22/06/2026
Warsaxaafadeed
TALO Leadership Forum oo Bogaadisay Xabad-joojinta Jalalaqsi, Baaqna u Dirtay Dowladda Hirshabeelle
Jalalaqsi, 22 Juun 2026 – TALO Leadership Forum ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku bogaadinayso xabad-joojinta ka hirgashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka.
Madashu waxay ammaan u jeedisay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta xabad-joojinta iyo dadaallada nabadaynta, gaar ahaan Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhalinyarada, iyo guud ahaan bulshada degmada Jalalaqsi.
Sidoo kale, TALO Leadership Forum ayaa sheegtay inay la socoto cabashooyinka iyo walaacyada ay muujiyeen shacabka degmada Jalalaqsi, kuwaas oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Degmada inuu door ku lahaa khilaafkii iyo dagaalladii dhex maray beelaha walaalaha ah ee deegaanka.
Madashu waxay ugu baaqday Dowladda Hirshabeelle inay si hufan, caddaalad ah, isla markaana dhexdhexaadnimo ku jirto dib-u-eegis ugu sameyso arrintaas, si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka, xasilloonida degmada, iyo wadajirka bulshada.
TALO Leadership Forum waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay sii xoojiyaan xabad-joojinta, ilaaliyaan jawiga nabadda, kana fogaadaan wax kasta oo dib u hurin kara colaadda. Waxay xustay in wada-hadalka, isu-tanaasulka, iyo walaaltinimada ay yihiin jidka ugu habboon ee lagu gaari karo nabad waarta iyo mustaqbal wanaagsan.
Ugu dambeyn, madashu waxay mar kale caddeysay taageeradeeda ku aaddan dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabad waarta, dib-u-heshiisiin dhab ah, iyo xoojinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
— DHAMAAD —
TALO Leadership Forum
TALO. HOGGAAN. HORUSOCOD.