05/05/2026
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa intii u dhaxeesay 2 – 4 May 2026 shir ku qabatay Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed shir farsamo oo lagu xoojinayo diyaarinta Siyaasadda Waraabka Qaranka iyo Sharciga Waraabka.
Intii uu socday shirku, waxaa la sameeyay la-tashiyo iyo wada-shaqeyn dhow oo u dhexeeya heer federaal iyo dowlad-goboleed, si loo hubiyo in siyaasadda waraabku ka tarjumeyso xaaladaha dhabta ah ee deegaanka, isla markaana sharciga yeesho qaab cad oo la fulin karo, iyadoo sidoo la xoojinaayo iyo isku xernaanta heerarka kala duwan ee dowlada.
Shirkan ayaa soo saaray aragti mideysan iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinaayo nidaamka waraabka dalka, gaar ahaan maamulka biyaha, cadaaladda qaybinta iyo hirgelinta adeegyo waraab oo waara.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS waxay sii wadi doontaa taageerada farsamo ay siiso dowlad-goboleedyada, si loo dhiso siyaasado iyo sharciyo adag oo hagaya horumarinta waraabka Soomaaliya.
________
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.