Banadir Hospital FMOH

Banadir Hospital FMOH Banadir Hospital, founded in 1977, is a Public Referral, Teaching, and Research Hospital.

Our priority is to deliver high-quality maternal and pediatric services, ensuring the well-being of families in the community. Bogga Rasmiga ah ee Isbitaalka Hooyada Iyo Dhallaanka ee Banadir Hospital Federal Ministry of Health(FMoH)

28/04/2026
Waxaa maanta qabsoomay kulan muhiim ah oo ay ka qeybgaleen madaxda sare ee maamulka iyo madaxda sare ee qeybaha ee isbit...
28/04/2026

Waxaa maanta qabsoomay kulan muhiim ah oo ay ka qeybgaleen madaxda sare ee maamulka iyo madaxda sare ee qeybaha ee isbitaalka, kaas oo ay shir-guddoominaysay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka, Dr. Muno Hussein Hassan.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha isbitaalka, xoojinta wada-shaqeynta qeybaha kala duwan, iyo kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshada. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda wadajir iyo isla xisaabtan si loo gaaro horumar muuqda.
Inta kulanka uu socday, waxaa laxusay xoojinta xakameynta cudurrada faafa, hagaajinta nadaafadda isbitaalka, iyo kor u qaadista hirgelinta tojihadka cusub ee Agaasimaha.
Agaasimaha ayaa ku boorisay dhammaan madaxda qeybaha inay sii xoojiyaan dadaalkooda, isla markaana ay si dhow uga shaqeeyaan horumarinta adeegyada, si loo hubiyo daryeel caafimaad oo tayo leh oo la jaanqaadaya horumarka casriga ah.

Waxaa maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallanka ee Banadir lagu qabtay tababar muhiim ah oo ku saabsan Incident Report, ka...
26/04/2026

Waxaa maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallanka ee Banadir lagu qabtay tababar muhiim ah oo ku saabsan Incident Report, kaas oo si heer sare ah u soo jeediyay Prof. Dr. Mohamed Amin Abdikarim Nur, Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka ee University of Somalia (UNISO).
Tababarkan ayaa si weyn u soo jiitay dhammaan howl-wadeennada isbitaalka ee ka qeybgalay, kuwaas oo aad ugu riyaaqay mowduuca la soo bandhigay, isla markaana ka faa’iideystay aqoon iyo waayo-aragnimo muhiim ah oo kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaadka iyo badqabka bukaanka.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka, Dr. Muno Hussein Hassan, ayaa uga mahadcelisay Prof-ka tababarka qiimaha leh, sidoo kalena si cad uga jawaabtay su’aalo ay qabeen qaar ka mid ah howl-wadeennada.
Gabagabadii, tababarka waxaa si rasmi ah u soo xiray Agaasimaha Caafimadka Dr. Abdiwali Ahmed Hirey.

Waxaa si rasmi ah uga bilowday Banadir Hospital olole daaweyn iyo qalliimo indhafiiqis ah oo lacag la’aan ah, kaas oo lo...
24/04/2026

Waxaa si rasmi ah uga bilowday Banadir Hospital olole daaweyn iyo qalliimo indhafiiqis ah oo lacag la’aan ah, kaas oo loogu talagalay in bulshada Soomaaliyeed ee qaba xanuunnada indhaha loo fidiyo adeeg caafimaad oo tayo leh.
Ololahan waxaa fulinaya Dr. Koshin iyo dhaqaatiir khubaro ah oo ka socda hay’adda Yeryüzü Doktorları ee Turkiga.
Ololahani wuxuu soconayaa 21 April ilaa 10 May 2026. Waxaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed lagu wargelinayaa inay ka faa’iideystaan fursaddan qiimaha leh.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir Dr. Muna Hussein Hassan kulan muhiim ah la qaadatay madaxd...
23/04/2026

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir Dr. Muna Hussein Hassan kulan muhiim ah la qaadatay madaxda shirkada Hormuud Salaam Foundation, iyadoo ku bogaadisay kaalintii muuqata iyo taageeradii wax ku oolka ahayd ee ay horey ugu fidiyeen isbitaalka, taas oo ay ka mid ahayeen incubators, generator, taageerida shidaal koronto, dib-u-dhiska qaybo ka mid ah isbitaalka, iyo hirgelinta warshadda Oxygen ka iyo adeegyo kale oo wax weyn ka taray horumarinta daryeelka hooyada iyo dhallaanka. Agaasimaha ayaa sidoo kale ka codsatay in ay sii wadaan taageerada qiimaha leh iyo garab istaagga ay mar walba la garab taagan yihiin Isbitaalka Banaadir, si loo sii xoojiyo adeegyada caafimaadka iyo badbaadinta nolosha hooyada iyo dhallanka Soomaaliyeed.

Waxaa si guul ah ku soo dhammaaday kulan muhiim ah oo ku saabsanaa Digitalization-ka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka B...
23/04/2026

Waxaa si guul ah ku soo dhammaaday kulan muhiim ah oo ku saabsanaa Digitalization-ka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, kaas oo ay shir guddoominaysay Dr. Muna Hussein Hassan, Agaasimaha Guud ee isbitaalka, sidoo kalena ay qeyb ka ahaayeen madax ka socotay Wasaaradda Caafimaadka sida Waaxda Digitalka iyo Waaxda Qoyska, BRA, iyo UNICEF. Kulankaas ayaa ku dhammaaday is-afgarad miro-dhal ah iyo tallaabooyin wax ku ool ah, waxaana la filayaa in dhawaan la hirgeliyo online database system casri ah oo sare u qaadi doona maamulka xogta, hufnaanta adeegyada, iyo tayeynta daryeelka caafimaadka ee Isbitaalka Banaadir.

21/04/2026

Waxaa maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir kormeer shaqo ku yimid wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Dr.Ali Haji Adam
Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray dhammaan qeybaha isbitaalka iyo habsami u socodka adeegyada caafimaad ee la siinayo bulshada.
Intii uu socday booqashada, wasiirka ayaa si qoto dheer u eegay howlaha ka socda isbitaalka, isagoo sidoo kale kulamo miro-dhal ah la qaatay maamulka sare si loo xoojiyo tayada adeegyada, wada shaqeynta, iyo horumarinta guud ee xarunta.
Kormeerkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu hubinayo in bulshada loo fidiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, hufan, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha jira.

Sidokale Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, Dr. Muna Hussein , ayaa xustay in hoggaanka cusub uu xoogga saarayo casriyeynta hab-maamuuska shaqada iyo kor u qaadista fayo-dhawrka, iyada oo hadafku yahay in la dammaanad-qaado adeeg caafimaad oo hufan oo waafaqsan baahida bukaanka.

Waxaa maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir kormeer shaqo ku yimid wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda...
21/04/2026

Waxaa maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir kormeer shaqo ku yimid wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Dr.Ali Haji Adam
Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray dhammaan qeybaha isbitaalka iyo habsami u socodka adeegyada caafimaad ee la siinayo bulshada.
Intii uu socday booqashada, wasiirka ayaa si qoto dheer u eegay howlaha ka socda isbitaalka, isagoo sidoo kale kulamo miro-dhal ah la qaatay maamulka sare si loo xoojiyo tayada adeegyada, wada shaqeynta, iyo horumarinta guud ee xarunta.
Kormeerkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu hubinayo in bulshada loo fidiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, hufan, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha jira.

Sidokale Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, Dr. Muna Hussein , ayaa xustay in hoggaanka cusub uu xoogga saarayo casriyeynta hab-maamuuska shaqada iyo kor u qaadista fayo-dhawrka, iyada oo hadafku yahay in la dammaanad-qaado adeeg caafimaad oo hufan oo waafaqsan baahida bukaanka.

20/04/2026

Waxaa maanta Isbitaalka hooyada iyo Dhallanka Banadir si habsami leh uga bilowday Ololaha Daaweynta iyo Qalliimada Hooyada, iyo sidoo kale Daaweynta iyo Qalliimada Indhaha, iyadoo ay door weyn ka qaadanayaan howlwadeeno caafimaad ee Turki ah iyo hay’adda Doctors Worldwide Turkey.

Ololahan muhiimka ah wuxuu horseed u yahay kor u qaadidda adeeg bixinta caafimaad oo tayo leh iyo daryeel bulsho oo loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa maanta Isbitaalka hooyada iyo Dhallanka Banadir si habsami leh uga bilowday Ololaha Daaweynta iyo Qalliimada Hooya...
20/04/2026

Waxaa maanta Isbitaalka hooyada iyo Dhallanka Banadir si habsami leh uga bilowday Ololaha Daaweynta iyo Qalliimada Hooyada, iyo sidoo kale Daaweynta iyo Qalliimada Indhaha, iyadoo ay door weyn ka qaadanayaan howlwadeeno caafimaad ee Turki ah iyo hay’adda Doctors Worldwide Turkey.

Ololahan muhiimka ah wuxuu horseed u yahay kor u qaadidda adeeg bixinta caafimaad oo tayo leh iyo daryeel bulsho oo loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

Address

Wadajir
Mogadishu
00100

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Banadir Hospital FMOH posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Banadir Hospital FMOH:

Share