20/04/2026
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed Mudane Mohamed Ali Siad ayaa isugu yeeray dhallinyarada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho.
Ujeedka kulanku waxa uu ahaa isku xirka guud iyo is-caawintooda, waxaana sidoo kale la is-faray in wanaagga si wadajir ah looga shaqeeyo.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii ay waxbarasho iyo caafimaad ku heli lahaayeen carruurta ay waalidkooda suxufiyiinta ahaayeen oo ay geeriyoodeen rabbi ha u naxariistee.
Suxufiyiinta aragtidii ay goobta ka jeediyeen waxaa ka soo baxay in laga shaqeeyo wanaag oo dhan oo uu ugu horreeyo arrimaha xabsiga oo ay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan, una istaagi doonaan sidii ay dalkaan ugu adeegi lahaayeen oo ay wax badan ugu qaban lahaayeen.
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka ayaa Suxufiyiinta uga mahadceliyey wanaagga ay isla garteen iyo in dhanka wanaagsan loogu adeego dalkeenna, bulshadana ay iyagu jiheeyaan.
Ugu dambeyn Gudomiyaha Ayaa u mahad celiyay Maamulka Silver oo casuumada ka Aqbashay iyo hab Maamuska kulanka.