Xisbiga Qaransoor

Xisbiga Qaransoor Ujeedka waa u hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaalle iyo mid amni.

U coddee Xisbiga Qaransoor, waa fursaddaada maanta! Qaransoor waa isbeddel doon dhab ah oo xambaarsan himilo qaran, horu...
05/05/2026

U coddee Xisbiga Qaransoor, waa fursaddaada maanta!

Qaransoor waa isbeddel doon dhab ah oo xambaarsan himilo qaran, horumar waara, iyo aragti fog oo lagu dhisayo mustaqbal ka wanaagsan kan maanta. Halku-dhigga “Maanta aan dooranno isbeddel, berri aan goosanno guul” wuxuu si cad u muujinayaa jihada uu Xisbigu u socdo iyo qorshaha uu ku doonayo in uu ku gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed nolol ammaan ah, cadaalad ku dhisan, iyo horumar la taaban karo.

Ujeedka ugu weyn ee Qaransoor waa in la dhiso qaran leh awood dhab ah oo isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni ah. Taas waxaa lagu gaari karaa iyadoo la kobciyo wax-soo-saarka dalka, la dhiirrigeliyo ganacsiga gudaha, lana abuuro fursado shaqo oo ballaaran oo dhalinyarada iyo bulshada inteeda kale ay ka faa’iideystaan. Qaransoor wuxuu aaminsan yahay in horumar dhaqaale uu sal u yahay xasillooni siyaasadeed iyo mid bulsho.

Sidoo kale, Xisbiga Qaransoor wuxuu si gaar ah xoogga u saarayaa dhismaha nidaam cadaalad ah oo lagu kalsoonaan karo. Caddaaladdu waa tiirka ay ku taagan tahay dowladnimo sugan. Sidaas darteed, waxaa la doonayaa garsoor madax-bannaan, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo dhan si siman. Qaransoor wuxuu sidoo kale ka shaqeynayaa xoojinta midnimada bulshada, ka gudbidda kala qaybsanaanta, iyo dhismaha kalsooni dhex marta shacabka iyo dowladda. Nabadda iyo amniga waa aas-aaska horumar kasta.

Codkaaga maanta waa doorashadaada berri. U codee isbeddel, u codee horumar, u codee mustaqbal ifaya. Qaransoor waa rajo cusub iyo jidka loo maro Soomaaliya barwaaqo iyo nabad waarta.

Ururka Qaransoor ayaa ugu baaqay madaxda qaranka Soomaaliyeed inay si degdeg ah u soo farageliyaan arrintan, si loo badb...
30/04/2026

Ururka Qaransoor ayaa ugu baaqay madaxda qaranka Soomaaliyeed inay si degdeg ah u soo farageliyaan arrintan, si loo badbaadiyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. Waxay si gaar ah u codsadeen in la isugu yeero 390-ka xubnood ee goleyaasha deegaanka ee la soo doortay, si ay u gutaan waajibaadkooda sharciyeed ee doorashada guddoomiyeyaasha degmooyinka. Tani, sida ay sheegeen, waxay noqon kartaa waddo lagu soo celin karo kalsoonida shacabka iyo sharciyadda nidaamka.

War saxaafaddeed uu soo saaray Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ayaa si weyn u iftiimiyay muran siyaasadeed oo ka taagan maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo la xiriira habka loo maamulayo degmooyinka iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee “qof iyo cod.” Warbixintan oo si faahfaahsan u dul istaa...

WAR SAXAAFADDEEDBaaq ka hortag: Tallaabo muujinayso dib-u-celin siyaasaddeed iyo hirgelin la’aanta nidaamka doorasho ee ...
30/04/2026

WAR SAXAAFADDEED

Baaq ka hortag: Tallaabo muujinayso dib-u-celin siyaasaddeed iyo hirgelin la’aanta nidaamka doorasho ee "qof iyo cod”

Urur Siyaasaddeedka Qaransoor wuxuu si adag uga soo horjeedaa tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), taas oo uu ku magacaabay guddoomiyeyaasha degmooyinka Shangaani, Dayniile, iyo Gubadley. Magacaabistan oo timid kaddib doorashadii goleyaasha deegaanka ee ka dhacday Gobolka Banaadir 25-kii Diseember 2025, waxay dhaawac weyn ku tahay kalsoonidii shacabka ay ku qabeen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyaddeed ee doorasho “Qof iyo Cod. Tallaabadan waxay u muuqataa dib-u-celin siyaasaddeed oo meesha ka saaraysa rabitaankii shacabka iyo dadaalkii loo galay in shacabka ay si toos ah u soo doortaan wakiilladooda.

Ururka Qaransoor wuxuu aaminsan yahay in magacaabista masuuliyiinta degmooyinka halkii ay ka imaan lahayd goleyaasha deegaanka ee la soo doortay ay khatar ku tahay hannaanka dowlad-dhiska, isla markaana ay dhaawacayso hufnaanta iyo isla xisaabtanka dowladdeed. Urur Siyaasaddeedka Qaransoor wuxuu ugu baaqayaa madaxda qaranka Soomaaliyeed inay si degdeg ah u soo farageliyaan arrintan, islamarkaana isugu yeeraan 390-ka xubnood ee goleyaasha deegaanka ee la soo doortay si ay u guttaan waajibaadkooda sharciyeed ee doorashada guddoomiyeyaasha degmooyinka, halkii lagu beddeli lahaa nidaam magacaabis ku dhisan “qof magacaaban oo qof kale magacaabo.”

Ururku wuxuu mar kale caddeynayaa mowqifkiisa ku aaddan difaaca dimuqraadiyadda, illaalinta codka shacabka, iyo xaqiijinta in doorashooyinka dalka ay noqdaan kuwo hufan, xor ah, oo lagu kalsoonaan karo.

Wabillaahi Towfiiq

Xisbiga Qaransoor – Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Maxaa sababa khilaafaadka soo noqnoqda ee doorashooyinka dalka?Khilaafaadka soo noqnoqda ee doorashooyinka Soomaaliya wa...
28/04/2026

Maxaa sababa khilaafaadka soo noqnoqda ee doorashooyinka dalka?

Khilaafaadka soo noqnoqda ee doorashooyinka Soomaaliya waxaa sababa arrimo badan oo is biirsaday oo taariikhi, siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ah. Marka h**e, nidaamka qabiilka ee saameynta weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa door weyn ka ciyaara murannada doorashada. Hoggaamiyeyaasha iyo taageerayaashoodu waxay inta badan mudnaanta siiyaan danaha qabiilka halkii ay ka eegi lahaayeen danaha guud ee qaranka. Tani waxay keentaa isku dhac ku saabsan kuraasta, awood-qaybsiga, iyo cidda maamuleysa habka doorashada.

Marka labaad, dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo sharciyada doorashada oo aan si buuxda loo dhameystirin ama aan caddeyn ayaa abuura fasiraado kala duwan. Dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa marar badan isku qabta awoodaha iyo waajibaadka la xiriira maamulka doorashada. Khilaafka u dhexeeya heerarka dowladda wuxuu dib u dhac iyo muran joogto ah keenaa.

Sidoo kale, musuqmaasuqa iyo eedeymaha la xiriira iibsiga codadka, faragelinta siyaasadeed, iyo ku takri-falka awoodda ayaa dhaawaca kalsoonida lagu qabo doorashooyinka. Marka shacabka iyo siyaasiyiintu ay dareemaan in nidaamku uusan caddaalad ahayn, waxaa kordha diidmada iyo muranka. Arrimaha amniga ayaa sidoo kale muhiim ah. Kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab waxay carqaladeeyaan doorashooyinka iyagoo weerarro ama cabsi gelin sameeya, taasoo adkeyneysa in doorasho xor iyo xalaal ah la qabto. Goobo badan oo dalka ahna amni darrida ayaa ka jirta.

Faragelinta dibadda iyo dano shisheeye ayaa mararka qaar saameeya siyaasadda gudaha. Dowlado iyo hay’ado caalami ah ayaa taageera dhinacyo kala duwan, taasoo sii hurisa muranka. Xalka khilaafaadkan wuxuu u baahan yahay dhameystirka dastuurka, dhisidda hay’ado madax-bannaan, sugidda amniga, iyo kor u qaadidda wacyiga shacabka si doorashooyinka Soomaaliya u noqdaan kuwo xasilloon oo lagu kalsoonaan karo.

26/04/2026

Magacaabis Wakiil Ku-Xigeenka Degmada CaabudwaaqGuddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Mudane Cabdijabaar Sh. Axmed...
23/04/2026

Magacaabis Wakiil Ku-Xigeenka Degmada Caabudwaaq

Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Mudane Cabdijabaar Sh. Axmed, ayaa si rasmi ah Mawliid Cabdi Diiriye Cusmaan ugu magacaabay Wakiil Ku-Xigeenka Degmada Caabudwaaq ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor.

Wakiil Ku-Xigeenka degmada ayaa door muhiim ah ka qaadan doona taageeridda iyo la shaqeynta wakiilka degmada, isaga oo gacan ka geysanaya abaabulka bulshada, isku xirka xubnaha, iyo hirgelinta howlaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ee heer degmo.

Wixii diiwaangelinta musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee gobollada dalka, fadlan kala xiriira xafiiska wakiilka degmada ama masuuliyiinta ururka ee heer degmo iyo heer gobol.

— Dhammaad —

Magacaabis Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor – CaabudwaaqGuddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Q...
23/04/2026

Magacaabis Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor – Caabudwaaq

Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Mudane Cabdijabaar Sh. Axmed, ayaa si rasmi ah Nasra Siraaj Maxamed Isxaaq ugu magacaabay inay noqoto Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Degmada Caabudwaaq ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta abaabulka haweenka, dhiirrigelinta ka qaybgalka siyaasadda, horumarinta wacyiga bulshada, iyo xoojinta doorka haweenka ee howlaha Ururka Qaransoor.

Magacaabistan waxay qayb ka tahay dadaallada Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ee lagu xoojinayo nidaamka maamul, hufnaanta howlaha siyaasadeed, iyo kobcinta kaalinta haweenka ee degmada Caabudwaaq.

— Dhammaad —

Magacaabis Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor – CaabudwaaqGuddoomiyaha Urur Siyaasaddeed...
23/04/2026

Magacaabis Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor – Caabudwaaq

Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Mudane Cabdijabaar Sh. Axmed, ayaa si rasmi ah Cabdilladiif Maxamed Cali Maax ugu magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Degmada Caabudwaaq ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor.

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ayaa door muhiim ah ka qaadan doona abaabulka dhalinyarada, dhiirrigelinta ka qaybgalka siyaasadda, horumarinta wacyiga bulshada, iyo xoojinta doorka dhalinyarada ee howlaha Ururka Qaransoor.

Magacaabistan waxay qayb ka tahay dadaallada Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ee lagu xoojinayo nidaamka maamul, hufnaanta howlaha siyaasadeed, iyo kobcinta kaalinta dhalinyarada ee degmada Caabudwaaq.

— Dhammaad —

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun.Xisbiga Qaransoor waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, asxaab...
23/04/2026

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun.

Xisbiga Qaransoor waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, asxaabta, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed.

Marxuumku wuxuu ahaa qareen Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaanay dalka gudihiisa, kuna suntanaa aqoon qoto dheer oo uu u lahaa sharciga, dastuurka iyo nidaamka dowladnimada. Waxa uu si daacadnimo leh ugu adeegay bulshada, isaga oo inta badan waqtigiisa geliyay la-talinta arrimaha sharciga, difaaca caddaaladda, iyo kor u qaadista fahamka bulshada ee xuquuqda aadanaha.

Marxuum Tahliil Xaaji Axmed wuxuu ahaa shaqsi leh hufnaan, karti iyo ixtiraam weyn oo uu ka kasbaday bahda sharciga iyo bulshada inteeda kale. Waxa uu door muuqda ka qaatay doodaha sharciyeed iyo golayaasha aqooneed, halkaas oo uu mar walba ku adkeysan jiray muhiimadda ay leedahay in xal kasta lagu raadiyo waddo sharci ah iyo hannaan dastuuri ah.

Marxuumku wuxuu ahaa cod aqooneed oo miisaan leh, isla markaana dhiirrigelin u ahaa dhalinyarada bartay ama baranaysa sharciga. Qaransoor waxay Alle uga baryaysaa inuu u naxariisto, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelkiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

Magacaabis Xoghayaha Degmada Caabudwaaq ee Urur Siyaasaddeedka QaransoorGuddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Muda...
23/04/2026

Magacaabis Xoghayaha Degmada Caabudwaaq ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor

Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Mudane Cabdijabaar Sh. Axmed, ayaa si rasmi ah Riyaaq Cawil Cabdillahi Jaamac ugu magacaabay inay noqoto Xoghayaha Degmada Caabudwaaq ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor.

Xoghayaha degmada ayaa door muhiim ah ka qaadan doona isku dubbaridka howlaha maamulka, diyaarinta warbixinada, ilaalinta diiwaannada, iyo fududeynta isgaarsiinta gudaha ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor heer degmo.

Magacaabistan waxay qayb ka tahay dadaallada Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ee lagu xoojinayo nidaamka maamul iyo hufnaanta howlaha siyaasadeed ee degmada Caabudwaaq.

— Dhammaad —

Magacaabis Wakiilka Degmada CaabudwaaqGuddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Mudane Cabdijabaar Sh. Axmed, ayaa si ...
23/04/2026

Magacaabis Wakiilka Degmada Caabudwaaq

Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Mudane Cabdijabaar Sh. Axmed, ayaa si rasmi ah Maxamed Cabdirashiid Ducaalle ugu magacaabay Wakiilka Degmada Caabudwaaq ee Urur Siyaasaddeedka Qaransoor.

Wakiilka Degmada Caabudwaaq ee ururka Qaransoor wuxuu yeelan doonaa masuuliyado muhiim ah oo ku saabsan matalaadda, abaabulka, iyo horumarinta hawlaha ururka ee heer degmo, isaga oo door muuqda ka qaadan doona xiriirka bulshada iyo hirgelinta siyaasadaha ururka.

Wixii diiwaangelinta musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee gobollada dalka, fadlan kala xiriira xafiiska wakiilka degmada ama masuuliyiinta ururka ee heer degmo iyo heer gobol.

— Dhammaad —

Qaransoor waa isbeddel doon, waxay xambaarsan tahay himilo iyo horumar.  Halku-dhigga “Maanta aan dooranno isbeddel, ber...
23/04/2026

Qaransoor waa isbeddel doon, waxay xambaarsan tahay himilo iyo horumar. Halku-dhigga “Maanta aan dooranno isbeddel, berri aan goosanno guul” waxay muujinaysaa aragti dheer iyo qorshe cad oo lagu xaqiijinayo nabad, caddaalad, iyo horumar waara.

Address

Laanta Axmed Gurey Dabaqa Labaad Dhismaha Somnet Wadada Maka Al-mukarama
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 04:00
Tuesday 08:00 - 04:00
Wednesday 08:00 - 04:00
Thursday 09:00 - 03:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252614555333

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Qaransoor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xisbiga Qaransoor:

Share