Marwa Sahra Cumar Xasan

Marwa Sahra Cumar Xasan Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Waxaan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guu...
19/03/2026

Waxaan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu naga aqbalo soonkii, salaaddii, sadaqadii iyo dhammaan acmaashii wanaagsanaa ee aynu gudannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Munaasabaddan qiimaha badan ee Ciidul Fidriga waxay astaan u tahay farxad, walaaltinimo iyo isku naxariisasho.

Waa maalin ay Muslimiintu ku xoojiyaan xiriirka qaraabada, is-cafinta iyo wadajirka bulshada, iyaga oo Alle uga mahadcelinaya nimcada Ramadaan iyo fursaddii cibaadada ee uu ina siiyay.

Ugu dambayn, waxaan ku baaqayaa in aynu sii xoojino midnimada, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isla markaana aynu garab istaagno walaalaheenna Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo duruufaha nololeed ee adag. Alle ha inaga yeelo kuwa isku naxariista, isku gurmada.

Maanta oo Talaado ah, waxaan kaarka codbixinta ka qaatay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, si aan u guto waajibaa...
15/07/2025

Maanta oo Talaado ah, waxaan kaarka codbixinta ka qaatay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, si aan u guto waajibaadkayga muwaadinimo una dhiibto codkayga doorashada soo socota.

Qaadashada kaarka codbixintu waa xuquuq dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, si uu u doorto hoggaan uu ku kalsoon yahay. Waa tallaabo muhiim ah oo lagu muujinayo ka-qaybgalka siyaasadeed iyo go’aanka mustaqbalka dalka.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay qaataan kaarkaan muhiimka ah, si ay codkooda ugu muujiyaan rabitaankooda siyaasadeed una doortaan cidda ay u arkaan in ay dalka horumarin karto

Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaa ciidda  barakaysan ee ciidul  Fidriga  ...
29/03/2025

Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaa ciidda barakaysan ee ciidul Fidriga oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh umadda slaamka.dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay hambalyo.

Waxaan ku baraarujinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka danta yar ee u baahan in la gacan qabto si ay ugu dabaaldagaan ciida si la mid ah dadka wax heysta.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed Allah uga rajeynayaa in sannadkan kan xiga ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni.

07/03/2025

"Haweenka oo ah horseedka Bulshada ah waxa ay muujiyeen cududooda iyo iney dalkan ku hoggaamin karaan Doorasho qof iyo cod ah.”

Waxaan hambalyo ku aaddan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta...
28/02/2025

Waxaan hambalyo ku aaddan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

Waxaan is xasuusineynaa inaan caawino dadka baahan, gaar ahaan waayeelka, agoonta, iyo dadka dhibaateysan, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaag u muujiyaan danyarta iyo kuwa jilicsan.

Waxaan Alle ka baryayaa in uu bishaan barakaysan ee Ramadaan inoogu dhammeeyo nabad iyo barwaaqo.

01/12/2024

Hay'adda marwada madaxweynaha Dalka ee Maama Sahra Foundation oo kaaashaneysa Dowlada Shiinaha ayaa maanta gaarsiisay gargaar isku jira Agab waxbarasho iyo Raashin qaar ka mid ah xarumaha agoonta ee ku yaala gobolka Banaadir gaar ahaan Degmooyinka Boondheere' Cabdulcasiis iyo Kaaran.

Ujeedka gargaarkaan ayaa ahaa in la hagaajiyo hooyooyinka iyo caruurta halista ugu jira macluul iyo nafaqo daro la soo gudboonaatay.

12/10/2024

Marwada Madaxweynaha JFS Sahra Cumar Xasan ayaa maanta gargaar raashin ah ugu qeybisay Seddex kun oo qoys oo ku dhaqan degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Qoysaskaan oo ah dad danyar ah ayaa la siiyay raashin ku filan bil si ay nolashooda ugu maareeyaan

Qaar ka mid ah dadki deeqdaan lagaarsiiyay ayaa uga mahadceliyay Maamo Sahra Cumar Xasan sida ay uga danqatay daruufa heysay dadkaan.

Marwada Madaxweynaha JFS Sahro Cumar Xasan oo booqtay  hoyga ay taalo gogosha tacsida  Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdu...
17/09/2024

Marwada Madaxweynaha JFS Sahro Cumar Xasan oo booqtay hoyga ay taalo gogosha tacsida Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa saxiixaday buugga tacsida

Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeysay qoyska, iyo ehelada Marxuumka waxa ayan Alle SWT uga bariday inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, eheladiisa qaraabadiisa iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeynayaa bilashada ...
09/04/2024

Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeynayaa bilashada bisha Soonfur iyo Farxada Munaasabada Ciidul Fidriga.

Waxaan Allaha awoodda badan leh waydiisanaynaa in uu inaga aqbalo Soonkeenii, Salaadihii, Qur'aankii, Sadaqadii, Ducadii iyo Dhammaan kheyrkii aan samaynay Bishii Barakeysan ee Ramadan.

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiinkugu  hambalyeynayaa munaasabadda bisha  bar...
10/03/2024

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiinkugu hambalyeynayaa munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxaan Alle ka baryaa in uu naga dhigo kuwa ka faaiideesta bishaan barakeysan

Ramadaan kariim

04/03/2024

Marwada Madaxweynaha oo ka qeyb-gashay munaasab lagu daah-furay shabakadda hoggaanka haweenka Afrika, qaybta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS MARWO  SAHRA CUMAR XASAN   OO KA TACSIYEEYSAY GEERIDI KU  TIMID ALLAHA U RAXMADEE  WASIIR KHADI...
20/12/2023

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS MARWO SAHRA CUMAR XASAN OO KA TACSIYEEYSAY GEERIDI KU TIMID ALLAHA U RAXMADEE WASIIR KHADIIJO MAXAMED DIIRIYE

Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa tacsi tiraanyo leh u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Wasiir Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Marxuumadda oo ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada Djibouti ayaa waxay ka mid ahayd gabdhihii fara ku tiriska ahaa ee waqtiga badan geliyay dib u dhiska dowladnimada Jamhuur Soomaaliya, iyadoona ka mid ahayd ka qeybgalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, oo socday intii u dhaxeysay 20-ka April ilaa 5-ta May ee sanadii 2000, kaas oo ay Soomaaliya ku soo ceshatay dowladnimadeeda.

Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa marxuumad Khadiijo Diiriye Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan kaamil ah in uu ka siiyo, aaamiin aaamiin yaarabi

DHAMMAAD

Address

1 Presidential Palace
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Marwa Sahra Cumar Xasan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Marwa Sahra Cumar Xasan:

Share