25/05/2026
Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay Dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaasi oo lagu tababarayo Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee Bali-doogle.
Munaasabada furitaanka Tababarka ayaa waxaa goob joog ahaa Taliyaha Taliska tababarada iyo dogtariinka XDS Gen axmed Ciise Axmed, Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Col Cabdicasiis Xuseen Maxamed saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, madax ka socotay saaxiibada caalamiga ah, iyo saraakiil ka tirsan howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSOM) iyo ciidamada Uganda ee UPDF.
Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Col. Cabdicasiis Xuseen Maxamed, (Military) ayaa Dufcadan cusub ee bilaabaya marxaladda adag ee tababarka Kumaandooska Danab Ku booriyay Ka dhabeynta hadafkooda Waxa uuna tilmaamay in dufcaddan cusub la siin doono tababaro heer sare ah
Geesta kale Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka XDS, Gen. Axmed Ciise Axmed, ayaa tilmaamay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu tayeynayo ciidanka Xoogga Dalka , waxa uuna xusay in muhiimad gaar ah la siinayo tayada tababarka iyo kor u qaadidda xirfadaha ciidamada.
Ugu dambeyn Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa tilmaamay in uu furan yahay Tababarka Dufcada 12aad Kumaan Dooska Danab Asagoona Dufcada cusub ku bogaadiyay go'aan qaadashada ey ku doorteen ku biirista Ciidamada Xoogga Dalka
Gaba gabadii Munaasabada Taliyaha ayaa kormeer ku sameeyay goobaha tababarada Ciidamada
Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee Bali-doogle ayaa ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee lagu tababaro ciidamada Kumaandooska Danab, kuwaasi oo door weyn ka qaatay howlgalada lagu ciribtirayo Argagixisada iyo sugidda amniga guud ee dalka.