13/06/2022
Adiga midkee tahay labadaa nooc ee dadka?
: dadka qaar dhib walba fursad ayey ka dhex arkaan ,
: dadka qaarna fursad walba dhib ayey ka dhex arkaan.
: Dadka labada nooc midka aad tahayba waxa ayku xirantahay
marka uu dhib kula soo gudboonaado ,
sida aad u aragtid iyo sida aad uga falcelisid.
❌Ha noqon mid fursada uu heysto dhib u arka oo dayaca,
: Tusaale ahaan
Hadii aad tahay da,yar dhalinyarnimada ,caafimaadka& waqtiga, tamarta, intaba
Hadii aad Noqoto mid aan ka faaideysan, oo dayaca fursadaha una arka caqabad
Oo naftaadu ay hadba dhinac ku jiheyneyso, wixi fursad ah na ay dhib kaaga dhigeyso
Oo waqtiga adag inaan waxba la qabankarin ku shegeyso ,
sidaasna ay kugu dhaafaan fursaduhu waxad ahaan doonta mid shalaaya,
Markaad duqowdo oo aad dib u milicsato waqtigi tagey.
✔noqo mid dhib walba fursad u arka kana faaideysta oo maalmaha waxbarashada ,
&waxla,aanta &waqtiga adag &duruufaha u adkeysta, oo aaminsan iney yihiin fursad
Una dhabar adeyga.
" ogowna in wax walba oo wanaagsani ay waqti qaataan".
QORAALKAN WUXUU HOR DHAC U YAHAY, MAW DUUCYO WAX TAR LEH
OO AAN HALKAAN IDiNKULA WADAAGI DOONO,SI MAALINLE AH INSHA ALLAH.👍
W/Q Sharmaarke Odey👍