19/03/2026
Ciid Wanaagsan – Ciidul Fidriga .
Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel-walba oo ay dunida ka joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga. Gaar ahaan, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa BeelahaYabar Madaxweyne, gudaha iyo dibaddaba, anigoo u rajaynaya farxad, nabad iyo barwaaqo.
Alle (SWT) waxaan ka baryayaa inuu inaga aqbalo soonkii, salaaddii, zakadii iyo dhammaan cibaadooyinkii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Ilaahay ha inaga yeelo kuwii laga aqbalay acmaashooda suuban, dembiyadoodana la dhaafay, naxariistiisana ku mannaystay.
Munaasabaddan qiimaha badan waxay inoo tahay xilli aynu is xasuusinno muhiimadda midnimada, is-caawinta, isu naxariisashada iyo garab istaagga walaalaheenna tabaalaysan. Waa waqti aynu ku xoojino xiriirka bulshada, isla markaana aynu ku muujinno jacaylka iyo walaaltinimada.
Sidoo kale ,Iyadoo dalka uu marayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaan si wadajir ah isu xasuusinaynaa muhiimadda ay leedahay midnimada, wada hadalka iyo isu tanaasulka. Dalkeennu wuxuu u baahan yahay in laga hormariyo danta guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo khilaaf.
Waxaan Alle (SWT) ka baryaynaa inuu dalkeenna ka dhigo mid xasilloon oo midaysan, isla markaana ku hanuuniyo madaxdeenna iyo dhammaan hoggaanka dalka inay muujiyaan biseyl siyaasadeed, dulqaad iyo isu tanaasul, si loo gaaro go’aanno waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo wada shaqeynta, is ixtiraamka iyo ilaalinta midnimada ummadda, si dalka looga badbaadiyo caqabadaha jira, loona gaarsiiyo horumar waara iyo dowladnimo sugan.
Ugu dambayn, waxaan Eebbe ka baryaynaa inuu ciiddan ciiddeeda kale innagu gaarsiiyo annagoo caafimaad qabna, amni leh, horumar iyo barwaaqo ku naaloonaya. Ilaahay ha mideeyo qalbiyadeenna, hana inaga dhigo bulsho isku duuban oo ku wada nool nabad iyo is ixtiraam. Alle ha inoo sahlo kheyrka, hana inaga dhowro wax kasta oo dhaawici kara midnimadeenna iyo mustaqbalkeenna.
Farxad iyo nabad ku ciida dhammaantiin! Ciid Mubaarak!
كل عام وأنتم بخير
Ali Elmi Ibrahim
Guddoomiyaha Dhalinyarada Beelaha Yabar Madaxweyne.