18/04/2026
Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo loogu talagalay dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo si gaar ah diiradda u saaraya u guuridda iyo hirgelinta Nidaamka Midaysan ee Maareynta Maaliyadda dalka (SFMIS).
Intii uu hadalka jeedinayay, Xisaabiyaha Guud wuxuu si qoto dheer u iftiimiyay qodobbada istiraatiijiga ah ee saldhigga u ah horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Ugu horreyn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in aqoon-iswaydaarsigaan uu yahay miro-dhal ka dhashay heshiisyadii muhiimka ahaa ee lagu gaaray Jowhar, kuwaas oo salka ku haya mideynta nidaamyada maaliyadeed ee dalka si loo helo hannaan isku xiran oo hufan.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo muhiim ah, lagana guurayo nidaamkii BISAN loona guuraayo SFMIS. Wuxuu xusay in geeddi-socodkan uu si wanaagsan u socdo, balse ay lagama maarmaan tahay in lagu saleeyo aqoon, xirfad, iyo faham dhammaystiran si loo xaqiijiyo hirgelinno waxtar leh oo waara.
Dhanka wada-shaqeynta, Xisaabiyaha Guud wuxuu si adag ugu baaqay kooxaha farsamada ee heer Federaal iyo Dowlad-goboleed inay muujiyaan masuuliyad, karti, iyo isku-duubni, si loo dhiso nidaam maaliyadeed oo casri ah, isla markaana si hufan ugu adeega danaha qaranka.
Ugu dambayn, wuxuu iftiimiyay yoolka fog ee qorshahan, kaas oo ah in muddo cayiman gudahood lagu gaarsiiyo nidaamka SFMIS dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, si loo helo nidaam mideysan oo lagu maamulo laguna kormeero maaliyadda qaranka.
Xisaabiyaha Guud wuxuu ku booriyay kaqeybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iideystaan waqtiga kooban ee tababarka, iyagoo diiradda saaraya wax-ku-oolnimo iyo natiijooyin muuqda oo horseeda horumar waara oo ku yimaada maareynta maaliyadda dalka.