11/04/2025
Mogadisho, 11 April 2025.
Maanta waxaa kulan wadatashi iyo is-xogwaraysi ah yeeshay qaar kamid ah midowga dhalinyarada Aadan Yabar ee gobolka Banaadir. Kulankan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha dhalinyarada ayaa looga hadlay horumarka iyo mustaqbalka dhalinyarada Aadan Yabar.
Intii uu socday kulanka, Waxaa su’aalo la weydiiyay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka, waxeyna dhalinyaradu bogaadiyeen shaqada ay ururka u hayaan labada mas'uul.
Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay doorashada midowga dhalinyarada, iyadoo si rasmi ah loo shaaciyay in doorashadu dhici doonto 27-ka June 2025,
hadduu Alle idmo.
Wabillaahi Towfiiq.