Abdisalam A. Ali -Dhaay

Abdisalam A. Ali -Dhaay ๐Œ๐ข๐ง๐ข๐ฌ๐ญ๐ž๐ซ ๐จ๐Ÿ ๐…๐จ๐ซ๐ž๐ข๐ ๐ง ๐€๐Ÿ๐Ÿ๐š๐ข๐ซ๐ฌ ๐š๐ง๐ ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐‚๐จ๐จ๐ฉ๐ž๐ซ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐Ÿ ๐ญ๐ก๐ž ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐ฅ ๐‘๐ž๐ฉ๐ฎ๐›๐ฅ๐ข๐œ ๐จ๐Ÿ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š

14/05/2025
Ka Qeybgalka Shirka Golaha Wasiirrada iyo Warbixinadii Guusha Dagaalka ka dhanka ah KhawaarijtaMaanta waxaan ka qeyb gal...
24/04/2025

Ka Qeybgalka Shirka Golaha Wasiirrada iyo Warbixinadii Guusha Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Maanta waxaan ka qeyb galay shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan guulaha taariikhiga ah ee ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay ka gaareen furimaha dagaalka ee lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno dhameystiran oo ku saabsan horumarka laga sameeyay howlgalada dalka ka socda, dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan guddiyada taakuleynta dagaalka. Waxaa sidoo kale laga dooday xoojinta iskaashiga hayโ€™adaha amniga iyo taageerada ay bulshada rayidka ah ku garab taagan yihiin ciidanka geesiyaasha ah ee u taagan difaaca dalka iyo dadkaba.

Waxaan maanta guddoomiyay shirar muhiim ah oo aan la yeeshey guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqa...
20/04/2025

Waxaan maanta guddoomiyay shirar muhiim ah oo aan la yeeshey guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqaalaha iyo taakuleynta.

Shirarkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta howlaha lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, iyada oo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hayโ€™adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo la-hawlgalayaasha amniga. Ujeeddada ayaa ah in la xoojiyo dadaallada lagu sugaayo amniga dalka, loona dhiso bulsho ka madax bannaan cabsi iyo xagjirnimo.

14/04/2025

Maanta waxaan si rasmi ah u furay Shirka Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo markii ugu horreysay lagu qabanayo gudaha Soomaaliya, kaasoo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan waxa uu xooga saarayaa doorka muhiimka ah ee ay Soomaaliya ka ciyaarayso horumarinta, ilaalinta, iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha.

Tani waxa ay fursad u tahay in la isdhaafsado aragtiyo wax-ku-ool ah, lana xoojiyo iskaashiga u dhexeeya heyโ€™adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo beesha caalamka, si wadajir looga shaqeeyo dhismaha mustaqbal ku dhisan caddaalad, sinnaan, iyo xurmeyn buuxda oo la siiyo xuquuqda aadanaha.

Waxaan maanta xafiiskeyga kulan muhiim ah kula qaatay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay, ahna Agaasimaha f...
13/04/2025

Waxaan maanta xafiiskeyga kulan muhiim ah kula qaatay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay, ahna Agaasimaha fulinta ee Hayโ€™adda UNOPS, Mudane Jorge Moreira da Silva.

Kulankan oo uu igu wehlinayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Hayโ€™adda UNOPS, gaar ahaan dhinacyada isbedellada cimilada, amniga, caafimaadka, tamarta, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan sidoo kale ka wada hadalney masuuliyiintan kor u qaadida taageerada farsamo iyo dhaqaale ee UNOPS ay siiso Soomaaliya, si loo dardargeliyo dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo xasilloonida dalka.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan xubnaha, saraakiisha, iyo qoysaska geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka Soo...
12/04/2025

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan xubnaha, saraakiisha, iyo qoysaska geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha leh ee ah sannad-guurada 65-aad ee kasoo wareegtay maalintii la aas-aasay ciidanka xoogga dalka.

Ciidanku waa tiir-dhexaadka qarannimada, difaacayaasha dalka iyo dadkaba, waxaana nahay kuwo mar walba garabkiinna ah, kuna faanaya geesinimada, kartida iyo dadaalka aad ugu jirtaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Hambalyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed!
Guul iyo Gobanimo ha idinla jirto!

10/04/2025

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐“๐š๐š๐ ๐ž๐ž๐ซ๐š๐๐š ๐‹๐š-๐๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ซ๐ข๐ฃ๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐๐š๐ฒ ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š.

Aniga iyo xubnaha Guddiga Qaran ee la dagaalanka argagixisada, waxaan booqanay qaar kamid ah isbitaalada ku yaalla Caasimadda, halkaas oo aan ugu ducaynay geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay dagaallada lagula jiro kooxaha Khawaarijta.

Booqashadan waxay qeyb ka tahay garab-istaagga iyo dhiirrigelinta halyeeyada naftooda u huray difaaca dalkooda iyo dadkooda. Waxaan u muujinay taageero buuxda, annagoo xaqiijinayna in aysan kaligood ahayn โ€” ummadda Soomaaliyeed oo dhan ayaa garabkooda taagan.

Waxaan maanta booqdey qaar kamid ah Isbitaallada caasimadda oo lagu daryeellayo dhaawacyadii geesiyaasha xoogga dalka iy...
09/04/2025

Waxaan maanta booqdey qaar kamid ah Isbitaallada caasimadda oo lagu daryeellayo dhaawacyadii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaannada ee waxyeelladu kasoo gaartay jiidaha h**e ee dagaalka.

Waxaan mid mid u dul-istaagay dhaawacyada oo aan ka waraystay xaalladooda caafimaad, una sheegay in dowladdoodu la garab taagantahay daryeel walba oo ay u baahan yihiin, lana socon doonto xaaladdaha ay ku sugan-yihiin.

Sidoo kale waxaan warbixinno kala duwan ka dhagaystay howl-wadeennada gacanta ku haya dhaawacyada oo aan kula dardaarmay in ay ugu adeeggaan si hufan geesiyaasha u dhaawacmay halganka dalka looga sifeynayo kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta ah.

Waxaan maanta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Khawaari...
06/04/2025

Waxaan maanta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray garab istaagga ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka dagaallamaya qeybo kamid ah gobollada dalka iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa dhagarta ay kooxaha Khawaarijta ah u maleegayaan shacabka.

Waxaa muhiim ah in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, garab istaagna loo muujiyo geesiyaasha xoogga dalka, iyada oo bulshada Soomaaliyeed laga doonayo in ay gacan ka gaystaan difaaca dalka iyo ciribtirka cadowga.

Inaa Lillahi wa Inaa Ilayhi Raajicuun.Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Alle haโ€™u naxariistee Gaashaanle sare Nuu...
05/04/2025

Inaa Lillahi wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Alle haโ€™u naxariistee Gaashaanle sare Nuur Farey Gaabow oo saaka lagu dilay deegaan hoos yimaada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Ehelka, qaraabada, ciidamada qalabka sida, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xooga Dalka.

Taliye Nuur waxa uu ahaa geesi qaran, rabbi naxariistii jano Alle haka waraabiyo. Samir iyo iimaana ka siiyo ehelkii, asxaabtii, Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdisalam A. Ali -Dhaay posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Abdisalam A. Ali -Dhaay:

Share