Midowga Nabadda & Horumarka

Midowga Nabadda & Horumarka Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Midowga Nabadda & Horumarka, Political Party, Adan Adde Airport, Mogadishu.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wuxuu munaasabadda qiimaha badan ee 12-ka Abriil oo ku beegan 65 guuradii ka...
12/04/2025

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wuxuu munaasabadda qiimaha badan ee 12-ka Abriil oo ku beegan 65 guuradii ka soo wareegtay aas-aaskooda uga hambalyaynayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS). Waxaan gabdhaha iyo wiilasha qalabka sida ku bogaadinaynaa doorkooda lama ilaawaanka ah ee difaaca qaranka, ilaalinta midnimada ummadda, iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxa uu hambalyada iyo damaashaadka Ciidda Soonfur la wadaagayaa dhammaan Um...
29/03/2025

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxa uu hambalyada iyo damaashaadka Ciidda Soonfur la wadaagayaa dhammaan Umadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Allaha naga wada aqbalo acmaashii wanaagsanayd.

Ku wada ciida caafimaadsan.

Duco, hiil iyo garab buuxa ayaan u nahay geesiyaasha sharafta badan ee Xoogga Dalka oo habeen iyo maalin ku gudajira baa...
20/03/2025

Duco, hiil iyo garab buuxa ayaan u nahay geesiyaasha sharafta badan ee Xoogga Dalka oo habeen iyo maalin ku gudajira baacsiga argagixisada.

Guushu waa dhabowday Alle idankii ee aan u midowno ciribtirka Khawaarijta.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Mudane Xildh. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa iyo xubno sarsar...
20/03/2025

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Mudane Xildh. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa iyo xubno sarsare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Md. Xasan Macalin iyo Guddoomihii h**e ee Gobolka Banaadir Md. Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Xarunta Dhexe ee Xisbiga ku soo dhaweeyay xubno cusub oo dhawaan dhammaystiray is-diiwaangalinta habka danabaysan.

Kulankan oo daba socday kulamo uu Xisbigu wacyigalin ugu sameynayay xubnihiisa cusub, ayaa lagu soo bandhigay hawlaha diyaargarowga doorashooyinka tooska ah iyo arrimo kale oo la xiriira shuruucda iyo xeerarka shaqo ee Xisbiga.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS iyo Gudoomiyihii h**e ee Gobolka Banaadir oo dhankooda hadaljeedinno dhinacyo badan taabanaya jeediyay ayaa ku dheeraaday doorka ay qaybaha dhallinyarada iyo haweenku ku leeyihiin hawlaha Xisbiga iyo horumarinta ajandayaasha u degsan.

Ugu danbayn, Xoghayaha Guud ee Xisbiga ayaa ku booriyay xubnaha cusub ahmiyadda ay leedahay isku xirnaanta iyo ka qaybgalka siyaasadda si loo gaaro horumar iyo xasilooni waarta.

Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) Mudane Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray kulan...
16/03/2025

Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) Mudane Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray kulan wacyigelin ah oo Xarunta Dhexe loogu qabtay xubno cusub oo ku soo biiray Xisbiga.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa ka soo qaybgalayaasha lagula wadaagay soojeedinno ku aaddan dastuurka iyo xeerarka Xisbiga, ahmiyadda ka midnoqoshada Xisbiga iyo qaabka ay uga qaybqaadan karaan horumarka iyo hirgelinta ahdaafta Xisbiga.

Gebegebadii, masuuliyiintii Xisbiga ee kulanka qaybta ka ahaa oo isugu jiray heer Wasiir iyo Xildhibaanno ayaa si weyn uga mahad celiyay xubnaha cusub ee doortay ka mid noqoshada Xisbiga iyaga oo ku dhiirrigeliyay inay si firfircoon uga qaybqaataan hawlaha kala duwan ee Xisbiga.

Waxaan farxadda hambalyada Maalinka Haweenka Caalmiga ee 8’da Maarso la wadaagaynaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed meel ...
08/03/2025

Waxaan farxadda hambalyada Maalinka Haweenka Caalmiga ee 8’da Maarso la wadaagaynaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Haweenkeennu waxay kaalin toolmoon oo soojireen ah oo muuqata kaga jiraan dadaallada loogu jiro dib u dhiska Qaranka iyo horumarinta bulshada.

Hambalyo

Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxa uu dhammaan ummada Soomaaliyeed la wadaagayaa hambalyada curashada bisha baraka...
28/02/2025

Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxa uu dhammaan ummada Soomaaliyeed la wadaagayaa hambalyada curashada bisha barakaysan ee Ramadan ee sannadka 1446 H. Waxaan Alle ka wada baryaynaa in uu na waafajiyo acmaasha wanaagsan ee Soonqaadka iyo in uu si nabad iyo midnimo ku dheehan tahay noogu wada idleeyo.

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) Dr Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kaga ...
23/02/2025

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) Dr Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kaga qaybgalaya Shirweynaha 8aad ee Xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK Parti.

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga ayaa inta uu Shirwaynuhu socdo waxay ay madaxda Xisbiga AKP is-dhaafsan doonaan aragtiyo lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga gaar ahaan xiriirka labada Xisbi.

Waxaa xusid mudan in bandhigga waxqabadka dawladda Turkiga ee shirweynaha si gooni ah loogu soo bandhigay heerka uu gaaray iskaashiga iyo xirirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya.

Guddoomiye ku-xigeenka UPD ayaa sidoo kale kulamo gaar-gaar ah la qaatey qaar ka mid ah wakiillada Xisbiyada dalalka shirkan lagu martiqaadey.

Booqashadan ayaa daba socota dhaqangalinta Heshiiskii Is-afagaradka ahaa ee dhinacyada badan taabanayay ee ay dhawaan labada Xisbi kala saxiixdeen.

18/02/2025

Kulanka Xubnaha UPD oo Xarunta Dhexe ee Xisbiga ku Qabsoomay

Kulanka Xubnaha UPD oo Xarunta Dhexe ee Xisbiga ku QabsoomayMuqdisho, Febraayo 17, 2025: Waxaa si habsami leh u soo idla...
17/02/2025

Kulanka Xubnaha UPD oo Xarunta Dhexe ee Xisbiga ku Qabsoomay

Muqdisho, Febraayo 17, 2025: Waxaa si habsami leh u soo idlaaday Kulanka Xubnaha Xisbiga UPD kaasi oo lagu gorfeeyay qodobbo ay ku jiraan hawlaha diyaargarowga ballaaran ee uu Xisbigu ugu jiro isu-diyaarinta doorashooyinka tooska ah ee dalka laga hirgalinayo.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa khudbado dhinacyo badan taabanayay ka soo jeediyay qaar ka mid ah xubnaha Xisbiga kuwaas oo ku nuuxnuuxsaday hawlaha kala duwan ee ka qabsoomay dib u hawlgalinta Xisbiga, hiigsigiisa iyo baahinta xubnihiisa; ahmiyadda dimuquraadiyaynta dalka iyo hannaanka doorashada xisbiyada badan, iyo doorka qaybaha kala duwan ee bulshada iyo haweenku ay ka ciyaarayaan arrimahaas.

Gebegebedii kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay hannaan is-diiwaangalin oo cusub oo dhijitaal ah kaasi oo muwaadiniinta Soomaaliyeed u sahlaya in ay si rasmi ah ugu mid noqdaan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD).

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ay ka mid yihiin Wasiirro, Xildhibaannada Labada Aqal ee JFS, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Garabyada Dhallinyarada iyo Haweenka ee Xisbiga, iyo marti sharaf kale.

DHAMAAD

Address

Adan Adde Airport
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252612347090

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Nabadda & Horumarka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Midowga Nabadda & Horumarka:

Share