SPECIAl FORCE SOM MEDIA

SPECIAl FORCE SOM MEDIA Special Forces Command - SNAF

06/10/2026

Dhismaha iyo tayeynta tababarrada Ciidanka Gaarka waa mid laba-jibbaaran, si loo helo ciidan leh xirfad, aqoon, adkaysi iyo diyaar-garow heer sare ah.

Ciidan tayo leh waa tiirka difaaca qaranka. Taliska Ciidanka gaaarka

Haddaad tahay taliye ciidan Somaaliyeed waa inaad ka foojignaatid sida cadowgu uga faa’ideynsan-karo dareenka qabiilka ....
30/09/2026

Haddaad tahay taliye ciidan Somaaliyeed waa inaad ka foojignaatid sida cadowgu uga faa’ideynsan-karo dareenka qabiilka . Kuwa cadowga u shaqeeya waxey askarta ku dhexfaafin-karaan daacayad in taliyaasha ciidanku u eexdaan askarta ka tirsan beeshooda. Ujeeddada daacaayadda noocaan ah waa in la khakhaliyo niyadda iyo maanka askariga. Si taas looga hortago waa in taliyuhu xoogga saaraa labo arrin oo is-huwan. Kow, waa in taliyuhu si joogta ah ugu hanuuniyo askarta iney yihiin walaalo an kala maarmin waana inuu xasuusiyaa iney is-caawyiyaan oo is-garabsadaan mar kaste.

Taliska Ciidanka gaarka madax Warbaahin iyo wacyigalinta jaale. Kaka waxaa I noo balana hugaan Qatar walba ka foojigan Dhalin Yarow aqoon badan Taliska xoga oo ku faano. Rajada shacabka rubeeyo. Diirada saaro sareenta Qiimaha Ciidanka inshalaah. Hadaf sare. Iyo ciidan tayo leh. Moha kaka. Madax warbaahinta wacyigalinta taliska ciidan gaarka. Somaliya soomali baaleh

TALIYAHA TALISKA CIIDANKA GAARKA AH OO TABABAR HEERKIISU SAREEYO U SOO XIRAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA GAARKA AH XDS OO...
23/09/2026

TALIYAHA TALISKA CIIDANKA GAARKA AH OO TABABAR HEERKIISU SAREEYO U SOO XIRAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA GAARKA AH XDS OO LAGU TABABARAY DALKA MASAR

Qaahira, Masar: Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa tababar heerkiisu sareeyo ugu soo xiray dalka Masar cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay Kusimaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, Cabdixakiin Axmed Maxamed, U-qeybsanaha Milatariga Soomaaliya ee dalka Masar, Sarreeye Guuto Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Taliyaha Ciidamada Dallayadaha (Airborne) ee dalka Masar iyo saraakiil kale.

Ciidamada tababarka qaatay ayaa muddo tababarro heer sare ah ku soo qaatay dalka Masar, kuwaas oo diiradda lagu saarayay xirfadaha Ciidanka Kumaandooska, la-dagaallanka argagixisada, dagaalka magaalooyinka iyo hawlgallada dallayadaha (Parachute).

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa munaasabadda ka jeediyay dardaaran iyo dhiirrigelin uu u jeediyay ciidamada tababarka soo dhammaystay, isagoo kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ay si hufan uga faa’iideystaan gudashada waajibaadka qaran.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni iyo difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, kaas oo lagu xoojinayo tayada, awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Gaarka ah, si ay uga qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo sugidda amniga dalka.

07/09/2026
07/09/2026

CIIDANKA GAARKA

“Ciidanka Gaarka waa naxariista shacabka, marna waa geerida argagixisada.

Waxaan u taagan nahay ilaalinta shacabka, difaaca qaranka iyo sugidda amniga dalka.”

Taliska Ciidanka gaarka.

07/09/2026

Ciidanka Gaarka ah oo hawlgallo adag oo lagu sugayo amniga ka wada labada Shabeelle, iyagoo cadaadis ku haya kooxaha argagixisada, kana shaqeynaya xoreynta deegaannada iyo badbaadinta shacabka. 🇸🇴

Geesinimo, isku-duubni iyo naf-hurnimo — guusha qarankana waa hadafka ciidanka. Taliska Ciidanka gaarka. Somaliya soomali baa leh

07/09/2026

Qorraxdu ma qarsoonto, xiddiguhuna ma bakhtiyaan. Taliska Ciidanka Gaarka ah waa muraayadda iftiinka iyo geesinimada qaranka. 🇸🇴

Geesinimo, daacadnimo iyo naf-hurnimo — waa astaanta ciidanka qaranka.

Talyaha Ciidanka gaarka Sareeye guto Adan maxamed Cumar Adan Dheere  Hambalyo iyo Bogaadin 🇸🇴 u direy dhaman colka Kala ...
03/09/2026

Talyaha Ciidanka gaarka

Sareeye guto Adan maxamed Cumar Adan Dheere

Hambalyo iyo Bogaadin 🇸🇴 u direy dhaman colka Kala duwan ee Ciidanka gaarka

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan talisyada Ciidamada Gaarka ah, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan

ciidanka. Gaarka meel walba ayee jogan

Waxaan idin ku bogaadinayaa dadaalka, geesinimada, adkaysiga iyo dulqaadka aad u muujiseen waajibaadkiinna.

Guul ayaan idiin rajaynayaa, geesiyaasha Ciidamada Gaarka ah! 🇸🇴💪.

03/09/2026

Zxbka saxda ah waxaa lagu bartaa maalmaha adag.

Taliska Ciidanka Gaarka ah maanta wuxuu gurayaa mirihii uu beeray shalay. Dadaalkii, tababarkii iyo hannaankii hoggaamineed ee la geliyey Ciidanka ayaa maanta muuqda.

Maanta waxaa garabkiinna taagan madaxda dalka, macallimiinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaa halkan jooga geesiyaal dhammaystiran oo dalkooda iyo dadkooda u heellan.

Dhiiggiinnu waa Soomaali, waddaniyaddiinnuna waa mid dhab ah. Guusha aad maanta muujiseen waa mid ka dhalatay dulqaad, isku-duubni iyo shaqo adag.

Ciidanka Gaarka ah — geesiyaasha maalmaha adag lagu garto. 🇸🇴

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SPECIAl FORCE SOM MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category