10/09/2024
Itoobiya 95% ardayda fasalk 12 ayaa Imtixaanka ku dhacay!
Wasaaradda waxbarashada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday natiijada imtixaankii fasalka 12-aad ee guud ahaan dalkaas, iyadoo sheegtay in 5.4% ay baaseen heerka ugu hooseeya 50%.
684,405 arday oo imtixaanka u fariistay, 36,409 ka mid ah ayaa ku baasaay Ixtiraanka oo jaamacadaha gali kara hada.
Sannadkii h**e, ku dhawaad 97% ardaydu waxay ku guuldaraysteen inay ka gudbaan buundada ugu hoosaysa ee 50%.
845,000 oo arday oo imtixaanka u fadhiistay, 27,267 (3.2%) oo kaliya ayaa helay dhibco ay ku baasaan 50%.
Quburada ayaa sheegay in dowladu si kas ah ardayda ugu rido Imtixaanka maadaama aan shaqo loo hayn.