07/01/2026
Maanta oo taariikhdu tahay 7-da Janaayo, waxaan si rasmi ah u wareejiyey xilkii Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), kaddib wareegto xil ka qaadis ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed 6 Bishii Jan. 2026. Xil-wareejintani waa habraac dowladeed oo caadi ah (sunno dowladeed), kuna saleysan nidaamka shaqo ee hay’adaha qaranka, halkaas oo mas’uuliyadda mar walba si nidaamsan looga wareejiyo hoggaan una wareegto hoggaan kale.
Xilkaas ayaan si rasmi ah ugu wareejiyey G/Dhexe Ibrahim Dhaayow, kaas oo shalay uu magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Waxaa xilkan la ii magacaabay 25-kii November 2023, muddadii aan xilka hayayna, Alle mahaddiis, Hoggaanka Baarista Dembiyada waxa uu gaaray horumarro la taaban karo oo ay ka mid yihiin tayeynta tababarrada saraakiisha, horumarinta sheybaarka cilmiyeysan, hirgelinta nidaamka casriga ah ee E-Case File Management, dayactirka iyo dib-u-habeynta dhismaha Hoggaanka, hirgelinta nidaamka E-Payment ee Warqadda Dembi-la’aanta, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo xiriirka caalamiga ah iyo kuwa kale la soo koobi karin.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan saraakiishii iyo Ciidankii ila soo shaqeeyey, kuwaas oo muujiyey karti, hufnaan iyo daacadnimo. Waxaan Alle uga baryayaa inuu idinla garab galo waajibaadkiina, kana dhigo dadaalkiinna mid miro-dhal ah.