OPMSomaliaTeam

OPMSomaliaTeam Bogga Maamulka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho, Arbaco, 17 Sebteembar 2025: – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii shanaad si habsami leh uga socda Teendhada Af...
17/09/2025

Muqdisho, Arbaco, 17 Sebteembar 2025: – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii shanaad si habsami leh uga socda Teendhada Afisyoone tababbar oo ku saabsan hoggaaminta iyo maareynta waxqabadka ee bixinta adeegyada bulshada, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 150 qof oo isugu jira shaqaalaha iyo saraakiisha idman ee hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Tababbarkan oo qayb ka ah hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa tayada iyo hufnaanta adeegyada bulshada, iyada oo loo marayo hab-maamul casri ah.

Muqdisho, Isniin, 15 Sebteembar 2025: — Tababbar ku saabsan  hoggaaminta iyo maareynta waxqabadka adeegyada bulshada oo ...
15/09/2025

Muqdisho, Isniin, 15 Sebteembar 2025: — Tababbar ku saabsan hoggaaminta iyo maareynta waxqabadka adeegyada bulshada oo loo qabtay shaqaalaha iyo saraakiisha sare ee wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ayaa maalintii labaad ka socda Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Tababbarka oo ay bixinayaan khubaro ku xeeldheer dhanka maamulka iyo hoggaaminta, ayaa inta uu socdo lagu baranaya maareynta iyo adeeg bixinta wasaaradaha, iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahayd adeeg hufan oo ku salaysan wax-qabad tayo leh oo horumarsan kaasi oo la jaanqaadaya hab-raacyada casriga ah iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Muqdisho, Sabti, 13 Sebteembar 2025: — Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federa...
13/09/2025

Muqdisho, Sabti, 13 Sebteembar 2025: — Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay tababbar sare oo ku saabsan horumarinta adeegga guud iyo maareynta waxqabadka ku saleysan natiijo, kaasi oo loo qabtay Saraakiisha Idman ee hey’adaha dowladda.

Tababbarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya xoojinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha sare ee ka kala socda hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda, waxaanna kor loogu qaadaya kartidooda hoggaamineed iyo maareynta howlaha dowladda, si loo horumariyo tayada adeegyada la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed, loona dhiso nidaam wax-ku-ool ah oo lagu cabbiro, laguna qiimeeyo waxqabadka hay’addaha, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan iyo hufnaan.

Furitaanka tababbarka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, iyo khubaro ku takhasusay maamulka iyo hoggaaminta adeegyada dadweynaha oo ka socda dalka Tansaaniya, waxaanna si rasmi ah u furay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani.

Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa diiradda saaraysa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo waayo-aragnimada masuuliyiinta laf-dhabarta u ah hey’adaha dowladda si bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo waxtar leh, loona xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee ku saleysan isla xisaabtan iyo daah-furnaan

— Dhammaad —

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billa...
31/07/2025

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Xoghayaasha Joogtada ah iyo Agaasimayaasha Guud ee hey’adaha dowladda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo istiraatiiji ah oo la xiriira dib-u-habaynta hey’adaha dowladda, xoojinta hannaanka maamul, mideynta nidaamyada casriga ah ee dowladda (sida NOL, OSTO, ID, bogagga internetka ee wasaaradaha), iyo qiimeynta warbixinada waxqabadka ee wasaaradaha kala duwan muddadii u dhaxaysay Janaayo ilaa Juun 2025.

Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay diyaar garowga Banbaxa Golaha Wasiirrada (Cabinet Retreat) iyo qorsheyaasha la xiriira horumarinta iskaashi iyo hufnaan dheeraad ah oo ku saabsan sida Golaha Wasiirrada u wada shaqeynayaan.

Mudane Kamal Gutale ayaa bogaadiyay dadaalka Agaasimayaasha iyo Xoghayaasha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo wada shaqeynta, isla-xisaabtanka, iyo hirgelinta nidaamyo isku xiran oo kor u qaada adeegyada dowladda.

— Dhammaad —

Muqdisho, Axad, 27 Abriil 2025: — Madaxda iyo howl-waddeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Fede...
27/04/2025

Muqdisho, Axad, 27 Abriil 2025: — Madaxda iyo howl-waddeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, ayaa galabta yeeshay kulan lagu taageerayo ciidanka qalabka sida ee Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku jira halganka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta.

Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in howl-wadeennada dowladda looga baahan yahay garab istaagga halyeeyada naftooda u huraya sidii dalkeenna looga sifeyn lahaa kooxaha Al-Shacaab iyo Daacish, oo halis ku ah amniga iyo jiritaanka Qaranka.

Kulamada lagu garab istaagayo ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka, ayaa ka turjumaya sida ay Xukuumadda DanQaran, uga go'antahay xoreynta dalka iyo ciribtirka kooxaha arxanka daran ee khawaarijta ah.

— Dhammaad —

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, oo guddoomiyey shirka Billaha ah ee ...
25/04/2025

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, oo guddoomiyey shirka Billaha ah ee Agaasimeyaasha iyo Maareeyaasha Hey’adaha Dowladda, ayaa looga hadlay Hirgelinta Xeerka Nidaaminta Xukuumadda iyo Kala Xadeynta Howlaha Dowladda iyo hirgelinta siyaasadda jaangoynta darajooyinka iyo mushaar bixinta , si loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha, loona xoojiyo dowlad wanaagga.

Kulanka, ayaa lagu soo bandhgay qaabka lagu hirgelinayo xeerarkan cusub, si shaqaaluhu ay u helaan xuquuqdoodii, waxaana la isku raacay in la qaabeeyo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu fuliyo, iyada oo la tixraacayo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee dhawaan la meelmariyey.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗵𝘂𝗱𝗯𝗮𝗱 𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿 𝗸𝗮 𝗷𝗲𝗲𝗱𝗶𝘆𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗶𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝘁𝗮 Qaahira, Talaado 4 Maarso 2025: —...
04/03/2025

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗵𝘂𝗱𝗯𝗮𝗱 𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿 𝗸𝗮 𝗷𝗲𝗲𝗱𝗶𝘆𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗶𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝘁𝗮

Qaahira, Talaado 4 Maarso 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda adag ee ka jirta Gaza iyo guud ahaan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Falastiin.

Mudane Xamsa waxa uu xusay sida xooggan ee ay dowladda Soomaaliya u uga soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo xad-gudub cad ku ah qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan.

Waxaa kale oo khudbaddiisa uu uga hadlay xaaladaha dalalka Suudaan iyo Suuriya, oo uu sheegay in Soomaaliya ay taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaasi Carbeed iyo in aan la soo fara gelin arrimhooda gudaha.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu uga mahadceliyay dalalka Carbeed ee walaalaha aan nahay taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo bini’aaninada, isagoo ugu baaqay in ay maalgashadaan dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah ee ka jira Soomaaliya sida beeraha, xoolaha iyo tamarta, si loo xoojiyo horumarka waara, aanna u abuurno fursado.

— Dhammaad —

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
[email protected]
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:

Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia

13/11/2024

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Kamaal Daahir Guutaale oo ka hadlay qorshaha isbeddelka qaranka ee shanta sanno ee soo socoto ayaa sheegay in maanta lasoo bandhigay mashaariicda qorshaha isbeedelka qaranka ee shanta sanno soo socoto ay fulin doonto dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay fulinta mashaariicda ay horseedi doonto gaarista isbeddel dhaqaale oo xoog badan taas oo sarre u qaadi doonto nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay wehliyaan wasiirka Qorsheynta, wasii...
30/10/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay wehliyaan wasiirka Qorsheynta, wasiirka waxbarashada iyo xoghayaha joogtada xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029), oo si habsami leh uga socda xarunta Hangarka Afisyoone.

Ra'iiul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhagaystay Khubarrada ku howlan qorista Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, wuxuuna kormeeray Sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto isagoo ku ammaanay howsha muhiimka ah ee ay Qaranka u hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xarunta, waxa uu ka qaybgalay doodwadaag wax ku ool ah oo ay yeesheen Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiirta iyo Ganacsatada kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda uu hogaamiyo ee DanQaran ay doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in Qaranka lagu horumariyo.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu intaa raaciyay in dib u eegis lagu samaynayo dhismaha iyo sharciyada Ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in Xukuumadda DanQaran ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo.

SHIRKA WADATASHIGA QABYA-QORAALKA XEERNIDAAMIYAHA XUKUUMADDA IYO HAY’ADAHA DAWLADDA Muqdisho, 22 Oktoobar 2024 Xoghayaha...
22/10/2024

SHIRKA WADATASHIGA QABYA-QORAALKA XEERNIDAAMIYAHA XUKUUMADDA IYO HAY’ADAHA DAWLADDA

Muqdisho, 22 Oktoobar 2024

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa ka qeybgalay maalinta labaad tababar wadatashi ah oo ku saabsan qabyaqoraalka xeernidaamiyaha xukuumadda, kaas oo kala xadaynaya waajibaadka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.

Kulankan oo maalintii labaad Muqdisho ka qabsoomay ayaa waxaa kasoo qeybgalay agaasimayaasha guud, xoghayaasha joogtada ah ee wasaaradaha iyo wakiillo ka socda hay’adaha dawladda, si kor loogu qaado wadashaqaynta iyo iskudubbaridka shaqooyinka hay’adaha kala duwan ee dawladda.

Tababarka ayaa maanta xoogga lagu saaray sidii loo kala xadayn lahaa waajibaadka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, si ay u sahlanaato islaxisaabtanka hay’adaha dawladda dhexdooda ah iyo sara-u-qaadista geeddisocodka dawladdhiska Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha JFS ayaa ballanqaaday dhaqangalinta qodobbada ka soo baxa Shirka Wadatashiga si loo gaaro hannaan adeeg oo hufan, kaas oo ka jawaabaya baahida ummadda Soomaaliyeed.

Xoghayaha Joogtada ee XRW oo Furay Wadatashi Ku Saabsan Qabyo-Qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda Hey’adaha DowladdaMuqd...
22/10/2024

Xoghayaha Joogtada ee XRW oo Furay Wadatashi Ku Saabsan Qabyo-Qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda Hey’adaha Dowladda

Muqdisho, 21-Oktoobar-2024 – Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa furay tababar wadatashi ah oo ku saabsan qabyo-qoraalka xeerka nidaamka xukuumadda iyo kala xadeynta waajibaadka wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen madaxda iyo wakiillo ka socda hey’adaha dowladda, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-dubbaridka shaqooyinka hey’adaha kala duwan ee dowladda. Wadatashiga waxaa xoogga lagu saaray sidii loo kala caddeyn lahaa waajibaadka wasaaradaha iyo hey’adaha, si loo hubiyo habsami u socodka howlaha dowladda iyo maamul wanaagga.

Xoghayaha Joogtada ah, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta hey’adaha iyo in la helo xeer cad oo hagaya nidaamka xukuumadda, si loo gaaro adeeg hufan oo ka jawaabaya baahiyaha shacabka.

Address

OPM
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when OPMSomaliaTeam posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to OPMSomaliaTeam:

Share