Iftiin Family

Iftiin Family qofkasta ee hadda nala socda si gaar ah ayaan ugu mahadcelinayna.

Halkaani waa boga rasmiga ah ee IFTIIN FAMILY
waxaan idinkugu soo bandhigi doona wax qabadka IFTIIN FAMILY
Si Aad ula socoto guji ama Like gareey pagekaan.

Kulan looga hadlayay sidii arday Iftiin Education & Development wax kasoo baratay dhaqaale ahaan uga qeyb qaadan karaan ...
06/09/2024

Kulan looga hadlayay sidii arday Iftiin Education & Development wax kasoo baratay dhaqaale ahaan uga qeyb qaadan karaan howlaha waxbarasho iyo hormar ee deeganadooda ayaa lagu qabtay Muqdisho.
Kulanka waxa ka qeyb galay Agasimaha mu'asasada, gudomiyaha Iftiin Family, director ka xafiiska Muqdisho iyo arday ka kala yimid deegaanada ay IFTIIN waxbarashada ka hirgalisay.
Waxa howshaas loo xilsaaray gudi ka shaqeeya u daadajiya ilaa heer deegaan, dufcooyin.

02/09/2024

Kulan uu shir gudoomiyay Agasimaha mu'asasada IFTIIN mudane Maxamud Ilkacase iyo gudomiyaha Iftiin Family Mr Nuur Foljawe, ayna kasoo qeyb galeen arday ka kala yimid deegaanada ay IFTIIN ay waxbarashada ka hirgalisay sida: Cadado, Godinlabe, Gidheys, Baxdo, Camaara iyo Ceelhuur, waxaana looga hadlay sidii la is kugu xiri lahaa ardayda iyo in ardaydu ka qeyb qaataan hormarka waxbarasho iyo hormar ee deeganadooda kajira.
Sidoo kale waxaa la isku soo qaaday sida ardaydu dhaqaala ahaan uga qeyb qaadan karaan howlaha IFTIIN ay deegaanka kawado.

Munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha waxbarasho iyo hormar ee Mu'asasada Iftiin Education & Development mudo 17 sano ...
21/06/2024

Munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha waxbarasho iyo hormar ee Mu'asasada Iftiin Education & Development mudo 17 sano ah ayaa Cadaado lagu qabtay.
Gudomiyaha guud ee Mu'asasada Mr Abdihafid Salad Siyad, agasimaha Mu'asasada gobalada dhexe Mr Mohamud Ilkacase, masuuliyiin Galmudug, maamulka degmada, arday wax kabaratay Mu'asasada, qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qeyb galay munaasabada

27/11/2023
Waxaan u hambalyeyneenaa Gudomiye Nuur Foljawe oo kamid noqday ardaydii maanta kaqalin badashay SIMAD University
03/10/2023

Waxaan u hambalyeyneenaa Gudomiye Nuur Foljawe oo kamid noqday ardaydii maanta kaqalin badashay SIMAD University

Waxan u hambalyeyneenaa gudomiyaha ardayda Iftiin Family Mr Nuur Foljawe oo Ka qalinjabiyay heerka 1aad ee Jaamacada
20/08/2023

Waxan u hambalyeyneenaa gudomiyaha ardayda Iftiin Family Mr Nuur Foljawe oo Ka qalinjabiyay heerka 1aad ee Jaamacada

25/05/2023

Mu'asasada IFTIIN ayaa sabab u aheed in faraca jaamacada SIMAD laga hirgaliyo Cadado waxaan Ka aflaxay boqolaal arday.
Agasimaha mu'asasada Mudane Maxamud Maxamed Jaamac Ilkacase ayaa faahfaahinaya

24/05/2023
Kulan ay soo qaban qaabiyeen agasimaha mu'asasada IFTIIN mudane Maxamud Ilkacase iyo gudomiyaha ardayda IFTIIN Mr Nuur F...
15/09/2022

Kulan ay soo qaban qaabiyeen agasimaha mu'asasada IFTIIN mudane Maxamud Ilkacase iyo gudomiyaha ardayda IFTIIN Mr Nuur Foljawe ayaa lagu qabtay magaalada Cadado.
Kulankan wuxuu kusaabsanaa labo qodob oo Kala ah:
1. In maamul hoosaad loo sameeyo ardayda IFTIIN Cadado, wuxu maamulku soo xulay 10-arday oo hogaamisa howlaha ardayda IFTIIN Cadado, waxayna iska dhex doorteen gudomiye: CUMAR AXMED SH CUMAR, gudomiye kuxigeen: NASTEXO C/NUUR AXMED, iyo xoghaye: CALIDAAHIR MAXAMED AXMED, halka todobada kale ay noqonayaan xubno lashaqeeya gudoonka ladoortay.

2. Waxaa laga dooday sidii ay ardayda Iftiin Cadado wax ugu darsan lahaayen howsha baaxada leh ee Iftiin bulshada uheyso (contribution), waxa la isku waafaqay in bilaha iyo sanadyada soo socda ay wax lataaban karo lasoo kordhiyo, waxana howshaas hogaamin doona gudiga 10-ka xubnood ah iyo ustad MAXAMED DAAHIR oo inbadan kasoo shaqeynayay IFTIIN.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Iftiin Family posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Iftiin Family:

Share