11/04/2026
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Haramcad ayaa saaka gaaray magaalada Baydhabo si ay u xoojiyaan amniga, una qeyb qaataan xasilinta magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Cutubyadan cusub ayaa xoojin doona ciidamo horey ugu sugnaa Baydhabo, iyadoo ujeedka howlgalka uu yahay adkeynta amniga, sugidda nabadda, iyo ka hortagga falalka amni-darro.
Ciidanka gaaray Baydhabo waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Abdihakiin Eeldheer,