Agaasinka Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka Banaadir

Agaasinka Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka Banaadir Waa bogga rasmiga ah ee Agaasinka Shaqada iyo Shaqaalaha Gobalka Banaadir

02/05/2026

Kalmadda uu ka jeediyay Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka xuska maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May.

Muqdisho, Soomaaliya – 2 May 2026Agaasinka Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ...
02/05/2026

Muqdisho, Soomaaliya – 2 May 2026

Agaasinka Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay Maalinta Shaqaalaha Adduunka (1-da May), taas oo sanadkan ku beegnayd maalinta Jimcaha.

Munaasabaddan oo qabsoontay maanta, 2-da May 2026, ayaa lagu xusayay qiimaha iyo doorka ay shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka dalka, iyadoo la qaadanayo hal-kudhegga sanadkan ee ah: “Xoojinta shaqaalaha Soomaaliyeed iyada oo loo marayo shaqo hufan iyo kor u qaadidda xirfadaha.”

Xafladda waxaa ka soo qeyb galay, agaasimayaal ka socday Wasaaradaha Dowladda, wakiillo ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay, ururrada shaqaalaha, iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaantood muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta suuqa shaqada iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.

Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir, ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal waxaan u dabaaldegaynaa Maalinta Shaqaalaha Adduunka, waana maalin aan ku xusno dadaalkooda kartidooda , iyo hawl-karnimadooda.

Ugu dambeyn, Agaasinka Shaqada iyo Gobalka Banaadir, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyadoo ku boorisay in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo shaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka.

“Shaqaalaha waa laf-dhabarta horumarka dalka, iyagoo dedaal, daacadnimo iyo dulqaad ku dhisa mustaqbal ifaya oo ay bulsh...
01/05/2026

“Shaqaalaha waa laf-dhabarta horumarka dalka, iyagoo dedaal, daacadnimo iyo dulqaad ku dhisa mustaqbal ifaya oo ay bulshada oo dhan ka faa’iideyso.”

— Maxamed Aadan Afrax
Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar

WAR-SAXAAFADEEDMuqdisho, May 1, 2026: Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir waxa uu hambalyo ku aaddan...
01/05/2026

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho, May 1, 2026: Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir waxa uu hambalyo ku aaddan Maalinta Shaqaalaha Addunka ee 1-da May 2026, kuna beegan maanta oo Jimco ah u dirayaa dhammaan shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir.

Maalinta caalimahaga ee shaqaalaha adduunka waa maalin farxadeed iyo dabaaldeg, gaarna u ah shaqaalaha adduunka oo idil, laguna muuujiyo qiimaha iyo doorka muhiimka ah ay ku leeyihiin horumarka bulshada iyo dhaqaalaha, sidoo kale waa maalin fasax ah sida ku cad sharciga shaqaalaha.

Hadaba, Agaasinka Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir wuxuu ku wargelinayaan dhammaan hay'adaha dowlada, kuwa aan dowliga aheyn iyo hay'adaha gaarka loo leeyahay in maalinta Sabtiga ah, taariikhduna ku beegantahay 02-05-2026 ay tahay maalin fasax ah, maadaama uu qabo xeerka shaqaalaha, haddii fasaxa maalinta 1-da May ay ku soo aaddo maalin ah Jimce, fasaxa waxaa loo wareejinayaa maalinta xigta.

Maxamed Aadan Afrax
Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

Address

Mogadishu
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Agaasinka Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share