16/05/2026
𝐒𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐌𝐚 𝐚𝐡𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐤𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐨
Qoraalkan waxaan ugu talo galay inuu noqdo waano ku socotta akhyaarta soo maray xafiisyada lagu ilaaliyo sirta Dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa aan uga gol-leeyahay in aan xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in dadka ka soo shaqeeyay hay’adda sirdoonka qaranku ilaaliyaan karaamada iyo xurmada hay’addaas iyo kaydka xogeed ee lagu aaminay, isla markaana ay ka digtoonaadaan in wax badan oo aad mooddo in iyaga la sahlantahay ay u muuqan karto ku takrifal xog qaran oo aan dadku wada heli karin, marnaba ma habboona in xog aad ku heshay mas’uuliyad lagugu aaminay aad u isticmaasho suuqa iyo fagaarayaasha warbaahinta. Hay’adda sirdoonku waa laf-dhabarta amniga qaranka, waana meel xasaasi ah oo si gaar ah uga duwan dhammaan hay’adaha kale ee dowladeed.
Dalalka intooda badan, hay’adaha nabad-sugidda iyo sirdoonka waxaa hoggaamiya ama ka shaqeeya khubaro si gaar ah loogu carbiyey adeegga shacabka, ilaalinta danaha qaranka, iyo maaraynta xaaladaha ugu xasaasisan ee amniga. Dadkaas waxaa xulashadooda lagu sameeyaa baaritaan adag iyo hubin qoto dheer, maadaama ay yihiin kuwa loo igmaday sugidda amniga guud, ka hortagga khataraha gudaha iyo dibadda, iyo ilaalinta xogaha ugu culus ee dal waliba leeyahay.
Shaqsiyaadka ka tirsan hay’adahaas waxaa si gaar ah loogu taba-baraa ilaalinta sirta qaranka, waxaana dusha ka saaran masuuliyad culus oo ah in xogta ay gacanta ku hayaan aanay noqon mid si sahlan u loo soo bandhigo ama loo isticmaalo. Waxaa sidoo kale xoogga la saaraa in ay ka dheeraadaan xamaasadaha siyaasadeed, isla markaana ay noqdaan dad daaha gadaashiisa ku xalliya arrimaha muhiimka ah ama bixiya talooyin qiimo leh oo qaranka laga faa’iidaysto, xataa marar badan waxaa lagu dadaalaa in shaqsiyaadka soo maray jagooyinkaas la ilaaliyo muunadooda muuqasho oo aanay sida dadka kale ee caadiga ah ugu milmin xamaasada iyo hirarka nolosha ee ay ahaadaan kuwa aamuskoodu badanyahay, si waynna uga taxaddara wax alba oo afkooda ka soo baxa ama meel walba oo muuqooda lagu arko.
Dhawaanahan Soomaaliya waxaa ka socda muuqaallo aad mooddo in lagu tartamayo ama lagu beecgaynayo in dadkii hay’adahaas ka shaqayn jiray ay afka furtaan oo makhaayadaha siyaasadda soo buux dhaafiyaan, qaar waraysiyo bixiya iyo kuwo aragtiyo dhiibtaba, soo badashada dibad joognimada tira beelka ah ee akhyaartaasi ku mashquuleen waa wax aan caado u ahayn nidaamka sir doon ee dal leeyahay, loogana baran hay’adaha noocan ah. Waxaa isa soo taraya in qaar ka mid ah agaasimayaashii iyo khubaradii h**e ee hay’adda nabad-sugiddu ay warbaahinta iyo fadhi ku dirirka ama madalaha furan hor yimaadaan, iyagoo aad mooddo in ay u dhaqmayaan hannaan u eg – waxaad rabto I waydii, sidaad rabto aan kuugu jawaabee, isla markaana ka hadlaya xogo iyo dhacdooyin aan habboonayn in si fudud loogu soo bandhigo bulshada dhexdeeda, (Sax iyo Qalad toona).
Waxaa murugo leh in qaarkood maalinta ay xilka ka tagaanba ay afka furanayaan, iyagoo si caadifad leh uga warramaya arrimo ay ahayd in lagala xisaabtamo, laguna faaqido meelaha ku habboon, qaarkood waxaybana ka il-libiqsanayn kicin qabiil iyo jaa’ifayn kuwa kale, Qaarna waxaad mooddaa iyagoo dadka caqliga iyo garaadka uga ciyaara ay ka muuqatto in ay bulshada uga sheekaynayaan sheekooyin la soo diyaariyay oo u eg Filim la jilayo. Qaarkood waxaad mooddaa in ay ka quusteen mustaqbal siyaasadeed ama mas’uuliyadeed, halka qaar kalena sida ay wax u gudbinayaan ay kuu muujinayso inay dhayalsanayaan garaadka iyo bisaylka shacabka Soomaaliyeed, qaar sheekadii ku habboonay in bug lagu dhigo xilli danbe oo waqti macaash si jiilashu wax uga bartaan ayay soo hormariyaan ayadoo u eg- in loo isticmaaliyo dano siyaasadeed ama waxa loo yaqaanno (Awr-kacsi).
Waxaan aaminsanahay in marka sarkaal amni ama madax h**e oo sirdoon uu si sahlan ugu milmo siyaasadda maalin-laha ah ama warbaahinta uu ugaga hadlo arrimo xasaasi ah, ay taasi daliil u tahay in nidaamka dowladeed ee curdanka ahi uu weli leeyahay daldaloolo waaweyn, Hay’adda amniguna ay lumisay sumcad iyo xogo u gaar ahaan lahaa. Maadaama aad mooddo in aanay jirin xakamyn garaad/caqli iyo mid system/nidaam toona waxaa xaqiiq ah in xaalka Soomaaliya uu shaqsigu ka weyn yahay hay’addii uu metelayey, oo garashadiisa mooyee wax kaloo xakamaynayana aanayba jirin, taas oo ah xaalad aan rajaynayo in laga gudbi doono marka ay dowladnimadeennu sii bislaato, asagoo waliba xaalka maanta ee baahsanaanta ka muuqatto laga baran doono casharro.
Shaki kuma jiro in akhyaartaasi ay leeyihiiin waayo-aragnimo iyo aqoon qaran oo qiimo weyn leh, lagana faa’iidaysan karo talooyinkooda ku saabsan amniga, dowlad-dhiska, iyo maaraynta khataraha qaranka. Hase yeeshee, dhaqanka ku milimitaanka dabaylaha siyaasadeed iyo soo bandhigista xogaha xasaasiga ahi waxay abuuri kartaa xiiso iyo hadal-hayn kooban, waxaase ka muhiimsan oo ay horseedi kartaa dhaawac ku yimaadda dhaqanka dadka ka shaqayn doonaa hay’adaha amniga taasoo qaranka u horseedi karta mala – awaal qaldan oo sababaya in ruuxii kaalin amni soo galaba uu si qaldan u mukhuurto mawjadaha siyaasadda. Shaqada amnigu waa xirfad u baahan aqoon iyo habsami socod dahsoon, gaar ah oo saameeya nolosha shaqaalaha arrimaha amniga, haddii xirfadnimadeeda la dhaawaco oo laga dhigto jaran-jarro loogu adeego dano siyaasadeed waxay ababsan doontaa in hay’addaasi ama khubaradaasi lumiyaan fahamkii saxda ahaa ee loo yiqiinnay, lagana yaabo in dib loo sixi waayo.
Aniga ahaan, waxa ila habboon in aan mar walba laga faaiidaysannin dabacsanaanta iyo nuglaanta hannaanka dowladeed ee aynu weli dhiseyno. Dadka lagu aamminay sirta qarankana waa in hadalkooda ay miisaamaan, tallaabooyinkoodana u fiirsadaan. Waa in aanay ku hodmin siyaasadda maalin-danaysiga ah, isla markaana ay ka fekeraan raadadka hadalkoodu kaga tagi karo quluubta dadka daawanaya iyo aragtida laga qaadan karo hay’addaas, heerka hadalladoodu gaarsiin karaan kalsoonida shacabka, iyo mustaqbalka dowladnimada.
Ugu dambayn, waxaan xasuusin lahaa in ruux waliba wuxuu taray iyo wuxuu ku hadlay loo tirin doono, ayna jiri doonto goor la xisaabtami doono – kolba – intii nool ee Allah gaarsiiyo dawlad si huffan ula xisaabtanta cid walba asagoon la eegaynnin kooxdiisa, qabiilkiisa iyo hantidiisa midna.
Qoraalkani waxaan u qoray lexejeclo iga haysa sugidda anshaxa qaran ee dalkeenna, ulamana jeedo shaqsi gaar ah, ee waa muujinta rajada aan ka qabo in aan aad loogu mashquulin faagitaanka dhacdooyin dadka ka dahsoon asaga oo aan si cadlaad ah loo miisamaynin.
𝐖𝐚𝐚𝐝 𝐦𝐚𝐡𝐚𝐝𝐬𝐚𝐧𝐭𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧,
𝐃𝐫. 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝𝐧𝐮𝐫 𝐔𝐥𝐞𝐞𝐱.