07/05/2026
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulan lagu ansixinayo Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka (Validation meeting for National Cooperatives policy and law) , kaas oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha dowladda, Dowlad Goboleedyada, ganacsatada gaarka loo leeyahay, iyo iskaashatooyinka kala duwan ee dalka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka, iyadoo lagu xoojiyay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan casriyeynta iyo horumarinta waaxda iskaashatooyinka Soomaaliya, kobcinta iskaashiga bulshada, iyo ballaarinta fursadaha dhaqaale ee dalka.
Wasaaraddu waxay xaqiijisay sida ay uga go’an tahay dardargelinta hannaanka sharciyeed ee haray, isla markaana ay u gudbin doonto Siyaasadda iyo Sharciga Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loo ansixiyo sida ugu dhakhsaha badan.
Ka qaybgalayaasha kala duwan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay qaab-dhismeedka sharci ee iskaashatooyinka, waxayna bogaadiyeen hoggaaminta Wasaaradda ee geeddi-socodkan oo dhan. Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si firfircoon uga qaybqaatay talooyinkooda, laga soo bilaabo la-tashiyadii h**e ilaa heerka ansixinta.
Kulanka waxaa furay, isla markaana soo xiray Agaasimaha Waaxda Ganacsiga Yaryar , Dhexdhexaadka iyo Iskaashatooyinka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
=DHAMMAAD=