10/05/2025
Bandhiggii “A Window To Her World” oo Si Rasmi ah Loogu Soo Gunaanaday Matxafka Qaranka,
Muqdisho, Soomaaliya.
Bandhigga“A Window To Her World,” oo socday 8-da Febraayo ilaa 8-da Maajo 2025, ayaa si guul leh ugu soo xirmay Matxafka Qaranka. Bandhiggan oo ay soo qabanqaabisay wuxuu iftiimiyay hal-abuurka haweenka Soomaaliyeed, isagoo si qoto dheer u taabanaya nabadda, xalinta khilaafaadka, iyo xuska dhaqanka – oo ay qeyb ka yihiin suugaan, farshaxan, iyo bandhigyo toos ah.
Xafladdii xiritaanka waxay xambaarsanayd dood faneed ay jeediyeen farshaxankayaasha , .artashraf iyo , oo uu daadihinayay . Waxaa sidoo kale hal-ku-dhig ahaa farshaxan toos ah oo uu intii lagu gada jiray uu sameeyay iyo khudbad dhiirrigelin leh oo uu jeediyay Dr. Osman Geedow, Agaasimaha Matxafka.
Bandhiggu wuxuu noqday dhaqdhaqaaq u taagan kobcinta hal-abuurka haweenka, yaraynta caqabadaha fikir ee jira, iyo abuurista wadajir bulsho. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Matxafka Qaranka iyo dhammaan curiyaashii ka qayb qaatay – oo ay ka mid yihiin (suugaan), iyo .mohamed (sawir-qaade), .aweys (farshaxan), .artashraf (farshaxan), (filim), iyo kooxda Buraanburka – sida ay bulshada ugu gudbiyeen hal-abuur iyo sheekooyin qiimo leh.
Mahad gaar ah waxan u jeedinaynaa bulshadii soo booqatay badhigga intii uu socday.
”