Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

  • Home
  • Somalia
  • Mogadishu
  • Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Taliska Ciidamada Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya (Somali Navy and Coast Guard ) ee XDS

Xarunta Hawlgallada iyo Kormeerka badda ee Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed
01/09/2026

Xarunta Hawlgallada iyo Kormeerka badda ee Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Booqasho Rasmi ah ku Tagay Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soo...
27/08/2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Booqasho Rasmi ah ku Tagay Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed

Muqdisho: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey xarunta Taliska Ciidanka Badda, waxaana soo dhaweyntiisa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Admiral Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Badda.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha CXDS ayaa dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee Ciidanka Badda, howlaha socda, iyo xaaladaha Fadhiyada iyo Xarumaha Ciidanka Badda ee gobollada dalka, iyadoo si gaar ah looga hadlay hawlgallada, diyaar-garowga , caqabadaha jira iyo hiigsiga Mustaqbalka.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee Taliska, xafiisyada shaqada, iyo Xarunta Hawlgallada iyo La-socodka Badda (Maritime Operations and Coordination Centre), halkaas oo uu ku arkay habka ay saraakiisha iyo ciidamadu u maamulaan, ula socdaan, una qorsheeyaan howlaha badda.

Taliyaha CXDS ayaa bogaadiyey dadaalka, hufnaanta iyo habsami-u-socodka howlaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo awoodda Ciidanka Badda, ilaalinta xeebaha, sugidda amniga iyo badbaadada badda, iyo la-dagaallanka dambiyada badda.

Taliyaha ayaa sidoo kale muujiyey muhiimadda horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Badda, si loo dhiso ciidan leh awood, aqoon, qalab iyo diyaar-garow buuxa, kaas oo si hufan uga qeyb qaata sugidda amniga iyo difaaca qaranka, gaar ahaan ilaalinta xeebaha iyo biyaha Soomaaliya.

Booqashadan ayaa muujineysa muhiimadda ay leedahay iskaashiga, isku-duwidda iyo wada-shaqeynta Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed, si loo xoojiyo awoodda guud ee amniga iyo difaaca dalka.

SONNA Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

Xaflad Sagootin iyo Dhiirrigelin loo Sameeyey Saraakiisha yo Saraakiil Xigeenada Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soom...
24/08/2026

Xaflad Sagootin iyo Dhiirrigelin loo Sameeyey Saraakiisha yo Saraakiil Xigeenada Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed

Xarunta Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa lagu qabtay xaflad sagootin iyo dhiirrigelin ah oo loo sameeyey saraakiil iyo saraakiil-xigeenno ka tirsan Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, kuwaas oo ka kala socday fadhiyada iyo baraha kala duwan ee Ciidanka Badda.

Saraakiishan ayaa ku soo guuleystay tartamo iyo imtixaanno lagu xulay, waxaana loo dirayaa dalka dibaddiisa si ay u qaataan tababaro iyo takhasusyo heer sare ah, kuwaas oo ay ka soo baran doonaan dalalka kala ah Türkiye, Talyaaniga iyo Shiinaha.

Xafladda waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee hoggaanada, waaxyaha, maamullada ciidan ee saraakiisha Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa furay Kaaliyaha Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, G/le Dhexe Cabdiwaxid Cali Afrax, Taliyaha ayaa saraakiisha iyo saraakiil-xigeennada u jeediyey dardaaran, dhiirrigelin iyo talooyin muhiim ah, isagoo kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursadda la siiyey, ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta Ciidanka, isla markaana aqoonta iyo xirfadaha ay ka kororsadaan tababarada dib ugu soo celiyaan Ciidanka.

Ujeeddada tababaradan ayaa ah kor u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo hufnaanta saraakiisha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, si loo helo ciidamo leh aqoon iyo karti ku filan gudashada waajibaadka qaranka ee ilaalinta xeebaha, biyaha Soomaaliyeed, khayraadka badda iyo amniga qaranka.

Sidoo kale, fursadahan waxbarasho iyo tababarro dibadeed waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu dhisayo Ciidanka Badda Soomaaliya si loo helo ciidan leh aqoon casri ah, isla markaana leh awood hoggaamineed, hawlgal iyo farsamo oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Aqoontu waa awoodda Ciidankeena, xirfadduna waa saldhigga guusha hawlgalka.

Waxaan dhammaan saraakiisha iyo saraakiil-xigeennada loo dirayo tababarada dibadda u rajaynaynaa guul, caafimaad iyo inay dalkooda iyo ciidankooda kulasoo laabtaan aqoon, khibrad iyo xirfado cusub.

🇸🇴 Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

Islamabad, Pakistan : Agoosto 2026Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Admiral Abdiwahaab Omar , ay...
06/08/2026

Islamabad, Pakistan : Agoosto 2026

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Admiral Abdiwahaab Omar , ayaa qayb ka ahaa wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku tegay Taliska Ciidanka Badda ee Pakistan.

Booqashada ayaa qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga badda, tababarrada, iyo horumarinta awoodaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

⚓ Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

Islamabad, Pakistan 4 Agoosto 2026Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Abdiwahaab Omar  ayaa...
04/08/2026

Islamabad, Pakistan 4 Agoosto 2026

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Abdiwahaab Omar ayaa Qayb ka Ahaa Wafdiga Dowladda ee Booqashada Pakistan ee uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, safarkaan ayaa muhiim u ahaa iskaashiga caalamiga ah ee hormarinta amniga iyo awood dhiska CXDS.

Intii lagu guda jiray booqashada rasmiga ah ee Pakistan waxa wasiirku ku saxiixay Is-afgarad Iskaashi oo u dhexeeya Wasaaradaha Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Pakistan, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha, iyo horumarinta awoodaha ciidamada.

Ka qaybgalka Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed wuxuu muujinayaa muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso horumarinta awoodda Ciidanka Badda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee amniga badda.

Maalmihii wacanaa way soo socdaan....

Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

Taliska   ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed oo ka qayb galay shirka amniga Degmada Baraawe.
01/08/2026

Taliska ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed oo ka qayb galay shirka amniga Degmada Baraawe.

Wafdi ka socday Dowladda Talyaaniga, oo uu hoggaaminayay Military Attaché-ga Dowladda Talyaaniga, ayaa booqasho rasmi ah...
01/08/2026

Wafdi ka socday Dowladda Talyaaniga, oo uu hoggaaminayay Military Attaché-ga Dowladda Talyaaniga, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Xarunta Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha XDS Mogadishu.

Wafdiga ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, admiral Abdiwahaab Omar iyo kaaliyaha taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed G/le dhexe Cabddi Waxid Cali Afrax , iyadoo kulanka ay sidoo kale ay qayb ka ahaayeen saraakiil ka tirsan hoggaanada iyo waaxaha kala duwan ee taliska oo so bandhigay guulaha iyo dadaalada socda ee dib u dhiska Ciidanka iyo sido kale hiigsiga qorsheyasha hormarinta , iyado kalkaas wafdiga lagu gudoonsiyey hadyado iyo maamuus.

Intii uu socday kulanka, ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada awoodsiinta iyo hormarinta ciidamada badda sida taageerada farsamo, tababarada iyo horumarinta awoodda Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in ay xoojin doonaan iskaashiga iyo taageerada Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale bogaadiyay hawlaha iyo dadaalada dib uso celinta awooda ciidamada Soomaaliyee

Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

31/07/2026

Taliyaha ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Dhamme Ahmed Ismail Omar (Libaax ) ayaa garay xarunta taliska fadhiga Baraawe , waxaana halkaas kuso dhaweeyey ku xigeenka Fadhiga Baraawe X/Le Maxamuud Muse Mayow, saraakiil kale iyo ururka taliska ee fadhiga.
Taliyaha fadhiga ayaa ka wada xarunta dib u habayn iyo hawlgalin rasmi ah iyadoo uu taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Abdiwahaab Omar uu wado dadaalo lagu hormarinayo laguna ballaarinayo dhammaan xarumaha fadhiyada taliska Ciidanka Badda Soomaaliya ee gobollada dalka sida Baraawe, , iyo xarumo kale dhawaan la filayo.

Halyeeyada Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed  mar walba iyo meel kasta"Ishii bugtaay ku bikaacsoo"
26/07/2026

Halyeeyada Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed mar walba iyo meel kasta

"Ishii bugtaay ku bikaacsoo"

24/07/2026

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category