Villa Somalia

Villa Somalia This is Villa Somalia, The Somali Presidential Palace page on Facebook. Villa Soomaaliya waa hoyga Madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed.
(1061)

Villa Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu caansan Soomaaliya, waxaa ayna hoy u tahay madaxweyne kasta oo soo mara Dalkeena Soomaaliya. Villa Soomaaliya waxay ku taalaa degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxa ayna saaran tahay dhulka ugu sareeya ee magaalada.

27/05/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo, Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOQOLAAL SHACAB AH LA OOGAY SALAADDA CIIDDA CARAFOMuqdisho, May, 27, 2026; Madaxweynaha Jamhu...
27/05/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOQOLAAL SHACAB AH LA OOGAY SALAADDA CIIDDA CARAFO

Muqdisho, May, 27, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo, Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku manneysto nabad, barwaaqo iyo horumar waara.

“Kama tageyno in marwaliba aynu is xusuusinno dhaqamada wanaagsan ee la sameeyo maalintan oo kale. Waxaa muhiim ah in aan xoojino midnimadeenna, iskaashiga iyo taageerada bulshada dhexdeeda si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo horumarsan”.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in geeddiga dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed uu marayo marxalad taariikhiga ah oo ay go'aankiisa garwadeen ka yihiin muwaadiniinta soomaaliyeed, waxa uuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka bulshada, is caawinta iyo garab istaagga dadka nugul, si loo xaqiijiyo Soomaaliya si dhammeystiran markale cagaheeda ugu istaagta.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKAMuqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka...
25/05/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga xaqiijiyey amniga, maamul wanaagga iyo doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo codka ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay bulshada rayidku ku leeyihiin xoojinta dowladnimada, ilaalinta midnimada qaranka iyo kobcinta ka qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, isagoo tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha dowladda, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo toos ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey doorka bulshada rayidka ah ee nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo Madaxweynuhu uu ku bogaadiyey bulshada rayidka doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, xubnaha bulshada rayidka ah ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xoojinta dimuqraadiyadda, daahfurnaanta dowladnimada, dardargelinta horumarinta adeegyada bulshada iyo adkaynta wada shaqaynta dowladda iyo shacabka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

17/05/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE JABUUTIMuqdisho, May 17, 2026;...
17/05/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE JABUUTI

Muqdisho, May 17, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday ayaa u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dhankiisa, Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/
Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia
VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

15/05/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dadaallada Dowladdu ay ku horumarinayso adeegyada dhalinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka.

15/05/2026

Hadal jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Munaasabadda 83-guurada 15-ka May.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHAMuqdisho, May 15, 20...
15/05/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Muqdisho, May 15, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dadaallada Dowladdu ay ku horumarinayso adeegyada dhalinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dhismaha casriga ah ee Wassaaradda Dhallinyaradu uu ka qiimo badanyahay dhismeyaal badan oo dowladda lagu tabarucay, halkan kan lagu dhisay dhaqaale, aqoon iyo maskax dad soomaaliyeed, waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu astaan u yahay mudnaanta ay dowladdu siinayso awood siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaasi oo laf dhabar u ah horumarka, nabadda iyo mustaqbalka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka ayaa sidoo kale, si qoto dheer uga hadlay guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka tooska ah, dhammaystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweyaha ayaa tilmaamay in iyada oo laga duulayo ballamihii shacabka Soomaaliyeed laga qaaday, mudnaan gaar ah la siiyay dhammaystirka Dastuurka dalka, isla markaana ajendeyaasha dowladda Federaalka ay ku saleysnaan doonaan Dastuurka la ansixiyay, iyada oo xil-haynta hay’adaha dowladda, kala dambeynta awoodaha iyo habraacyada dowladeedba laga tixraacayo Dastuurka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ku dhisan sharci, isla xisaabtan iyo matalaad dadweyne.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/
Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia
VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

15/05/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 83-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaskii halyeeyadii xaq u dirirka ahaa ee Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ubax dhigay Taalada SYL, si loo maamuuso halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xoreynta dalka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYLMuqdisho, May 15, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal...
15/05/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

Muqdisho, May 15, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 83-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaskii halyeeyadii xaq u dirirka ahaa ee Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ubax dhigay Taalada SYL, si loo maamuuso halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in halyeeyadii dhallinyarada ahaa ee ku bahowday Ururkii SYL ay ahaayeen astaan mideysay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horseeday baraarug qaran oo saldhig u noqday helitaanka xorriyad dhammeystiran iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay door muuqda ka qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka, ilaalinta qaranimada iyo horumarinta dowladnimada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in jiilasha maanta jooga looga baahan yahay in ay la yimaadaan waddaniyaddii, midnimadii iyo himiladii ay ka tageen aas-aasayaashii SYL, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan oo isku duuban.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/
Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia
VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

Address

1 Presidential Palace
Mogadishu
450

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Villa Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share