NISA

NISA Official Facebook account of National Intelligence & Security Agency (NISA) of Somalia.

WAR SAXAAFADEEDMuqdisho, Luuliyo 13, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qors...
13/07/2025

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, Luuliyo 13, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen tuulada Buulo-xoog oo hoostagta deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa Toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, iyada oo howlgalka lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah oo waday hub iyo maleeshiyaad.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Khawaarijta, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan kuna sii jeedeen deegaanka Buq-Aqable.

Howlgalka oo si guul ah kusoo dhammaaday waxaa la xaqiijiyay in goobta lagu soo afjaray gaadiid, hub iyo maleeshiyaad, waxaana jira muuqaalo caddaymo ah oo ay qabatay Kaamirada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo aan bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonno si ay uga dhargaan jabka xooggan ee gaaray Khawaarijta.

Muqdisho, Luuliyo 11, 2025: Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo qorsheysan oo saa...
11/07/2025

Muqdisho, Luuliyo 11, 2025: Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen deegaannnada Qoordheere, Xawaala-kulan, Reydableey iyo magaalada Ceelbaraf oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu dilay ilaa 13 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka mid ahaa Khawaarijta.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoostaga degmada Raagaceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo afartii maalin ee u dambeysay isku abaabulayey halkaas, iyada oo howlgalka lagu dilay ilaa afar xubnood oo Khawaarij ah, waxaana la burburiyay Teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay ka sameysteen geedaha hoostooda.

Dhanka kale, inta u dhaxeysa deegaannada Xawaala-kulan iyo Reydableey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa laga hortagay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada oo halkaas ka waday qorshe ay doonayeen in ay amniga ku carqaladeeyaan, waxaana isla goobta lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal.

Howlgalka seddexaad oo ka dhacay buurta Ceelbaraf oo dhinaca galbeed labo kiilomitir kaga beegan magaalada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu bartilmaameedsaday koox kale oo Khawaarij ah oo maleegayay dhagaro argagixiso, ilaa afar maleeshiyaad ah ayaana halkaas lagu soo afjaray.

28/06/2025

Caddayn Muuqaal ah oo ku saabsan guri ay ku shirayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta oo la burburiyay iyo baabuurtii qaraxyada iyo kuwii maleeshiyaadka oo gubanaya kaddib howlgal ay Ciidanka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Mabaax

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka ayaa goordhow howlgal culus ka fuliy...
26/06/2025

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka ayaa goordhow howlgal culus ka fuliyay guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay shir ku lahaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta.

Intii uu socday howlgalka, waxaa gurigaasi ka kacay dab xooggan, iyada oo la maqlay jug culus oo laga dareemay guud ahaan degmada, taas oo muujinaysa in cadowgu gurigaas u adeegsanayay keyd qaraxyo iyo hub culus ah.

Faah-faahinta khasaaraha iyo muuqaalada howlgalkan goor dhow la soco.

Xorreynta Dalka & Xuska XorriyaddaCiidanka geesiyaasha ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaas...
26/06/2025

Xorreynta Dalka & Xuska Xorriyadda

Ciidanka geesiyaasha ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sii wada howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay xor uga noqdaan cadowga argagixisada ah, Iyada oo la xusayo Todobaadka Xorriyadda.

Howlgaladan bartilmaameedka ah oo si guul leh u dhacay ayaa laga sameeyay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 18 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana sidoo kale la burburiyay laba gaari oo ah nooca dagaalka oo ay doonayeen in ay ku baxsadaan maleeshiyada cadowga ah.

Hay’adda NISA oo mar walba u taagan difaaca dalka, dadka, iyo diinta, waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysaa Todobaadka Xorriyadda, iyada oo fariinteedu tahay: “Nabad ku dabaal-daga”.

25/06/2025

Muuqaal caddaynaya sidii ay Ciidanka iyo Saaxiibada Caalamka u fuliyeen howlgalladii deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

WAR-SAXAAFADEEDMuqdisho, Juun 24, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxii...
24/06/2025

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho, Juun 24, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta kuwaas oo ahaa firxadka maleeshiyaad iyo horjoogeyaal h**e loogu beegsaday isla deegaankan.

Hawlgalkan oo la fuliyay labo mar oo is xigtay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen maleeshiyaadka khawaarijta si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen.

Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Khawaarijta ee laga fuliyay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyo degmada...
23/06/2025

Howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Khawaarijta ee laga fuliyay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, sidoo kale howlgalkaas waxaa lagu burburiyay xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen daryeelka dhaawacyada, kaydinta hubka, iyo diyaarinta gaadiidka dagaalka.

Haddaba, waxaan soo gudbin doonaa muuqaal muujinaya sida loo fuliyay howlgalladaas iyo guulaha laga gaaray.

Hambalyo & Mahadcelin
04/04/2024

Hambalyo & Mahadcelin

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay labo dhagar qabe oo ka tirsanaa Khaw...
31/03/2024

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay labo dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta kuwaasi oo doonayay inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada Dhagar-qabe ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa saacad kasta u taagan sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ciidanka NISA ayaa caawa degaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta oo wa...
09/08/2023

Ciidanka NISA ayaa caawa degaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta oo watay gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa, NISA ayaa ku guuleysatay inay khaarajiso ninkaas oo dabagal ay ku heysay, iyadoo laga furtay gaarigii ay qaraxyada ku soo rareen oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Baraha Warbaahinta Qaranka ee Telegram ka eeg meydka dhagarqabaha qaraxa waday ee la dilay.

Address

Mogadishu
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NISA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share