Gumeysi-Diid

Gumeysi-Diid Boggani waa mid xor ah, una dagaalamaya xornimadda Ummadda Soomaaliyeed..... "Waa Gumownaye aan Gobo

Muddo aad u fara badan Shacabka Soomaaliyeed waxa ay indhahoodu subax walba ku waabariisanayeen indho xumo fara badan oo kaga imaanaysa maangaabnida Hogaanka sare ee dalka iyo inta la xulafada ah, mar walba waxa ay iyagu noqdeen kuwa uu dhaawucu ku danbeeyo iyaga ayaan meel kasta dhibaato ku haysata ila mar ahaantana u go'a goaan xumida ay sameeyaan Maddaxda waddanku, ma jirin ilaa hadda marka la

eego go'aamada iyo tilaaboyinka maamul ee ay qaadayso cidda uga wakiilka ah dhowrista sharciga iyo fulintiisa wax yididiilo galiyay ama ay ku diirsadeen shacabka soomaaliyeed.... Hagardaamo, hafar iyo Hanjab aan kala go' lahayne waxa ay noqotay mid ay ku dhiiradaan hogaanka dalku in ay shacabka Soomaaliyeed u gaystaan kulana kacaan marba marka ka danbaysa.... Haddaba si loo helo is badal arrinta ku aadan waa in shacabka soomaaliyeed noqdaan cidda iyagu go'aanka ka go'o ma ahan kii ina dila inaan ku taageerno sandareerto yar ama reer aan la waddaagno waa mid aan waligeen ugu go'i doono tarabtarabna ugu le'an doono haddii aynaan iska garan dulinka siyaasiga ah oo aan shacabku ka dhiidhin kana kicin.... ogaada awooda aad leedahay haddii aad tahay shaqsi soomaaliyeed marka aad la middowdo shacabkaaga ood diidan waxaan idiin cuntamin waad ka adkaan doontaan.... In shaa Allah War waan Gumonaye aan Gobonimo doono

_ Waa uu ooyay, oo ooyay...dib ayuu uga durkay makarafoonkii....salaan sharafeedka calanka ayuu bixiyey isagoo weli ooya...
12/01/2022

_ Waa uu ooyay, oo ooyay...dib ayuu uga durkay makarafoonkii....salaan sharafeedka calanka ayuu bixiyey isagoo weli ooyaya oo leh 'Dalkayga waan jeclahay!!!!!!!!!!'.

Caydatuus Haybe Cali 12-01-2022; madaarka Muqdisho.

27/09/2021

Mudane Siciid Deni.....

Ma adigaa lagaa hoos shaqeeyey oo laguu gacan-dhaafay maamulkii, keddibna lagu tacadiyey wasiir Jamaal, mise waxaad dafiraysaa in wasiir jamaal la hor istaagay, la handaday wiilshii darawallada ahaa iyo ilaaladiisii?
Mise weli waxaad waddaa halku-dheggaagii ahaa waan xanaaqay. Oo wasiir Jamaal xanaaq aad ka xanaaqday sida loo soo dhowaynayo ayaad ka xanaaqday?

SOOMAALIYEEY MAQAL!!Abwaan Cabdulqaadir Cabdi (Abwaan Shube); ayaa tiriyey gabaygan oo lagu magacaabo “Soomaaliyeey maqa...
23/03/2021

SOOMAALIYEEY MAQAL!!

Abwaan Cabdulqaadir Cabdi (Abwaan Shube); ayaa tiriyey gabaygan oo lagu magacaabo “Soomaaliyeey maqal!!”, wuxuu yiri:

Soomaaliyeey maqal,
Murti iga dardaaran ah
Iyo xaal aad moog tahay,
Kuu muujintiisii
Tixdanoo mahduul iyo
Male laguma samaynine
Mudan oo xaqiiqo ah,
Soomaaliyeey maqal
Maqal oo macnaha faham
Isku maqan danteed moog,
iyadu isku maraneey
Cadowgaagu kugu maqan,
wuxuuna kuu makaabsaday
Midowga haatan la unkee,
badbaadada haatan la magac baxay
Malaha wuxuu la caanyahay,
jabhadihii markii h**e
Qarankeena magac dilay
Oo murugta ina baday
iyo macaluusha gaajada
Afartaa middaa dhigay,
midda kale waxay tahay
Mucaarad wuxuu ahaan jirey,
xukuumadda markaas ahi
Muraaday ay ka eegtaan,
meelaha khaladku kaga jiro
Kuwa maanta joogaa
Muran iyo ilaaq iyo
maagis mooyee
Maslaxada ma taliyaan?
Arrintaasi waa maya
Idinkaana marag ka ah.
Afartaa micneeyee,
midda kale waxay tahay
Hadduu Deni masuul yahay
Puntland u madax yahay
Maamulkeeda jecelyahay
Midnimada dadkiisiyo
Dawladnimo mug weyn rabo
Weli madal kastuu tegay
Daafaca madoobiyo
Ciidanka maagistiisiyo
Cayda maxamed mooyee
Dano iyo mashaariic
Federaalka kaga maqal
Isagoo muddici ka ah
Marna miyaad ka maqasheen
Taasu maya hadday tahay
Puntland mee dadkeedii
Isamadii maxaa helay
Markay xaajo murugtaba
Marjaca loogu noqon jirey
Indheer garatadii maye
Muusanowga dumarkaan
Waayadaan maqlaayee
Xagee maray raggeedii
Dastuurka yaa masuul ka ah
Barlamaanadii maye
Dagaalka mugdiga dhacay
Madficiyo rasaastii
Lagu laayey maatada
Maydkii jimcaha jiil
Ma markay arkeen bay
Nafta mahdiyeenoo
Midaan baaqanayniyo
Mowd bay ka baqayaan
Mise maamul xumadiyo
Murugada arlada taal
Manfacay ka doorteen?
Afartaa muhiimka ah
Soomaaliyeey maqal
Maqal oo macnaha fahan
Tixdaa Soomaaliyeey maqal
Midda kale waxay tahay
Waa daahirtoo
Waxba kuma dednoo
Kuwa doorashada
Daahinahayaa
Waa dawlad diid
Waxay doonayaan
Inuu qaranku dumo
Waxay doonayaan
Dagaalkii xigtada
Waxay doonayaan
Dalawga iyo qaxii
Dayacaan ogayn
Dar xumooyinkii
Dib ugu noqoshadood
Ummad yahay dareen
Siyaasadaha dedan
Iyo dibinaday
Daalin iyo tuug
Kuu daboolayaan
Dareen oo mirkaba
U diyaar garoow
Daafaca xornimada
Ummad yahay
Duul wada dhashoo
Isu diir egoo
Isku diin ahoo
Degaankoodu yahay
Degaanka Afrikoo
Dunida ugu wacan
Inaad tahay dareen
Daafaco markaa.

"Danta guud markay Joogto, iyo Dowladnimadeena,Hadal Dabacsan iyo Liidnimaan, kaaga digayaa".   ~Abwaan Nageeye Cali Kha...
22/08/2020

"Danta guud markay Joogto, iyo Dowladnimadeena,

Hadal Dabacsan iyo Liidnimaan, kaaga digayaa".

~Abwaan Nageeye Cali Khaliif

Qayb ka mid ah Warshadihii Soomaaliya ay yeelatay muddadii 30ka sano ahayd (1960-91) ee ay dawladnimada haysatay.
10/08/2020

Qayb ka mid ah Warshadihii Soomaaliya ay yeelatay muddadii 30ka sano ahayd (1960-91) ee ay dawladnimada haysatay.

30/08/2018

QEYBTII 5aad (gabo-gebo)

JEEDAL-DIID 1935kii

qeybtii h**e waxay inoo maraysay iyadoo halgamaa Axmed Ciise Gurey loo qaaday Muqdisho, Axmed waxaa lagu xiray qol yar oo ka tirsan xabsiga Muqdisho, waxaana loo diidey in loo tago oo cunno loo geeyo. Toddoba beri markuu xirnaa, baa waxaa loo kexeeyey Maxk**ad Milateri, isagoo gaajo darteed aan addin qaadi karin. Garsoorihii maxk**addu, wuxuu Axmed weydiiyey sababtii uu u diley labo Xidigle Mereia?

Axmed intuusan ka warcelin weydiintii garsooraha, wuxuu yiri: " Talyaanigu ma dawlad baa mise waa xoolo awood helay". Garsoorihii intuu yaabay buu yiri; Axmed maxaad uga jeeddaa weydiintaas, waad og tahay Talyaanigu inuu yahay dawlad.

Axmed wuxuu yiri: "Haddii aad dad waxgarad ah tihiin, bal dawlad iska daaye, maxaa intaad qol igu xirteen iigu bakhtiiseen? waxaa tihiin dad baaba' ah, beentii iyo wixii aad noo sheegi jirteenna waa waxba k**a jiraan. Haddii aan Soomaali nahay, qofka gaajo kagama aarsanno ee intaan wuxuu rabo siinno, baan marinnaa hadba wixii loogu talo galo".

Axmed maxk**adda dhexdeeda wuxuu ku celiyey, haddii dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur aydaan ka joojin dhaqanka xun ee karbaashka iyo midab gumaysiga ah, wixii ka dhaca wax badan baad ka shalaayi doontaan. Axmed wuxuu yiri: " waxaan labo xidigle Mereia u diley, waa arrin lagu dilo qof kasta oo Soomaali dhex keena taas oo kale".

Soomaalidu dil waa taqaan, hase yeeshee dil magac xumo iyo dheg-xumo u keena ma ogola, hadda waxii ka dambeeya waxaa dhiman doona saraakiil badan, haddii aan la joojin iwm. maalintaas keddib, qof Soomaali ah lama jeedalin, waana la joojiyey sharcigii karbaashka.

Dhinaca kale, Axmed waxaa lagu xukumay dil, wuxuuna ka tegay labo carruur ah iyo haweenay, inkasta oo geesigaas la diley, haddana ummadda Soomaaliyeed wuxuu uga tegay taariikh ma guurto ah oo ilaalisay magaca, sharafta iyo haybadda qofka Soomaaliga ah.
DHAMMAAD.

Buugga: Halgankii gumaysi caabbiggii iyo gobanimo-doonkii Soomaaliyeed 1499-1960kii.
W.Q. Daahir Cali Cumar 'deyr'.

Waxaa soo gudbiyey Cawil Ciiro.

29/08/2018

Qeybtii 4aad

JEEDAL-DIID 1935kii

Qeybtii h**e waxay inoo maraysay halgamaa Axmed Ciise oo ku tashaday inuu isdhiibo keddib markii eheladiisii oo aan waxba galabsan la xirxiray.
Goor ay Saddexdii fiidnimo tahay, oo madaxdii Talyaaniga iyo askartii loo fadhiyo casho, meesha la joogaana ay Qallaafo tahay, waxaa ilaaladii xerada hor yimid Axmed Ciise Gurey oo qorigii uu la tegay iyo toorray sita. Markay aqoonsadeen, mid mooyee intii kale waxay isku dareen carar iyo qaylo, iyagoo leh " WAA AXMED, WAA AXMED".

Rag iskuma jiree, ninkii ku haray baa ku yiri 'Istaag?' Axmed waa istaagay, wuxuuna yiri Kornaylka baan rabaa?. markii loo sheegay madaxdii Talyaaniga waxa uu rabo Axmed, G/le sare Bartegli waa diiday inay u tagaan cid aan isaga ahayn, markii uu u tegay, wuxuu weydiiyey sababta uu ciidamada ugu soo laabtay?.

Axmed wuxuu ku jawaabay: " waxaan taliye u imid inaan kula hadlo ayaan doonayaa". Kornaylkii wuxuu ku yiri: " haddaad u timid inaad ila hadasho, dhig hubka". Axmed hubkii ayuu dhulka dhigay, keddibna waxaa kexeeyey taliyihii, wuxuu geeyey miiskii uu ku cashaynayey, wuxuu weydiiyey sababta uu usoo noqday intuu sarkaal dilay?.

Axmed wuxuu kornaylkii ku yiri: " waa dadkii la xirxiray ee aan dambiga lahayn, iyo waa in haddii aan Talyaanigu joojin sharciga xun, in Talyaaniga iyo Soomaalidu iaku dhammaan doonaan".

Dooddaas, keddib Bartegli wuxuu sharraxay sidii uu markii h**e uga soo horjeeday sharcigaas, wuxuuna amray in Axmed la siiyo waxii uu cuni karo iyo meel uu seexdo, isagoo saraakiishii kale ku qanciyey in Axmed uu isagu isa soo dhiibay isagoo meeshii uu rabo Soomaaliya kaga noolaan karo, inta Muqdisho looga dirayana ammaan la siiyo.

Maalintii dambe waxaa Beled weyne laga soo diray Baabuur iyo ciidan si ay usoo kexeeyaan, Bartegli ciidamadii wuxuu faray inaan la jeebayn, wuxuuna ku daray waraaq codsi ah inaan la dilin, sababta oo ah waa geesi, wax ka tari kara dagaalka aan kula jorno Itoobiya ayuu ku yiri hadalkiisa.

Maxaa Muqdisho ku qabsaday halgamaagii?
Buugga: halgankii gumaysi caabbiggii iyo gobanimo-doonkii Soomaaliyeed 1499-1960kii.
W.Q. Daahor Cali Cumar 'Deyr'.

Waxaa soo gudbiyey Cawil Ciiro.

28/08/2018

Qeybtii 3aad

JEEDAL-DIID 1935kii.
_____________________

Waxay inoo maraysay markii Axmed Ciise kulankii ciidanka uu ku yimid funaanadda cad, halkii laga rabay inuu soo xirto dharka ciidanka.
iyadoo xaalku sidaas yahay, durba waxaa arkay oo u yeeray Tiniitigii, hase yeeshee Axmed uma imaan oo wuu diidey, hase yeeshee Mereia wuxuu raggii ciidanka uga hooseeyey ku yiri: "iska daaya, oo yaan dishabiliin lagu qaadin, maxaa yeelay waxaan dorraad karbaashay askari".

Galabtii dambe, sidii oo kale Axmed wuxuu shaqadii ku yimid funaanaddii, tiniitigii markii loo sheegay waa ka aamusay. Subaxdii dambe, Axmed wuxuu shaqadii ku yimid funaanaddii xeeladda ku dhisnayd. Labo xidigle Mereia, wuxuu Axmed u diray labo askari, Axmed marakan waa soo raacay hadal la'aan, maxaa yeelay waxaa la gaaray xilligii uu qorshaha dilka taliyaha fulin lahaa.

Intii lagu soo jirey jidka, Axmed wuxuu cabbaystay qorigii, waxaana aad uga argagaxay raggii la socdey oo aqoon u lahaa geesinimada iyo hargaanimada Axmed. Markii la ag yimid taliyihii, Axmed wuxuu qorigii ku jeediyey taliyihii, laakiin, nin Soomaali ahaa, oo ka mid ahaa kuwii markii h**e Axmed loo diray baa isku beegay taliye Mereia, Axmedna wuxuu ugu jawaabay: "haddaadan deg-deg uga bayrin, labadiinuba waa dhiman doontaan".

Nasiib wanaag, ninkii waa ka wareegay, Axmedna wuxuu ku dhuftay wejiga taliyaha xabbad keliya, Labo xiddigle Mereia waa dhacay, waana dhintay. Axmed intuu fuuqii qoriga ayuu meeshii uu ninka xabbadda kaga dhuftay ka saaray, oo iska dhaqaaqay. Askartii taliyaanigu waxay ku dhawaaqeen in la qabto Axmed, hase yeeshee, askartii waa diideen inay fuliyaan amarkaas, iyagoo ka baqay inuu iyagana laayo.

Axmed wuxuu galay hawdka, hase yeeshee waxaa la xiray haweenaydiisii iyo carruurtiisii, si loo ogaado meesha uu ku sugan yahay, Axmed wuxuu maqlay in la xiray dad aan dembi lahayn, sidaa darteed, wuxuu go'aansaday inuu is dhiibo, si loogu sii daayo qoyskii iyo eheladii kale.

qaabkee isu dhiibay, muxuu kala kulmay, maxaase lagula kacay Axmed?

Buugga: halgankii gumaysi caabbiggii, iyo gobanimo-doonkii Soomaaliyeed 1499-1960kii.
W.Q. Daahir Cali Cumar 'Deyr'.

waxaa soo gudbiyey Cawil Ciiro

27/08/2018

Qeybtii 2aad

JEEDAL-DIID 1935kii
_____________________

Qeybtii h**e waxay inoo maraysay iyadoo la iaku raacay in sharcigii karbaashka ahaa lagu fuliyo ciidamadii Soomaalida ee ciidamada gumaysiga Talyaaniga ka tirsanaa.

Goor uu bilowday dagaalkii u dhexeeyey Itoobiya iyo Talyaaniga, meelo badanna laga qabsaday Itoobiya, oo ciidamadu ku sugan yahiin God-dheero oo u dhaxaysa Xudur iyo Qallaafo, waxaa Guuto loo yaqiin 'Duub-cad' taliye looga dhigay labo xidigle Talyaani ah oo lagu magacaabi jirey Mireia.

Guud ahaan, ciidamada dagaalka ka bilaabay inta u dhexaysa Feer-feer ilaa Jubba waxaa taliye looga dhigay G/le dhexe Bartegli. Labo xidigle Mereia wuxuu Xamar yimid isaga oo wata sharcigii ku saabsanaa Krbaashka, wuxuu taliyihii guud ee Bartwgli weydiiyey sidii loo fullin lahaa sharcigii Jeedalka. Bartegli waa diiday in la fuliyo sharcigaas, hase yeeshee, labo xidigle Mereia waa ku diiday hoggaamiyihiisii in aan la fulin, wuxuuna ku yiri: "Anigu waan ku dhaqayaa, waana ku fulinayaa guutada aan u taliyo". Bartegli wuxuu ku yiri: " waxaad ka hesho baan arki doonaa".

Maalintii dambe, waxaa dibishiliin xumo lagu helay askari ka mid ahaa Soomaalidii Duub-cadda la oran jirey, oo ka mid ahaa kuwii u dhashay gobollada dhexe ee taliyaha uu u ahaa Lbo xidigle Mereia. Durba, Soomaaligii waxaa lagu xukumay 15 jeer oo karbaash ah, keddibna waa lagu dhuftay, waana la xiray. Arrintaas waxaa aad iyo aad uga xumaaday dhallinyaro badan oo Soomaali ah, waxaana ka mid ah geesi Soomaaliyeed oo la oran jirey 'AXMED CIISE GUREY'.

Qeybta dambe oo dhan, waxaa sheekadu ku socotaa Axmed Ciise iyo siduu jawaab uga bixiyey dhaqankaas xun ee Karbaashka.

Sida xeerka dhaqanku yahay, waxaa riigada (kulanka) subixii lagu yimaadaa dharka askarta. Axmed mooyee raggii kale waxay riigaddii ku yimaadeen dharkii askarta, laakiin Axmed oo ku tashaday inuu dilo Labo xidigle Mereia inta uusan qof kale Karbaashin, wuxuu ku yimid Funaanad cad.

Keddib maxaa dhacay?
Buugga: halgankii gumaysi-caabbiggi iyo gobanimo-doonkii Soomaaliyeed 1499-1960kii.
W.Q. Daahir Cali Cumar Deyr.

Waxaa soo gudbiyey, Cawil Ciiro

26/08/2018

Qeybtii 1aad

JEEDAL-DIID 1935kii
_____________________

goor gumaysigii Talyaanigu uu karbaasho dadkii beeraha loo qafaali jirey, hase yeeshee gobollada dhexe iyo kan Bari uusan weli gaarin ama lagu dhaqin xeerkaas, waxaa la gaaray markii la weerari lahaa Itoobiya.

Goor abaabulkii lagu jiro, waxaa 1935kii Jeneral Garasiani oo Liibiya haystay loo magacaabay taliyihii guud ee dagaalka iyo ciidamada. Raggii Soomaaliyeed ee ku jirey askarta gumaysiga, waagii h**e laguma dhaqi jirin xeerkaas Karbaashka ah, ee waxaa lagu samayn jirey askarta Eritariyaanka iyo Liibiyaanka ah.

Dabayaaqadii 1935kii, waxaa lasoo jeediyey in Soomaalida ciidamada ka midka ah la jeedalo kii dembi dishabaliin u baahan gala. Taladaasi waxay jiitamaysay dhowr bilood, hase yeeshee waxaa la hirgaliyey markii Soomaaliya uu yimid Garasiani.

Rag ka mid ahaa saraakiishii Talyaaniga ee joogtay Soomaaliya, waxay ku taliyeen in Soomaalida laga daayo sharcigaan lagu dhaqo Liibiyaanka iyo Eriteriyaanka, maxaa yeelay waxaan ki jirnaa xilli dagaal, midda kale Soomaalidu qaadan mayso sharcigaas, oo annagaa naqaan, waxay ahaan jireen dawlad aan xoog ku baabi'inay oo isla qab weyn, oo jeedalka uqaba sharaf dhac iyo qiimo-jebin, ciidankana iyagaa u badan ee halla joojiyo.

Kooxdii Garasiani ee wadatay in dibashaliinka askarta laga dhigo jeedal baa dooddii ku adkaatay, waxaana la isku raacay in Soomaalida la karbaasho, kii lagu helo dembi fudud.

maxaa kasoo socda?????????

Buugga: Hlgankii gumaysi-caabiggii iyo gobanimo-doonkii Soomaaliyeed 1499-1960kii.
W.Q Daahir Cali Cumar 'Deyr'.

Waxaa soo gudbiyey Cawil Ciiro

Najmo Maxamud Cumar iyo kooxdeedu ammaan bay ka mudan yahiin dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan hoggaanka Websidk...
03/05/2018

Najmo Maxamud Cumar iyo kooxdeedu ammaan bay ka mudan yahiin dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan hoggaanka Websidka Gumaysi-diid.

Address

Mogadishu
NA

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gumeysi-Diid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Gumeysi-Diid:

Share