08/11/2025
Hambalyo dhamaan saraakiisha sharci yaqaanada ah ee Nootaayooyinka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka banaadir.
UJEEDDO: HAMBALYO XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NOOTAAYOOYINKA ADUUNKA (7 NOVEMBER)
Maanta oo kale markii ay taariikhdu tahay 07 - Nov - 2025 waxaa aduunka laga xusaa maalinta Nootaayada Aduunka (NOTARY PUBLIC DAY)
Dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka Nootaayooyinka waxay u dabaal degaan Maanta oo kale oo ah maalin sharaf iyo qadarin mudan โ waana maalin lagu xuso doorka muhiimka ah ee nootaayadu ku leedahay ilaalinta caddaaladda, hufnaanta iyo kalsoonida bulshada. si loo helo Sareynta Sharciga & Cadaalad loo siman yahay.
Ururka Notaayooyinka Gobolka Banaadir waxay halkaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan Nootaayooyinka Ururada Nootaayooyinka Aduunka gaar ahaan Saraakiisha Sharci yaqaanada ee Nootaayooyinka Dalkeenna Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, kuwaas oo Naftooda iyo Aqoontooda u huray ilaalinta xuquuqda dadka iyo hantidooda.
Sidoo kale Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Bahda Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo hormuud ka ah horumarinta nidaamka nootaayada iyo tayeynta adeegyada caddaaladda dalka.
Sidoo kale waxay ku dhiirrigelinaysaa dhammaan Nootaayooyinka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan shaqadooda si daacadnimo, hufnaan, karti iyo masuuliyad ku dhisan.
Nootaayadu waa furaha kalsoonida, caddaaladuna waa iftiinka nolosha bulshada.โ
Waxaa leenahay: Hambalyo iyo bogaadin Maalinta Nootaayada Aduunka, Guul iyo horumar ha idinla jirto dhammaan xirfadlayaasha Nootaayaha Dadweynaha.
Xafiiska Warfaafinta ee Ururka Nootaayooyinka.
Wabilaahi Altowfiiq