01/04/2026
Su’aasha dhabta ah ee maanta ina hor taalla waa: ma leenahay rabitaan wadajir ah oo aynu dhab ahaan ugu noqono qaran mideysan? Ma jecelnahay dalkeenna si ficil ah, mise hadal keliya ayay ku eg tahay? Soomaaliya waxay joogtaa marxalad go’aan leh oo u baahan in niyadda iyo ficilku is waafaqaan.
Qaranimo laguma dhiso hadallo iyo ballan-qaadyo oo keliya; waxay u baahan tahay naf-hurid, nidaam, iyo aragti mideysa ummadda kana sarreysa qabiil, dano gaar ah, iyo siyaasado ku kooban waqtiga dhow. Horumarka dalka waxaa dib u dhiga kala-qaybsanaan, kalsooni-darro, iyo dano is diidan, halka xaqiiqadu tahay in dal aanu h**e u socon karin haddii midnimadu noqoto ikhtiyaar, danta qarankuna noqoto wax laga gorgortamo.
Hoggaanku door weyn ayuu ka ciyaaraa jihada dalka. Marka hoggaamiyayaashu khilaaf iyo muran siyaasadeed abuuraan, waxay bulshada u diraan fariin kala fogeyn ah. Laakiin marka ay doortaan wada-hadal, tanaasul, iyo is-ixtiraam, waxay dhisaan kalsooni iyo midnimo qaran.
Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xiranyahay in la abuuro dhaqan mas’uuliyadeed oo ay wadaagaan hoggaamiyeyaasha iyo shacabka, iyadoo la xoojinayo hay’adaha dowladda, la dhowrayo dastuurka, lana hirgelinayo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay si muwaadin kasta uu uga qayb noqdo dowlad-dhiska.
Haddii aynu rabno qaran xooggan oo la ixtiraamo, waa in ficilkeenna la jaanqaadaa himiladeenna. Midnimadu ha noqoto dhaqan lagu dhaqmo, hoggaankuna ha hormariyo danta dalka, shacabka iyo madaxdaaduna ha isu xilqaamaan Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo mideysan.
Hon.Sadik Warfa