munaasabadihii h**e ee la qaban jiray kedib markii dib u dayactir balaaran lagu sameeyay dugsiga tababarrada Genaraal Kaahiye oo qaab casri ah loo dhisay iyo Guud ahaan xarumaha xarumaha iyo xafiisyada uu ku howl galo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Osmaan Abdullahi
Hambalyo
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
20 Dec 1943 ----20 Dec 2025
Guul iyo Hormar wanaagsan