22/05/2026
Muqdisho, 22 May 2026: Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku dhigay eedaysanayaal ku lug lahaa falal abaabulan oo rabshado iyo saxmad looga sameeyay baro hubin ay ciidamada amnigu ka sugayeen amniga Caasimadda.
Eedaysanayaashan oo abuuray xaalado khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo isu socodka bulshada, ayay ciidamada amnigu ka qabteen Goob Amniga laga sugayay, Waxaana hadda ku socda baaritaanno hordhac ah, iyadoo loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, Sidoo kale, hay’adaha amniga ayaa weli ku daba jira shaqsiyaad kale oo ku lug leh falal noocan oo kale ah, si sharciga loo Waafajiyo.
Hay’adaha amniga waxay markale bulshada ugu baaqayaan inay ka fogaadaan falal abaabulan oo lid ku ah amniga, xasilloonida iyo isu socodka Caasimadda. Waxaa sidoo kale la ogeysiinayaa bulshada inaan la oggolayn bannaan-baxyo ama isu imaatin aan sharciyeysneyn oo aysan fasaxin hay’adaha amniga, islamarkaana aan la qaban karin iyadoo aan la marin habraacyada amni ee Muhiimka ah .
Cid kasta oo lagu helo falal rabshadaysan ama wax u dhimaya amniga guud, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka.
DHAMMAAD.