21/06/2026
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay mashruuc indho-fiiqid ah oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan 400 oo qof oo qaba xanuunnada indhaha, gaar ahaan kuwa u baahan qalliinada Caadka indhaha ee cataract-ka.
Mashruucan waxaa hirgelinaya Hay’adda Direct Aid iyadoo kaashanaysa Isbitaalka Dr.Sumait, si loo yareeyo indho-la'aanta laga hortagi karo loona gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo u leh bulshada Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay uga mahadcelineysaa Direct Aid iyo Isbitaalka Dr.Sumait taageeradooda joogtada ah ee horumarinta caafimaadka indhaha iyo dadaallada lagu soo celinayo aragga dadka nugul.