03/06/2026
Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Abdullahi Sheikh Ismail - Fartaag ayaa guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay saraakiil Soomaaliyeed oo dhammaystay tababbar heer sare ah oo la xiriira ilaalinta amniga madaxda qaranka, kaas oo ay ku soo qaateen dalka Serbia.
Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha shahaadooyin muujinaya guusha ay ka gaareen tababbarka. Saraakiishan ayaa si gaar ah u bartay farsamooyinka casriga ah ee ilaalinta madaxda qaranka, qiimeynta khataraha amni, iyo xoojinta badqabka masuuliyiinta sare ee dowladda.
Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ku bogaadiyay saraakiisha dadaalka iyo aqoonta ay soo kororsadeen, isagoo xusay in tababarradan ay muhiim u yihiin horumarinta awoodda hay’adaha amniga dalka iyo sare u qaadidda xirfadaha ciidamada u xilsaaran ilaalinta madaxda qaranka.
Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay wajahdo caqabado amni oo kala duwan, taasoo ka dhigaysa mid muhiim ah in la helo saraakiil leh aqoon iyo tababar casri ah oo awood u leh ka hortagga iyo la tacaalidda khataraha amni ee lagu beegsan karo madaxda qaranka iyo xarumaha dowladda.
Tababbarkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso tayada, xirfadda iyo diyaargarowga ciidamada amniga si ay si hufan uga jawaabaan khataraha amniga qaranka, una xaqiijiyaan badqabka madaxda iyo hay’adaha dowladeed.