25/06/2025
Hambalyo wiiga xoriyadda, 26ka juun waa maalintii u horaysay ee xoriyad qaatan dadka Soomaalidu lana taagay calan xor ah oo ay leeyihiin waana maalin mudan in si gaar ah loo xuso.
26ka Juun ee 1960kii wuxu u taaganyahay
1. Xoraynta iyo gobonimayta isirka Soomaali inay hesho dowladnimo buuxda
2. Midaynta iyo isku keenida 5tii gobol ee gumaystuhu Soomaalida u qaybiyay
3. In Somaliland oo ka xorowday Ingriiska ay niyadsami iyo dun-wanaag kula midoobeen walaalahoodii koonfureed, ka dib markay xornimadooda ka qaateen gumaystihii talyaaniga.
4. Calanka Buluuga ah oo astaan u ahaa Soomaalida xorta ah inu Hargeysa ka babado.
Waxaan ku faraxsanahay calankii awooweyaashay iyo Adeeraday keeneen muqdisho iyagoo midnimo raba inaan maanta ku metelayo dadkaygi
Shacabkaygii sharafta badnaayoow nabad ku ciida, ku dabaaldega laab-furnaan, taariikhdiinana ilaashada, inta aad isku diidan tihiina waxaa ka badan inta aad isu tihiin ee aan weligeed sal-guurayn.
Waxana mar kale rajaynayaa ilaahay (SWT) ka baryayaa in mar kale wanaagii iyo Wadajirkii umada somaliyeed soo noqdo hargeisa na noqoto mar kale mid u hiilisa Somali