19/12/2025
Hambalyo iyo Bogaadin
Waxaan hambalyo iyo bogaadin qalbi ah u diraynaa Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, munaasabadda sanad-guuradiisa 7-aad ee hoggaaminta Dowladda Koonfur Galbeed.
Intii uu xilka hayey 7-da sano ee la soo dhaafay, waxaan marqaati ka nahay dadaallo wax ku ool ah oo uu ku bixiyey xoojinta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah, kuwaas oo si weyn uga qeyb qaatay horumarka, xasilloonida iyo kalsoonida bulshada ee Koonfur Galbeed.
Waxaan Madaxweynaha u rajeynaynaa guul, caafimaad iyo horumar joogto ah, si uu u sii ambaqaado hoggaaminta hufan iyo dadaallada wax ku oolka ah ee uu ugu adeegayo shacabka Koonfur Galbeed.
Ugu dambayn, waxaan leenahay:
Mudane Madaxweyne, 7 sano kale na hoggaami.