29/04/2026
MUNAASABADDA WACYI-GELINTA BULSHADA EE KA QEYB-GALKA HIRGALINTA MASHRUUCA RIPSOM DHUUSOMAREEB - QARADHI (60KM)
Arbaco, 29 April ,2026
Waxaa si guula inoogu soo dhamaadey kulamo dhowra oo la xiriirey Wacyi-gelinta iyo ka qayb qaadashada bulshada ee dhismaha waddada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Qaradhi.
Shirka waxaa ka qayb galay Masuuliyiinta Wasaaradda, Wasiiro, Maamulka Caasimadda, Maareyaha Mashruuca RIPSOM ee Soomaaliya, Shirkadda Al-Nasar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.
Masuuliyiinta Wasaaradda iyo dhamaan ka qeyb-galayaashu waxa ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay ka qayb qaadashada dhismaha wadada iyo Xoojinta doorka Bulshada ay ku leeyihiin Hirgelinta mashruuca.
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ayaa bulshada u iftiimiyey Doorka Dowladda, Marxaladihii loo soo marey in heerkaan la soo gaaro iyo in wadadaani ay door weyn ka qaadan doonto Horumarinta isku socodka gaadiidka, kobcinta ganacsiga iyo fududeynta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, waxaa Wasaaraddu Munaasabadda ka sheegtey Mashaariicda kale ee Wadooyinka ee Socda iyo kuwa Qorsheysan sida;
Kuwa Socda:
Wadada Halbowlaha ee Caasimadda
Guricel - Dhuusamareb,
Wadooyinka Qorsheysan
Qaradhi-Galkacyo 140km
Baxdo-Cadaado 90km
Cadaado-Caabudwaaq 55km.