Muddo aad u fara badan Shacabka Soomaaliyeed waxa ay indhahoodu subax walba ku waabariisanayeen indho xumo fara badan oo kaga imaanaysa maangaabnida Hogaanka sare ee dalka iyo inta la xulafada ah, mar walba waxa ay iyagu noqdeen kuwa uu dhaawucu ku danbeeyo iyaga ayaan meel kasta dhibaato ku haysata ila mar ahaantana u go'a goaan xumida ay sameeyaan Maddaxda waddanku, ma jirin ilaa hadda marka la eego go'aamada iyo tilaaboyinka maamul ee ay qaadayso cidda uga wakiilka ah dhowrista sharciga iyo fulintiisa wax yididiilo galiyay ama ay ku diirsadeen shacabka soomaaliyeed.... Hagardaamo, hafar iyo Hanjab aan kala go' lahayne waxa ay noqotay mid ay ku dhiiradaan hogaanka dalku in ay shacabka Soomaaliyeed u gaystaan kulana kacaan marba marka ka danbaysa.... Haddaba si loo helo is badal arrinta ku aadan waa in shacabka soomaaliyeed noqdaan cidda iyagu go'aanka ka go'o ma ahan kii ina dila inaan ku taageerno sandareerto yar ama reer aan la waddaagno waa mid aan waligeen ugu go'i doono tarabtarabna ugu le'an doono haddii aynaan iska garan dulinka siyaasiga ah oo aan shacabku ka dhiidhin kana kicin.... ogaada awooda aad leedahay haddii aad tahay shaqsi soomaaliyeed marka aad la middowdo shacabkaaga ood diidan waxaan idiin cuntamin waad ka adkaan doontaan.... In shaa Allah War waan Gumonaye aan Gobonimo doono