04/05/2026
Yaasiin Axmed Goox (Digfeer), wuxuu ku dhashay gobolka Qorraxay ee dhulka Soomaali Galbeed dabayqaadii dagaalkii labaad ee Adduunka, xili qiyaastii ku beegan sanadihii 1947 ilaa 1950kii qarnigiii Labaatanaad.
Bilawgii h**e ee noloshiisa, wuxuu u soo wareegay gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya, halkaasi oo uu ku noolaa ilaa taabbo galkiisii, waxaa soo koriyey adeerkii Goox Qarboosh oo ka tirsanaa Ciidamada sidoo kalena dhalay Fannaankii Maxamuud Goox Qarboosh.
Bilawgii sanadkii 1970-kii, Soomaaliya waxaa ka bilawday Kacdoon Faneed, waxaa aasaasantay Kooxdii Hobolada ee Waaberi ka dibna, sanadkii 1973 waxa la saasay kooxaha Onkod iyo Horseed oo kala hoostagi jiray Milatariga iyo Asluubta Soomaaliyeed.
Axmed Iidow Abtiile (Axmed Nuur Jaangoo) AUN oo xiliyadaasi ka mid ah Fanaaniinta magacooda aad loo hadal hayo kuna caanbaxay heesta Daljir ee uu hal abuuray Abwaan Xasan Xaaji C/laahi (Xasan-Ganey) iyo Axmed Yaasiin Digfeer oo qiyaas ahaan 25 jir ah balse aanay bulshadu aqoon badan u lahayn waxay kow ka ahaayen asaaska kooxda Horseed ee Xoogga Dalka oo ka dhalatay isku darka kooxihii Booliska iyo kubadda cagta.
Sanadkii 1973, wuxuu ahaa markii koowaad Axmed Yassin Digfeer uu ka soo muuqdo riwaayaddii ‘Ugub Jacayl Iyo Af Kala Qaad’ ee uu alifay nin caan ku ahaa magaca Ina Baaruud.
Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) oo ka tirsanaa Idaacadda Raadyaw Muqdisho muddana ku noolaa Hargeysa oo loo xushay xayeysiinta Hoteelada Curubo iyo Jubba ayaa markii uu riwaayaddan oo ay ku jirtay heesta ‘Digfeer Aawadaa Galay’ ama ay dadka qaarkood u yaqaanaan ‘Dayaxiyo Cadceedaa, Dorraad Layga Yeedhay’; wuxuu Maxamed Warsame ku naanaysay Yaasiin Axmed Goox magaca Digfeer ee heesta ku jiray.
Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) wuxuu ku dhintay AUN dagaaladdii Sokeeye ee Soomaaliya.
Digfeer oo muddo kooban ku noqday nin fanka Soomaalida dhexdiisa caan ka ah sidoo kalena noqday macallimiinta kooxdiisa Horseed, waxyaabaha la aamisanyahay in suugaantiisa ay