Xulka Oraahyada Wacan

Xulka Oraahyada Wacan Soomaalinimo๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

04/04/2026

๐— ๐˜‚๐˜€๐˜๐—ฎ๐—พ๐—ฏ๐—ฎ๐—น ๐—œ๐—ณ๐˜๐—ถ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ: ๐——๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐˜‚๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜… ๐— ๐—ฎ๐˜†๐—ฒ๐—ฟ ๐—˜๐—ป๐—ด Shafie Ali Hade .

Shafie Ali waa shaqsi dhalinyaro ah oo wax bartay, lehna heer aqooneed sare (Master), isla markaana si qoto dheer u fahamsan baahiyaha dhabta ah ee magaalada Galkacyo. Waa hogaamiye isku daraya aqoon, firfircooni, iyo himilo cusub oo horseedi karta horumar muuqda.

Wuxuu mar walba u taagan yahay horumarinta magaalada iyo daryeelka shacabka, isaga oo diiradda saaraya:

1. Horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, nadaafadda, iyo amniga

2. Abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo

3. Xoojinta wada shaqeynta bulshada iyo maamulka

4. Dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga

5. Xal uhelida dirirta ka dhaxaysa dadka walalaha ah

Mudada shanta sano ah, waxaa laga filayaa inuu noqdo hoggaamiye hufan oo leh isla xisaabtan, isla markaana ka shaqeeya horumar waara oo ay ka faaโ€™iideystaan dhammaan shacabka.

Guud ahaan, Shafie Ali waa dhalinyaro karti leh oo aqoon iyo aragti casri ah ku hogaamin kara magaalada, isla markaana mudan in lagu aamino mustaqbalka Galkacyo, maadaama uu leeyahay himilo cad, faham qoto dheer, iyo rabitaan dhab ah oo uu bulshada ugu adeegayo.

06/02/2026
11/02/2025

Gaahigii Galgalad
Galgaduud Galmudug Somaliya.

HADAL-HAYNTA DOORASHO QOF IYO COD AH (1P1V) MACNAHEEDA WAA MUDDO KORORSI BAALMARSAN DASTUURKA DALKA.Wax badan ayaan wax ...
29/10/2024

HADAL-HAYNTA DOORASHO QOF IYO COD AH (1P1V) MACNAHEEDA WAA MUDDO KORORSI BAALMARSAN DASTUURKA DALKA.

Wax badan ayaan wax ka qoray in Soomaaliya waqtigaan xaadirka ah doorasho qof iyo cod ah (1p1v) aysan ka dhici karin ilaa la helo 12 shardi (sine qua non) si doorasho xor iyo xalaal ah (fair and balanced) ah ay dalka uga dhacdo.

Sidoo kale, doorashada qof iyo cod (1p1v) dalka k**a dhici karto marka la fiiriyo xaaladda amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo duruufaha adag ee maanta ka taagan dalka.

Doorasho qof iyo cod ah (1p1v) waxa ay noqotay hal-qabsi muddo kororsi baal-marsan dastuurka dalka iyo midka maamul-goboleedyada intaba laguna xalaalaysto muddo kororsi xeeladaysan dastuurka dalkana baalmarsan.

Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa lagu aaminay in uu noqdo ilaaliyaha dastuurka (guardian of the constitution) waxaase nasiib darro noqotay in maamulada waqtigooda dastuuriga ahaa uu dhammaaday ku dhiiri-geliyo in ay "iska joogaan" hal-qabsina ay ka dhigtaan doorasho qof iyo cod ah in ay qabanayaan mustaqbilka.

Maamulo ku jooga sharci la'aan, waqtigooda dastuuriga ah uu mar h**e dhammaaday waxaa runtii ay abuuraysa fowdo, qalalasse siyasadeed, jaantaa-rogan iyo in loo noqdo wixii xumaa ee shalay laga wada shallaayay.

Madaxda maamulada dalka kuna haminaaya in ay iska joogaan doorasho la'aan, xilalkooda dastuuriga ahaa uu mar h**e dhammaaday kuna hadaaqaya in Madaxwaynaha qaranka ka codsaday in ay isla-joogaan ilaa iyo 2026, ha ku cibro-qaataan in ay tahay biloowga burburka dowladnimo iyo in aan duruus laga qaadan waxa dalkaani soo maray 30kii sano ee la soo dhaafay.

Doorasho qof iyo cod ah (1p1v) bug ah, la hubo in aan la qaban karin, lagu owr-kacsanaayo waxa ay dhaawacaysaa ama luminaysaa awooda madaxda qaranka (constitutional/authoritative legitimacy) waayo waxaa la isku xaq-dhowraayo waa ilaalinta shruucda iyo xeerarka dalka u yaalla, ma ahan in la kala xoog badan yahay ama la is-muquunin karo.

Ugu dambayn, waxaan ku waani lahaa Madaxwaynaha qaranka iyo kuwa maamulada dalka waqtigooda iyo xilalkooda dastuuriga ah uu mar h**e ka dhammaaday in aysan suurtogal ahayn in si xeeladaysan muddo kororsi baalmarsan dastuurka dalka u suubsadaan, waajibna ay ku tahay madaxda dalka mid maamul iyo federaalba in doorasho dadban qabtaan (indirect election) waa midda keliya ee lagu kala badbaadi karo.

Ma mudna in Shacabka Soomaliyeed in lagu maaweeliyo doorasho qof iyo cod ah (1p1v) iyada oo ah farsamo lagu qoslo waayo, dowladda federaalka ma awooddo ama macquul ma ahan in doorasho deegaan (city council) qof iyo cod ah xitaa ay ka qabato magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Xalka keliya ee ugu habboon waa in doorasho dadban (indirect election) la aado, la hormariyo tirada xildhibaanka ku soo baxaayo ilaa iyo kun (1000) qof oo u codeeya xildhibaan kasta si looga gudbo heerkii h**e ee boqol iyo koowda (101) qof ay codayn jireen.

27/10/2024

Naceyb iyo God aadan adigu galin baa jira.

Mahadsanid Mudane Ahmed Moallim Fiqi adiga iyo Team kaaga  Matalaad Soomaaliyeed oo Wadaniyad iyo Qab leh.
13/08/2024

Mahadsanid Mudane Ahmed Moallim Fiqi adiga iyo Team kaaga Matalaad Soomaaliyeed oo Wadaniyad iyo Qab leh.

02/04/2024

Geela la shubayo ma aragtay
Like, Share and Follow

23/03/2024

OPM Hamza Abdi Bare oo dhulka la jaray team Garowe

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xulka Oraahyada Wacan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xulka Oraahyada Wacan:

Share