01/06/2026
Waxaa sharaf weyn ii ah inaan ka qeyb galo Aqoon-is-weydaarsiga Qiimeynta Baahiyaha ee la xiriira Ruqsad-bixinta Batroolka Soomaaliya (Somalia Licensing Round Needs Assessment Workshop), kaas oo uu si rasmi ah u daah-furay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed.
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga Soomaaliya ee wareegga ruqsad-bixinta shidaalka, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta awoodaha hay’adaha dowladda, tayeynta nidaamyada farsamo, sharciyeed iyo maaliyadeed, iyo waafajinta habraacyada dalka heerarka caalamiga ah ee ugu wanaagsan.
Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan qeyb ka noqdo dadaallada lagu dhisayo hannaan hufan oo kor u qaadaya kalsoonida maalgashadayaasha, isla markaana xaqiijinaya in kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna looga faa’iideeyo si waara, caddaalad ah, una horseeda koboc dhaqaale iyo horumar qaran.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha iyo khubarada ka qeyb qaadanaya aqoon-is-weydaarsigan, gaar ahaan Dowladda Canada iyo hay’adda CPCS oo taageeradooda muhiimka ah ka geysanaya horumarinta waaxda batroolka iyo macdanta Soomaaliya.