15/05/2025
Tartanka Maratoonka ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed – 15-ka May
Anigoo ka duulaya qiimaha iyo muhiimadda ay leedahay Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan maanta ku maamuusnay munaasabadda 15-ka May tartan maratoon oo aad u xiiso badan, kaasoo ay ka qeyb galeen boqolaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid deegaanno kala duwan.
Tartankaan oo ahaa mid ujeedkiisu yahay dhiirrigelinta caafimaadka, is-dhexgalka bulshada iyo kobcinta hibada ciyaareed ee dhallinyarada, wuxuu muujiyay kartida, adkaysiga iyo dadaalka ay leeyihiin jiilka cusub ee Soomaaliyeed.
Waxaa si gaar ah loogu abaalmariyay 150 dhallinyaro ah oo muujiyay heer sare oo guul iyo dadaal ah, kuwaas oo la guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan oo isugu jiray shahaadooyin, billado, iyo hadyado xusuus leh.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhallinyarada ka qeyb gashay tartanka, gaar ahaan kuwa guuleystay. Maalinta 15-ka May waa xusuus qaran oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga markhaati kacayaan doorkooda halgan, horumar iyo himilo qaran.
Dhallinyarada waa hannaanka iftiinka mustaqbalka, waxaana mar walba muhiim ah in loo abuuro fursado ay ku horumariyaan noloshooda, kartidooda iyo kaalintooda bulshada dhexdeeda.
Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelinayaa xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud iyo Guddiga Olympics-ka Soomaaliyeed oo door weyn ka qaatay hirgelinta tartankaan. Sidoo kale, mahad gaar ah ayaan u dirayaa maamulka degmada Hodan oo si hagar la’aan ah ugu dadaalay qabsoomidda munaasabaddan muhiimka ah. Mahadsanidiin dhammaantiin.