Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Gobolka Banaadir

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Gobolka Banaadir Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmadda Kaxda iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Gobolka Banaadir Mudane Cusmaan Maxam...
29/08/2024

Guddoomiyaha Degmadda Kaxda iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Gobolka Banaadir Mudane Cusmaan Maxamed Geesey ayaa maanta kulan wadatashi ah oo ku saabsan xaaladda barakacayaasha ku nool degmadda Kaxda laqaatay horjoogayaasha Kaamamka.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Degmadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu horeyn ka warbixiyey xaaladda ay ku noolyihiin barakacayaasha degmadda, isagoo sheegay in barakacayaasha wajahayaan xaalad adag loona baahanyahay in gargaar lala soo gaaro.

Dhanka kale horjoogayaasha kaamamka ayaa xusay in culeysyo badani eey wajahayaan, barakacayaasha iyagoo hay’adda ka codsaday in ay ilgaar ah uyeelato.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Gobolka Banaadir Mudane Cusmaan Maxamed Geesey ayaa balanqaaday inuu dadaal ugeli doono sidii dadkaan baahidooda loogu jawaabi lahaa, isagoo dhinaca kale sheegay in aysan Maamulka Gobolku aqbali doonin barakicinta xoogga ah loona baahanyahay in qofkastaa qeybtiisa ka qaato masuiyadd wadareedkaan.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa baaq udiray hay,adaha caalamiga ah kaas oo ku aadan in gargaar bini-aadanimo oo dagdag ah ineey lasoo gaaraan barakacayaasha.

Gudoonka hay’adda qaxootiga & barakacayaasha gobolka banaadir ayaa maalmahaan wada dadaalo eey ku doonayaan ineey gurmad bini-aadanimo ugu sameeyaan dadka danyarta ah ee ku dhaqan Muqdisho.

Address

Benadir Regional Administration And Mogadishu Municipality
Mogadishu
VILLAGOVERNO

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Gobolka Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share