07/11/2025
Dalkaan ayaan rajadiisa sugaynay… maanta waxa uu noqday meel ka sii fog wixii aynu ku riyoon jirnay. Somaliya Allah ha u naxariisto, sababtoo ah waxa dhacay ma aha oo kaliya burbur siyaasadeed—waa burbur damiir, burbur banii’aadannimo, iyo burbur qiyam bulsho.
Damiirkii wuu dhintay.
Dadkii isku naxariisan jiray ayaa noqday kuwo is indha-tira.
Sharafkii waa guuray.
Qofka sharaf leh maanta waa kan xoog leh, lacag leh, ama koox leh—ma aha kan xaqa leh.
Naxariistii waa gablantay.
Bulshadii is garab taagi jirtay ayaa maanta noqotay mid qof walba naftiisa uun u shaqeeya, xoogaa dan ah iyo xeyldaa yar oo uu heli karo darteed.
Soomaaliya maanta waxay u egtahay dal uu dhaawac nafsi ah ku dhacay—dal ku baahday xanuun aan daawo lahayn haddii aan la helin dad damiirkooda dib u toosiya.
Waxaan ka niyad jabnay in dadka xaqa leh la tuuro, kuwa daciifka ah la dayaco, hooyo foolaneysa waddada lagu dhigo, bukaanka la hor istaago, iyo shacabka loo arko tiro keliya, ee aan loo arkin bini'aadam mudan daryeel iyo sharaf.
Laakiin niyad-jabkuba waa qaylo-dhaan.
Qaylo-dhaan leh fariin: haddii aysan shacabka is toosin, cid kale ma toosinayso.
Soomaaliya wali wey jirtaa… laakiin waxay sugaysaa dad dib u dhisa naxariista, sharafka iyo damiirka ay lumisay.