Hon Abdullahi Yusuf Mohamed

Hon Abdullahi Yusuf Mohamed Abdullahi Yusuf Mohamed

Asc   Waxaan rabaa inaan si cad u sheego in meeshaan aysan ahayn Galkacyo, mana aha Qardho. Waa dhul ay leeyihiin dad xa...
18/02/2026

Asc
Waxaan rabaa inaan si cad u sheego in meeshaan aysan ahayn Galkacyo, mana aha Qardho. Waa dhul ay leeyihiin dad xaq u leh in la ixtiraamo, lana siiyo xuquuqdooda dhabta ah.
Waxaa is weydiin mudan: aaway kuwii sheeganayay metelaadda shacabka, kuwii ku fadhiyay kuraasta iyagoo aan gudan waajibaadkooda? Xaqiiqdu waxay tahay in qaar ka mid ah mas’uuliyiintii la rabay inay shacabka u adeegaan aysan xitaa imaan goobaha ay masuulka ka ahaayeen, si ay u arkaan xaaladda dhabta ah ee dadkooda.
Maanta, fariinteennu waa mid cad: shacabka ma aha kuwo la iska indho tiri karo, mana aha kuwo lagu maamuli karo hadallo madhan. Shacabku waxay mudan yihiin hoggaan daacad ah, hoggaan u taagan difaaca xaqooda, kana shaqeeya horumarkooda.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan masuuliyiinta in ay gutaan waajibaadkooda, kana hormariyaan danaha shacabka wax kasta oo kale. Sidoo kale, waxaan caddeynayaa in waqtigu is beddelay, shacabkuna ay diyaar u yihiin inay difaacaan xaqooda iyo karaamadooda

Hon Abdullahi Yusuf Mohammed
Hon Abdullahi Yusuf Mohamed
Hon Yusuf Mohamed Aden
Hon Maslah Shariif Ibraahim

21/12/2025
Waxaa Muqdisho lagu qabtay Shirka 7aad ee Sanadlaha Dhalinyarada iyo Adkeysiga, oo ay soo qabanqaabisay Midaynta Communi...
21/12/2025

Waxaa Muqdisho lagu qabtay Shirka 7aad ee Sanadlaha Dhalinyarada iyo Adkeysiga, oo ay soo qabanqaabisay Midaynta Community Services, laguna qabtay Hotel Jazeera 20–21 Diseembar 2025. Shirka oo hal-ku-dhiggiisu ahaa “Beyond Borders: Youth Shaping a Resilient & Peaceful Future” ayaa diiradda saaray doorka dhalinyarada ee nabadda iyo adkeysiga bulshada. Hon Abdullahi Yusuf Mohammed

Hon Yusuf Mohamed Aden Hon Abdullahi Yusuf Mohamed

Isbuuca 223-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha iyo Wacyigelinta Deegaanka waxaa maanta ka qeyb galay Guddoomiye Ku-Xigeen...
19/12/2025

Isbuuca 223-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha iyo Wacyigelinta Deegaanka waxaa maanta ka qeyb galay Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Dhalinyarada Degmada Yaaqshiid, iyagoo muujiyey taageerada joogtada ah ee dowladeed ee ilaalinta deegaanka iyo hoggaaminta dhalinyarada

Isbuucii 202 ololaha nadaafada xeebaha iyo wacyigelinta degaanka
25/07/2025

Isbuucii 202 ololaha nadaafada xeebaha iyo wacyigelinta degaanka

Maanta Liido Waxaa maanta si guul leh loo qabtay ololaha nadaafadda xeebaha iyo wacyigelinta deegaanka, kaas oo qeyb ka ...
18/07/2025

Maanta Liido

Waxaa maanta si guul leh loo qabtay ololaha nadaafadda xeebaha iyo wacyigelinta deegaanka, kaas oo qeyb ka ah isbuuca 201-aad ee ololaha iskaa wax u qabso.
Masuuliyiin iyo dhalinyaro ka kala yimid qeybo kala duwan ayaa ka qeyb qaatay, iyagoo bulshada ku dhiirrigeliyay muhiimadda nadaafadda iyo ilaalinta deegaanka si loo helo deegaan nadiif ah oo caafimaad qaba.
Waxaa la isku raacay in ololayaashan la sii joogteeyo, si loo xoojiyo doorka bulshada ee ka qeybgalka horumarinta deegaanka.

Waxaan ka qeybgalay kulan wada-tashi ah oo ku saabsanaa aayaha dalka, waxaana igu wehlinayay saaxiibkey Hon Yusuf Mohame...
09/07/2025

Waxaan ka qeybgalay kulan wada-tashi ah oo ku saabsanaa aayaha dalka, waxaana igu wehlinayay saaxiibkey Hon Yusuf Mohamed Aden Kulanka wuxuu diiradda saarayay aragtida dhalinyarada iyo doorkooda mustaqbalka Soomaaliya ku leeyihiin Dhalinyarada Soomaaliyeed






waxa hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan shucuubta Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay du...
05/06/2025

waxa hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan shucuubta Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxa awgeed.

Waxaan leeyahay

Ciid Wanaagsan – Ciid Mubaarak
تقبّل الله طاعاتكم، وكل عام وأنتم بخير
Midowga Dhalinyarada Digil
Hon Maslah Shariif Ibraahim
Hon Abdullahi Yusuf Mohamed
Abdullahi Yusuf Mohammed
Yusuf Mohamed Hon Yusuf Adamu Gagdi

SHIRKA SHALAY 21KA MAY 2025KA-QAYB GALKA SHIRKII 3AAD EE SANADLAHA AH EE DEGMOOYINKA – GOLAHA DHALINYARADA GOBOLKA SHABE...
22/05/2025

SHIRKA SHALAY 21KA MAY 2025
KA-QAYB GALKA SHIRKII 3AAD EE SANADLAHA AH EE DEGMOOYINKA – GOLAHA DHALINYARADA GOBOLKA SHABEELLAHA HOOSE

Anigoo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Dhallinyarada Digil (MDHD) Hon Abdullahi Yusuf Mohamed , waxa ay ii tahay farxad iyo sharaf weyn inaan ka soo qaybgalo Shirkii 3aad ee Sanadlaha ahaa ee Degmooyinka, kaas oo ay qabanqaabadiisa lahayd Dhalinyarada Gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana uu hoggaaminayay Mudane Yusuf Cali Cusmaan.
Shirkan muhiimka ah wuxuu ahaa madal lagu xoojiyay abaabulka, midnimada, iyo doorka hoggaamineed ee dhalinyarada, iyadoo la isdhaafsaday aragtiyo wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta bulshada iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka dhalinyarada.
Ka qaybgalkeygu wuxuu muujinayaa sida ay ii kasbatay muhiimadda ay leedahay taageeridda iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beelaha Digil, si ay u noqdaan hormuudka isbeddelka togan.
Waxaan si gaar ah u amaanayaa Golaha Dhalinyarada Gobolka Shabeellaha Hoose dadaalkooda iyo dadaalka ay gelinayaan abaabulka dhalinyarada heer degmo. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed in ay si firfircoon uga qayb qaataan horumarinta bulshada, maamulka, iyo nabadda.



Midowga Dhalinyarada Digil
Abdullahi Yusuf Mohammed

ANIGOO AH GADOOMIYE KU XIGEENKA Midowga Dhalinyarada  Digil  OO SI FIRFIRCOON UGA QAYB QAATA ARRIMAHA BULSHADA, WAXAAN C...
19/05/2025

ANIGOO AH GADOOMIYE KU XIGEENKA Midowga Dhalinyarada Digil OO SI FIRFIRCOON UGA QAYB QAATA ARRIMAHA BULSHADA, WAXAAN CAWA FURSAD U HELAY IN AAN KA QAYB GALO KULAN MUHIIM AH OO UU SOO QABANQAABIYEY XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA, MUDANE XAMSE CABDI BARRE.
KULANKAN OO DIIRADDA LAGU SAARAY DOORKA DHALINYARADA EE HORUMARINTA DALKA AYAA AHEED MADAL AAN KU DHIIBANNAY ARAGTIDEYDA SHAQSIYADEED IYO TALOOYIN KU SAABSAN SIDII DHALINYARADU UGA QAYB QAADAN LAHAAYEEN DIB-U-DHISKA DALKA.
WAXAAN SI GAAR AH UGU MAHADCELINAYAA RA’IISUL WASAARAHA OO NOO MUUJIYEY DHIIRRIGELIN IYO TIXGELIN AY DHALINYARADU U QALMAAN, ISLA MARKAANA KA DHEX MUUQATA XALKA IYO HORUMARKA DALKA.
ANIGA SHAQSIYAN AH AYAAN U HEELLANAHAY IN AAN KAA QAYB QAATO DADAALLADA LOOGU JIRO HORUMARKA, MIDNIMADA, IYO XASILLLOONIDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Hon Abdullahi Yusuf Mohamed Hon Maslah Shariif Ibraahim

TAARIIKH: 10/05/2025 | KULANKA XALIAnigoo ah Guddoomiye Ku-xigeenka MDD, sharaf ayey ii tahay in aan garab u noqdo dadka...
11/05/2025

TAARIIKH: 10/05/2025 | KULANKA XALI

Anigoo ah Guddoomiye Ku-xigeenka MDD, sharaf ayey ii tahay in aan garab u noqdo dadkayga xilligan adag. Waxaa iga go’an in aan sii xoojiyo midnimada iyo horumarka dhalinyarada.

MDD waa codka dhalinyarada, waa cududda isbeddelka.
Waan ku faanayaa ka mid ahaanshaha hoggaanka sare ee MDD, anigoo diyaar u ah taageeridda bulshada Digil iyo dhammaan walaalaha Soomaaliyeed.

Midnimo & Horumar — Waa Yoolka.

Salaan qiimo iyo qadarin leh kadib,Waxaa farxad iyo sharaf weyn noo ah in aan xali isugu nimaadno kulan muhiim ah oo taa...
06/05/2025

Salaan qiimo iyo qadarin leh kadib,
Waxaa farxad iyo sharaf weyn noo ah in aan xali isugu nimaadno kulan muhiim ah oo taariikhi ah
Taariikh: 05/05/2025
Goobta: balanbaalis coffee

Waxaan kulan miro-dhal ah la yeelanay Golaha Dhalinyarada Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan hoggaanka midowga dhalinyarada Digil.

Kulankan waxaa si gaar ah uga qeyb galay:

Mudane Yusuf Cali Cusman – Golaha Dhalinyarada Gobolka Shabeellaha Hoose

Mudane Caalim Abuukar Mohamed – Guddoomiyaha Midowga Dhalinyarada Digil

Mudane Cabdullaahi Yusuf Mohamed – Ku-xigeenka Guddoomiyaha Midowga Dhalinyarada Digil

Ujeedada kulanka ayaa ahayd in diiradda la saaro xoojinta midnimada, wadajirka, iyo is-kaashiga bulshada ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Hoose. Mas’uuliyiintu waxay adkeeyeen muhiimada ay leedahay in dhalinyaradu door muuqda ka qaataan horumarka bulshada, iyadoo la dardargelinayo wada-tashiga, nabadeynta, iyo wacyigelinta bulshada.

Kulanka ayaa ku dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dhalinyarada gobolka iyo midowga dhalinyarada Digil, si loo gaaro bulsho midaysan, nabad ah, oo horumarsan.
@


Address

Jaale, Siyaad, Road
Mogadishu
.

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Abdullahi Yusuf Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share