Haarun Cadaawe

Haarun Cadaawe Siyaasi Soomaaliyeed oo u taagan horumar, hufnaan iyo himilo cusub. Ku soo dhawoow boggan rasmi ah.

04/10/2025

MAGACAABIN RASMI AH

Anagoo ka duulayna baahida loo qabo hogaamin iyo isku xirnaan wax ku ool ah ee hawlaha ururka, waxaa la magacaabay:

Mudane Haaruun Ahamed Abuukar
in uu noqdo Agaasimaha Howgelinta ee Ururka DEEGAAN SOOR Organization (DSO).

Magacaabintan waxaa lagu sameeyey si loo xoojiyo howlgallada ururka, loo dardargeliyo fulinta qorshayaasha, iyo in la hubiyo in hawlaha ururka ay noqdaan kuwo nidaamsan, waxtar leh, isla markaana la xisaabtami kara.

Waxaan u rajaynaynaa Mudane Haaruun Ahamed Abuukar guul, karti, iyo hufnaan sare, isaga iyo dhammaan xubnaha ururka.

23/06/2025

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil waa khilaaf siyaasadeed, diimeed iyo istaraatiji ah oo soo jiitamayay tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee Iran 1979. Iran waxay taageertaa kooxo mucaarad ku ah Israa’iil sida Xamaas iyo Xisbullah, halka Israa’iil ay u aragto Iran khatar weyn oo taageerta argagixiso iyo in ay doonayso hub nukliyeer ah.

Dagaalkoodu inta badan si toos ah uma dhaco, balse waxa uu u maray kooxo wakiillo ah (proxy war), gaar ahaan gudaha Suuriya, Lubnaan, Gaza iyo Yemen. Bishii April 2024, Iran iyo Israa’iil waxay galeen weerarro toos ah, taas oo cabsi gelisay caalamka.

Khilaafkani wuxuu sababay:

Barakac iyo dhimasho dad rayid ah,
Cabsi nukliyeer,
Qalalaaso guud oo gobolka ah.

Si loo gaaro xasilooni, waxaa loo baahan yahay xal cadaalad ku dhisan iyo joojinta faragelinta hubaysan.

23/06/2025

🌟 Ku Soo Dhawaada Boggan Siyaasadeed 🌍

Bismillaah.

Maanta waxaan si rasmi ah u furay boggan si aan ugala qeyb qaato doodaha, xog-warranka, iyo aragtida ku saabsan arrimaha siyaasadda dalka iyo dunida.

Ujeedkeygu waa:
• In la helo madal furan oo lagu cabbiro aragti siyaasadeed si xushmad leh.
• In aan wacyi-gelin siyaasadeed ka dhex abuurno bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.
• In aan soo bandhigo aragtideyda siyaasadeed, iyadoo aan lagu xadgudbaynin qofna, lagana duulayo danta guud.

Waxaan ku rajo weynahay in boggani noqdo mid aad ka heshaan, isla markaana aad fikirkiinna si xor ah noogu cabbiri kartaan, annagoo ilaashanayna anshaxa iyo akhlaaqda.

La soco , doodo siyaasadeed, talooyin iyo

23/06/2025

Waxaan idiin soo bandhigayaa boggan rasmiga ah ee Haarun Cadaawe si aan idiinla wadaago aragtidayda siyaasadeed, qorshayaashayda horumarineed, iyo mustaqbalka aan u rajeeynayo dalka.

23/06/2025

Waa Bilow Cusub!

Waxaan idiinku soo dhoweynayaa boggan rasmiga ah ee Haarun Cadaawe. Halkan waxaad kala socon doontaan aragtidayda siyaasadeed, qorshayaal horumarineed, iyo farriimo dhisaya maskaxda dhalinyarada Soomaaliyeed.

| |

Call now to connect with business.

Address

Muqdishu
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haarun Cadaawe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share