Samaati Nor

Samaati Nor Every one have own choice my choice is to contribute my community what can i do.

Soomaaliya maaha meel lagu aflagaadeeyo!Waxaa nasiib darro ah in siyaasi heer caalami ah sida Madaxweyne Donald Trump uu...
20/09/2025

Soomaaliya maaha meel lagu aflagaadeeyo!

Waxaa nasiib darro ah in siyaasi heer caalami ah sida Madaxweyne Donald Trump uu marar badan si ula kac ah magaca Soomaaliya ugu adeegto hadallo liidasho iyo naceyb xambaarsan, isagoo ku bartilmaameedsanaya muwaadiniin sharaf leh oo Soomaaliyeed ah, sida Congresswoman Ilhan Omar.

Soomaaliya waa dal leh dad sharaf leh, qaran taariikh fac weyn leh, iyo bulsho qurbaha ku metesha si cajiib ah. Hadalka Trump ma aha mid u jeedo kaliya Soomaaliya, balse waa xeelad siyaasadeed oo uu ku weerarayo qof dumar ah, Muslim ah, Afrika ka yimid β€” si uu ugu kasbado taageerayaashiisa cunsuriga ah.

Ma aqbaleyno in magaca dalkayaga loo adeegsado naceyb siyaasadeed. Waxaan garab taaganahay Ilhan Omar iyo dhammaan Soomaalida Mareykanka, kuwaas oo astaan u ah dadaalka, adkeysiga, iyo guusha qurbaha.

πŸ‡ΈπŸ‡΄


Waxaan cawada ka wardoonay    waa maqaayad cusub oo macamiil badan oo u badan dhaliyaro waxaan bogaadinaa team kii maalg...
15/09/2025

Waxaan cawada ka wardoonay waa maqaayad cusub oo macamiil badan oo u badan dhaliyaro waxaan bogaadinaa team kii maalgaliyay waxaad aaminteyn wadankiina allaha idiin barakeeyo

"AI ma nolosha miyay fududeysay mise waxay qaadatay shaqada?"Garaad Macmalka ah (AI) wuxuu galay nolosheenii sida qarsoo...
10/09/2025

"AI ma nolosha miyay fududeysay mise waxay qaadatay shaqada?"

Garaad Macmalka ah (AI) wuxuu galay nolosheenii sida qarsoodiga ah:
πŸ€– Wuxuu qorayaa warqado
πŸ“² Wuxuu abaabulayaa jadwalkaaga
πŸ›οΈ Wuxuu kuu soo xulayaa waxyaabaha aad jeceshahay
πŸ“ˆ Ganacsiyada ayuu u horseeday koboc

Laakiin... maxaad adigu ka dareentay?
Ma waxaad u aragtaa horumar mise khatar?

Fikirkaaga noo reeb πŸ‘‡

πŸ‡ͺπŸ‡Ή Xarigga laga jaray Biyo-xireenka Taariikhiga ah ee Itoobiya – GERD πŸ’§Maanta Dowladda Itoobiya waxay si rasmi ah u furt...
09/09/2025

πŸ‡ͺπŸ‡Ή Xarigga laga jaray Biyo-xireenka Taariikhiga ah ee Itoobiya – GERD πŸ’§

Maanta Dowladda Itoobiya waxay si rasmi ah u furtay mashruuca weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) – mid ka mid ah biyo-xireennada ugu waa weyn Afrika.

Mashruucan waxaa lagu dhisay technology casri ah sida:
πŸ”Ή Kormeerka fog (Remote Monitoring)
πŸ”Ή Maareynta biyaha ee digital ah
πŸ”Ή Smart Grid iyo nidaamyo AI ku shaqeeya

Maxaa laga filan karaa?
βœ… Koronto nadiif ah (Hydro Power)
βœ… Kobac dhaqaale
βœ… Kordhinta wax-soosaarka gudaha
βœ… Hoos u dhaca saboolnimada
βœ… Suurtagalnimada in tamarta loo dhoofiyo dalal kale

Laakiin...
πŸ‡ΈπŸ‡© Suudaan iyo πŸ‡ͺπŸ‡¬ Masar weli walaac bay ka qabaan saameynta biyo qeybsiga.
➑️ Ma yaraan doonaan biyaha u socda Masar?
➑️ Ma sababi karaa khilaaf cusub mise waa fursad lagu heshiin karo?

Falanqeyn furan & su’aalo taagan:
πŸ”Έ Ma la jaanqaadi doonaan 3-da wadan qorshe wadajir ah?
πŸ”Έ Ma noqon doonaa GERD fure horumar ama is qabqabsi cusub?

Fikradaada noo reeb ⬇️

Hambalyo Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed! πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸŽ“Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa Dr. Moha...
07/09/2025

Hambalyo Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed! πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸŽ“

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa Dr. Mohamed Mohamud Mohamed oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Dr. Mohamed waa aqoonyahan sare (PhD holder) oo aan nasiib u yeeshay inaan arday u noqdo intii aan wax ka baranayay Jaamacadda Simad (2007 – 2011).

Waxaan si gaar ah u xasuustaa macalinnimo uu la imaan jiray dulqaad, aqoon qoto dheer, iyo hogaamin wax dhiseysa. Maanta wuxuu istaahila xilkan culus, waana astaan u ah in aqoonta, anshaxa iyo dadaalku abaal marin leeyihiin.

Guul iyo horumar ayaan kuu rajeynayaa, Dr. Mohamed!
U adeeg bulshada, Jaamacaddana horay u sii hoggaami!





Taariikh, xusuus iyo qosol...  Markii aan booqanay Giza, waxaan u maleynayay in aan ka heli doono kaliya dhagaxyo taarii...
04/09/2025

Taariikh, xusuus iyo qosol...

Markii aan booqanay Giza, waxaan u maleynayay in aan ka heli doono kaliya dhagaxyo taariikhi ah… balse waxaan helay:
βœ” Xasuus aan la iloobi karin
βœ” Saaxiibo sheeko fiican leh
βœ” Iyo cunto la yaab leh oo aan uga mahadcelinayo maqaayadda matxafka! πŸ˜„

Thanks to Abdifitah Yusuf, Abukar Geedow iyo teamkii kale β€” waxaad ka dhigteen maalintan mid taariikhi ah!

,

Sadaali oo ku guuleyso $15.Liverpool  πŸ†š ArsinalSharuuddaha:1. Like saar page-ka.2. Follow dheh page 3. Share dheh post-g...
31/08/2025

Sadaali oo ku guuleyso $15.
Liverpool πŸ†š Arsinal
Sharuuddaha:
1. Like saar page-ka.
2. Follow dheh page
3. Share dheh post-ga.
4. Saadaalintu waxay ku egtahay marka ay bilaabato ciyaarta.
F.G: Haddii aadan shuruudaha buuxin, qof buuxiya ee kaa dambeeyey ayaa abaal-marinta heli doona.

,

πŸ€– Sida AI-gu Nolosha Maalinlaha ah Ugu Dhex JiroWaxaa laga yaabaa inaadan dareemin, balse AI (sirdoonka macmalka ah) wux...
27/08/2025

πŸ€– Sida AI-gu Nolosha Maalinlaha ah Ugu Dhex Jiro

Waxaa laga yaabaa inaadan dareemin, balse AI (sirdoonka macmalka ah) wuxuu si qarsoodi ah uga mid yahay noloshaada:

– Taleefankaaga wuxuu kuu soo jeedinayaa hadallo markaad qorayso
– Google Maps wuxuu kuu saadaalinayaa ciriiriga waddooyinka
– Baraha bulshada waxay kaa shaandheeyaan fariimaha spam-ka
– Netflix/YouTube waxay kuu soo jeedinayaan filimada aad jeceshahay
– Codkaaga waxaa fahmaya Siri, Alexa, iwm

Sirdoonka macmalka ah ma aha wax imanaya – waa wax durba la joogo. Ma diyaar baad u tahay in aad ka faa’iideysato?

26/08/2025

🌧️ Roobka Muqdisho 🌧️
Maanta magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayaa roob diiran oo dhulka iyo dadka u noqday nafis weyn. Jawigu waa mid deggan, qaboow iyo dhawaqa roobka oo ka dhigaya magaalada mid ka duwan caadiga.

Roobku waa nimco, Waxaana nalaga rabaa in aan ku shukrino nimcada allah.

Cache-ka Browser-ka (oo Ingiriisida lagu yiraahdo Browser Cache) waa meel yar oo xog keyd ah oo ku taala kombiyuutarkaag...
25/08/2025

Cache-ka Browser-ka (oo Ingiriisida lagu yiraahdo Browser Cache) waa meel yar oo xog keyd ah oo ku taala kombiyuutarkaaga ama taleefankaaga, waxaana maamula browser-kaaga (sida Chrome, Firefox, Edge, iwm.).

Maxay Tahay Shaqaadiisa?

Shaqada ugu muhiimsan ee cache-ka waa inuu xawaareeyo soo-dejin-ta iyo muujinta bogagga internet-ka ee aad marar badan booqato.

Marka ugu horreysa ee aad booqato bog internet ah, browser-kaagu wuxuu soo dejiyaa dhammaan waxyaabaha ku jira boggaas (sida sawirada, calaamadaha (logos), qaab-dhismeedka bogga (CSS), iyo qoraallada barnaamijyada (JavaScript)). Waxyaabahan ayuu markaa ku kaydiyaa cache-ka.

Sidee Ayuu Ku Caawiyaa?

Xawaare: Marka labaad ee aad booqato boggaas ama bog kale oo isticmaala isla sawirradii ama qaab-dhismeedkii, browser-kaagu maahan inuu mar kale internet-ka ka soo dejiyo dhammaan xogta. Taas beddelkeeda, wuxuu si degdeg ah uga soo qaadanayaa meesha uu ku kaydsan yahay, taas oo keenta in boggu si xawli ah ku soo muuqdo.

Isticmaalka Xogta (Data Usage) Yar: Wuxuu yareeyaa xaddiga xogta internet-ka ee la isticmaalayo sababtoo ah waxyaabaha qaarkood lama soo celinayo.



Goormaa La Nadiifiyaa (Clearing Cache)?

In kasta oo faa'iido badan uu leeyahay, mararka qaarkood waxaa fiican in la nadiifiyo cache-ka. Waxaa habboon inaad nadiifiso haddii:

Aad aragto bogag qadiimi ah: Mararka qaarkood boggu ma soo bandhigo waxa ugu dambeeyay sababtoo ah wuxuu isticmaalayaa sawirkii ama xogta qadiimiga ahayd ee ku kaydsanayd cache-ka.

Browser-kaagu gaabiyo: Haddii cache-ku buuxsamo ama xog xun ay ku kaydsanaato.

Marka la soo koobo, cache-ka browser-ku waa kaydiye xawaareeya bogagga internet-ka.

Isticmaal Two-Factor Authentication (2FA)  Ka ilaali akoonnadaada adigoo daaraya 2FA. Xitaa haddii qof helo eraygaaga si...
24/08/2025

Isticmaal Two-Factor Authentication (2FA)

Ka ilaali akoonnadaada adigoo daaraya 2FA. Xitaa haddii qof helo eraygaaga sirta ah, ma geli karo adigoon ansixin labaad bixin. Waa habka ugu fudud ee aad internet-ka ugu badbaadi karto.

Waxaad ku xearan kartaa Dhamaan Account nadaada Emails ka iyo Social media aha oo dhan Tusaale (Facebook gaaga, Ticktok gaaga, Instigram, X ama Twitter kaaga, Youtube kaaga iyo dhamaan wixii la mida ah )

adeegaan waa habka kaliya aad ku ilaalsan karto xogtaada internet ka kuu taalo, fadlan waxaad haysataa fursad wali in aysan wax kaa lumin ama lagaa xadin xogtaada. ee daaro ama furo 2FA.

ku darso waliba waad furan kartaa waana uu fudud yahay balse ogow uma fududa sida loo sameeyo in wax lagaaga xadi karo.

Address

Wadajir/Bulaxubey
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Samaati Nor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category