11/09/2024
MAANTA OO ARBACA; TAARIIKHDA: 11/09/2024, TALIYAHA HOGGAANKA BAARISTA DEMBIYADA C.I.D OO TABABAR U SOO XIDHAY SARAAKIIL IYO S/XIGEENO KA KALA SOCDAY BOLIISKA FEDERAALKA & BOLIISKA DAWLAD GOBOLEEDYADA.
Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada C.I.D G/dhexe Muxyidiin Axmed Cismaan ayaa tababar u soo xidhay Saraakiil, S/xigeeno & askar ka tirsan Qeybaha Baarista Dembiyada C.I.D ee Boliiska Dawlada Federaalka & Dawlada Goboleed-yada dalka.
Saraakiishan oo tiro ahaan gaadhaysa 20 ayaa qaatay Tababarka Tababarayaasha ee Xeeldheerayaasha Baarista, waxaana ay ka kala yimaadeen Dawlada Goboleed-yada kala ah;
Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland, Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo & Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir.
G/dhexe Muxyadiin, ayaa sheegay in la balaadhi. Doono adeegyada Hoggaanka Baarista Dembiyada C.I.D, dhaqaan xarumo laga furi doono Maamule Goboleed-yada dalka.