11/05/2026
Waxaan maanta magaalada Nairobi, Kenya kaga qeybgalay shir heer sare ah oo ku saabsan hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Rayidka Soomaaliyeed (Protection of Civilians Policy – PoC), oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hormuud ka tahay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in badbaadada shacabka ay udub-dhexaad u noqoto howlaha amniga, xasillinta iyo dib-u-dhiska dalka.
Waxaan adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda hay’adaha dowladda, isla xisaabtanka, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo dhismaha hay’ado amni oo shacabka ugu shaqeeya kalsooni iyo mas’uuliyad.
Ilaalinta rayidka waa tiir muhiim u ah nabadda waarta, xasilloonida, iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
*************************
I participated in a high-level roundtable held in Nairobi, Kenya, to advance the implementation of Somalia’s National Protection of Civilians (PoC) Policy.
During the discussions, I emphasized the critical importance of stronger institutional coordination, accountability, and enhanced collaboration between Somali institutions and international partners to ensure that civilian protection remains at the heart of Somalia’s security, stabilisation, and state-building efforts.
Protecting civilians is essential to building sustainable peace, strengthening public confidence, and securing long-term stability across Somalia.