Abudwak Reading Club

Abudwak Reading Club boga rasmiga ah ee naadiga aqriska iyo qoraalka ee degmada abudwak.

09/05/2026

Ustaad Nurre Warsame iyo dhiganihii HOW MUCH LAND DOES A MAN NEED.

Sheekadu waxay ka hadlaysaa nin beeraley ah oo la yiraahdo Pahom, kaas oo aaminsan in haddii uu helo dhul badan uu farxa...
25/04/2026

Sheekadu waxay ka hadlaysaa nin beeraley ah oo la yiraahdo Pahom, kaas oo aaminsan in haddii uu helo dhul badan uu farxad iyo nolol fiican heli doono. Markuu helo dhul yar, wuu ku qanacsan yahay markii h**e, balse damaciisu wuu sii kordhaa, wuxuuna mar walba rabaa dhul ka badan kii uu haystay.

Ugu dambeyntii, Pahom waxaa la siyaa fursad uu ku heli karo dhul badan inta uu hal maalin lug ku wareegi karo. Wuxuu isku dayaa inuu helo dhul aad u badan, laakiin wuxuu ku daalaa socodka dheer iyo dadaalka xad-dhaafka ah. Markuu isku dayayo inuu dib ugu soo laabto meesha uu ka bilaabay ka hor qorrax dhaca, wuu dhacaa oo wuu dhintaa.

👤Nurre Warsame

Dhanka waxbarashada waxaad moodaa dhamaanteen in aanu soo wada marnay hal nidaam taclineed welina aynu ku dhaqmayno,  is...
15/04/2026

Dhanka waxbarashada waxaad moodaa dhamaanteen in aanu soo wada marnay hal nidaam taclineed welina aynu ku dhaqmayno, isbadal buuranna uusan muuqan iyada oo nolosha dhankaste ay iska badashay lagana maarmin in qofka maskax ahaan loo dhiso.
Waxa aan soo jedin lahaa saddex qodob in ay mudnaan lahayd in lagu daro nidaamka taclineed ee dalkeena, bugaag la jaanqadaysana loo diyaariyo haddi ay taasi suurto gali waydana maamulka iyo barayaasha ay masuuliyad qaas ah iska saaraan saddexdaas:

1.Maaraynta waqtiga ( Time management skills )
Hubaal waynu ogsoonahay sida casriga tiknoolajiyada ay nolosheena u saamaysay sidaa darteed qofka sinaba oogaga maarmi mayo in la baro nidaamka waqti maaraynta si uusan jahwareer oogu dhicin,taasina waxay ku tababaraysaa si un in uu oga faa'idaysto waqtigiisa.

2.Hab-fikirka tolmoon ( critical thinking skills )
waxay ka caawinaysaa in ardayga uu noqdo mid waxqabad leh,ruuxa marka uu maskax ahaan u fakarayo weliba si togan ayuu waxsoosaarkiisa heersare noqnayaa,weliba bal u fiirso waqtigaan waxaa aad usoo badatay samaynta taban ee miidiyaha.

3.Xalinta khilaafadka ( conflict resolution )
Tani faa'iidadeeda waa ay cadahay oo ardayda isku khilaafto waxyaabaha aan micnaha lahayn baa looga raysanayaa arday kastana wuxuu noqonayaa ruux markii laga soo tago fasalkiisa, ardayda kale iyo xafada uu ku noolyahayba xal u raadiya khilaafoodkooda.
Waxayna ka dhigaysaa mid isdiidooyinka gudihisa ku jira u kaana xal oo aana ku dhibtoon isbadalka waqtiga,iskhilaafka ruuxeed ee gudaha naftiisa iyo tan dadka ku xeeranba.

W/Q: Ixsaan Maxamed

Buugga Baaqa Shuuciga—Cummunist Manifesto—waxaa 1848-dii soo saaray Kaaral Maarkis iyo saaxiibkii Eengelis. Sannaddii 20...
10/04/2026

Buugga Baaqa Shuuciga—Cummunist Manifesto—waxaa 1848-dii soo saaray Kaaral Maarkis iyo saaxiibkii Eengelis. Sannaddii 2020-kiiayaana Cabdicasiis Aw Guudcadde u turjumay afkeenna hooyo ee Soomaaliga.

Dhawaan waxa ino gorfayn doona. Mahad osmaan. Oo kamid ah naadiga aqriska iyo qoralka degmada abudwak.
Abudwak Reading Clup

Jimcaha waxaa ino qabsoomi doona gorfaynta iyo sokoobida dhiganaha HIRDAN ee uu qoray MAHAMED QUDUB af keena hooyana uu ...
23/03/2026

Jimcaha waxaa ino qabsoomi doona gorfaynta iyo sokoobida dhiganaha HIRDAN ee uu qoray MAHAMED QUDUB af keena hooyana uu inogu turjumay MAHAMED GAANI.

Moktar Abdikani Sh Adem

NAADIGA AQRISKA IYO QORALKA  DEGMADA CAABUDWAQ WAXAY UMADA SOMALIYEED IYO MUSLIMINTABA UGU HAMBAL YEYNAYAAN, MALMAHA CII...
19/03/2026

NAADIGA AQRISKA IYO QORALKA DEGMADA CAABUDWAQ WAXAY UMADA SOMALIYEED IYO MUSLIMINTABA UGU HAMBAL YEYNAYAAN, MALMAHA CIIDA EE ISLAAMKA U QAASKA AH.

WAXAAN UMADA SOMALIYEED ILAHAY UGU BARYAYNAA IN ABARAHA DASHADAY IYO COLADAHA SOO NOQNOQANAYA UU KA QADO.

Loollanka Siyaasadda Casriga ah iyo Dhoohanaanta SoomaalidaSiyaasadda casriga ahi waxay ku dhisan tahay dano, maslaxad i...
16/02/2026

Loollanka Siyaasadda Casriga ah iyo Dhoohanaanta Soomaalida

Siyaasadda casriga ahi waxay ku dhisan tahay dano, maslaxad iyo tartan joogto ah. Hoggaamiye kasta wuxuu mudnaan siiyaa danta qarankiisa; xiriirrada caalamiga ahna inta badan waxay ku dhisan yihiin “wax-isku-beddel” (mutual interest), ee kuma dhisna saaxiibtinimo joogto ah ama walaaltinimo shucuur ku dhisan. Sidaas darteed, saaxiibnimadu waa mid ku-meel-gaar ah; danaha ayaa joogto ah.

Tiirarka siyaasadda waa xukun, awood iyo saamayn. Qofka ama dalka leh awood dhaqaale, mid milatari, mid tiknoolajiyadeed ama mid diblomaasiyadeed—ayaa inta badan go’aanka ugu dambeeya gaara. Mararka qaarkood siyaasadda waxay u ekaan kartaa mid ka madhan akhlaaq, maadaama tartanku uu xooggan yahay, sharciyaduna ay ku xirnaan karto cidda awoodda leh. Dunida maanta, waxa si cad u muuqda loollanka quwadaha waaweyn, tartanka khayraadka dabiiciga ah, saamaynta marin-biyoodka istaraatiijiga ah, iyo xakamaynta xogta iyo tiknoolajiyada (AI, warbaahinta bulshada, iwm.).

Si kastaba ha ahaatee, nidaamka caalamiga ahi ma aha mid gebi ahaanba sharci la’aan ah. Waxaa jira hay’ado iyo heshiisyo caalami ah, balse dhaqangelintoodu waxay ku xiran tahay rabitaanka iyo awoodda dawladaha. Taasi waxay keenaysaa in mararka qaarkood la arko cadaadis, amar-bixin qarsoon, ama dano ka shaqaynaya daaha gadaashiisa.

Marka la eego waaqicaas, siyaasadda Soomaalidu waxay wajahaysaa caqabado gaar ah: kala-qaybsanaan, ku-tiirsanaan dhaqaale iyo mid amni, iyo istiraatiijiyad qaran oo aan weli si mideysan loo qaabeeyn. Siyaasi badan ayaa mudnaanta siiya dan gaar ah halkii uu ka hormarin lahaa dan guud, isla markaana nidaamka isla-xisaabtanka iyo hufnaantu ay liitaan. Tani waxay daciifisaa awoodda gorgortan ee dalka, gaar ahaan marka lala macaamilayo quwadaha shisheeye.

Hase yeeshee, fursado waa jiraa. Soomaaliya waxay ku taallaa goob juqraafi istaraatiiji ah, leh khayraad dabiici ah iyo bulsho da’yar oo firfircoon. Haddii la helo hoggaan leh aragti qaran, aqoon ku dhisan fahamka siyaasadda casriga ah, iyo karti gorgortan—waxaa suurtagal ah in dalka uu ka faa’iidaysto loollanka caalamiga ah halkii uu dhibane ka ahaan lahaa.

Waxa loo baahan yahay:
1:Istiraatiijiyad Qaran oo mideysan – qeexaysa danaha mudnaanta leh (amniga, dhaqaalaha, khayraadka, diblomaasiyadda).

2: Hufnaan iyo isla-xisaabtan – si loo yareeyo danaysiga iyo musuqmaasuqa.

3: Kobcinta aqoonta iyo tiknoolajiyada – si loo kordhiyo awoodda iyo saamaynta.

4:Diblomaasiyad firfircoon – ku dhisan wada-xaajood iyo dheellitir danaha quwadaha kala duwan.

5: Ka-qaybgal bulsho – si shacabka iyo aqoonyahanku u noqdaan tiir taageera go’aan qaadashada.

Inkasta oo ay arrintu u muuqan karto mid adag, isbeddel kasta wuxuu ka bilaabmaa hal aragti iyo hal tallaabo oo geesinimo leh. Taariikhdu waxay marag ka tahay in saamayn kasta oo weyn ay ka bilaabatay qof ama koox yar oo ku dhiirrata inay ka fikiraan meel ka baxsan cabsi iyo caado h**e.

Ugu dambayn, loollanka siyaasadda casriga ahi waa xaqiiqo jirta. Su’aashu ma aha in uu jiro iyo in kale, balse waa: ma leenahay hoggaan fahamsan shaxdaas, mise weli waxaan ku jirnaa dhoohanaan iyo sugitaan? Jawaabta su’aashaasi waxay go’aamin doontaa jihada mustaqbalkeenna. Maxay kula tahay adiga?

W/Q Ahmed Qasaali
Xubin ka mid ah Abudwak Reading Club

Gorfaynta Dhiganaha AbaallaaweXubnaha Naadiga Abudwak Reading Club ayaa galabtay si wadajir ah u gorfeeyay dhiganaha Aba...
13/02/2026

Gorfaynta Dhiganaha Abaallaawe

Xubnaha Naadiga Abudwak Reading Club ayaa galabtay si wadajir ah u gorfeeyay dhiganaha Abaallaawe.
Dhiganahani wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa hagaajinta nafta, gaar ahaan: mahadcelinta, xasuusnaanta iyo sheegidda galladaha Eebbe (Sarre oo Kor ahaaye), iyo sidoo kale abaal-gudka dadka iyo ku mahadnaqa wanaaggooda.

Qoraagu wuxuu si xeeldheer u lafagurayaa qodobadan, isaga oo muujinaya muhiimadda ay u leeyihiin kobcinta akhlaaqda, nadiifinta qalbiga, iyo dhisidda bulsho is qadariya. Dhiganuhu wuxuu ku boorrinayaa akhristaha in uu noqdo qof mahad badan—mid Alle uga mahadnaqa nimcooyinkiisa, dadkana uga mahadceliya wanaagga ay la wadaagaan.
Intii ay socotay doodda, xubnaha naadigu waxay si wadajir ah u falanqeeyeen dulucda iyo farriinta guud ee dhiganaha, iyaga oo is dhaafsanayay aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah. Waxa ay sidoo kale is weydaarsadeen su’aalo u baahnaa falanqayn qoto dheer iyo fikrado kala geddisan, taas oo kulanka ka dhigtay mid miro-dhal ah oo aqoon is-weydaarsi leh.

Naadiga Abudwak Reading Club wuxuu si joogto ah u wadaa akhrinta, falanqaynta, iyo wadaagista dhiganayaasha, maqaallada, iyo qoraallada wax-ku-oolka ah ee la xiriira ilaha kala duwan ee aqoonta, si kor loogu qaado wacyiga iyo dhaqanka akhriska bulshada dhexdeeda.

Intii ay socotay gorfaynta, waxaa si gaar ah buugga u falanqaysay Nimca Yuusuf Shire , oo si xeeldheer u iftiimisey dulucda iyo fariimaha qarsoon ee ku duugan dhiganaha.

Alle ayaa mahad oo dhan iska leh.

Gorfayn iyo soo kobida dhiganaha ABAALLAAWE.👤NIMCO YUSUF SHIRE📌SOMAVILLE UNIVERSITY HALL⏰️4:00PMAbudwak Reading Clup.
12/02/2026

Gorfayn iyo soo kobida dhiganaha ABAALLAAWE.
👤NIMCO YUSUF SHIRE
📌SOMAVILLE UNIVERSITY HALL
⏰️4:00PM

Abudwak Reading Clup.

Malinka jimcaha iyo gorfaynta dhiganaha TACLIINTA DULMANAYASHA. 📌somaville university hall⏰️nimce 06/2/2026 👤mukhtar abd...
01/02/2026

Malinka jimcaha iyo gorfaynta dhiganaha TACLIINTA DULMANAYASHA.
📌somaville university hall
⏰️nimce 06/2/2026
👤mukhtar abdikhani sh. Adem.

Waxa qoray: Sheekh Cabdiraxmaan BashiirMarka buugaagta la joogo dadku waa jaadad kala duwan, qaybi buuga waxba lama wada...
27/01/2026

Waxa qoray: Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir

Marka buugaagta la joogo dadku waa jaadad kala duwan, qaybi buuga waxba lama wadaagto, kaliya waa kuwo ku nool qofnimadooda iyo duni balaa akhris ah. Qayb kale, wax bay akhrisaa mase jecla in ay si gun dheer wax u akhriso, oo akhriska fudud bay doorbidaan. Qoladanina wax ay helaan qoraalkii iyo qalinkii ay doonayeen ama ay jeclaayeen oo keliya. Qayb kale oo saddexaad ayaa jirta; qaybtani waxa ay la noolyihiin akhriska iyo ogaalka, iyaga oo u kuurgalaya in ay faham dheeraad ah kasii dhiijiyaan. Qoladani noloshoodu waa mid buugga iyo dhiganaha ku dherersan, oo sina uma noolaan karaan akhris la’aan. Buugu agtooda waxa uu uga dhigan yahay quud ay dheefsadaan. Oo ma cid baa quudka la’aanta noolaan karta?

Qaar ka mid ah indheergaradka ayaa qaba in buugu yahay garasho labaad oo garashadaadii h**e soo booqatay. Balse, iminka waxaa jira; buugaag badan oo aanay waxba ku dhex jirin, ama soo gudbinaya xogo aasaasi ah, ama xogo soo-noqnoday, ama kuwo kale oo wakhtigu beenshay ama duruuftu ka talawday. Waxaad arkaysaa qof bulshada u qoraya xogo laga wada dharagsanyahay, oo buug uga dhigaya. Ama qolo kale oo akhrinaysa wax iska caadi ah oo aan dedaal garasho iyo mid garaad toona uga baahnayn.

Aslan, buugga muhiimka ahi waa qassab in uu soo bandhigo wax cusub, ama uu wax qaldan toosiyo, ama uu dabo qabto aragtiyo sii tirmaya, ama beegsado fikrado qalaad oo la soo waariday, ama uu difaaco qiyam qofeed ama bulsheed. Laakiin haddii aanu buugu intaa midna ka hadlayn, waxa uu noqonayaa uun anigaa haray e aan hadlo iyo bar kuma taal.

Xilligaan la joogo, waxaa aloosan hardan fikireed, dirir akhlaaqeed iyo dagaal ka dhan ah aqoonsiyada. Buugga xilligaan waxgalka ahi waa midka u babac dhigi kara arrimahaan. Sina suurtagal uma ahan in aynu ku noolaanno wakhti h**e iyo meel kale toona. Waa geed ka go’an iyo lama-huraan in aynu ku noolaanno taaganteenna iyo deegaanka aan joogno. Kuwa ka hadlaya dhibaatooyinka aan waaqaceenna iyo deegaankeenna waafaqsanayni waa kuwo doonaya in ay ummadeenna suuxiyaan ama ay siiyaan daroogo ay fasax uga qaataan nolosha dhabta ah.
Qofka caqliga leh waa kan wax akhriya, fahmana waxa uu akhrinayo iyo sida mudan in loo akhriyo.

Nololi ma jiri karto wacyi fayow la’aantii, wacyina ma jiri karo iyada oo aan nolosha la fahmin. Noloshana lama fahmi karo haddii aan si dhab ah loo darsin. Waxna ma dersi karno haddii aynaan la imaan akhris gundheer. Akhriska qotada dheerna waxa uu ku xiran buugaagta dhabta ah.
Buugaagta dhabta ahina waa tan ka jawaabaysa waydiimaha culculus. Yaa nahay? Maxaan doonaynaa? Maxaa inagu soo fool leh? Maxaynu iska rabnaa? Maxaa inala haray? Maxaan ku horumari karnaa? Sidee baynu u hormarnaa?

Suuratul-CASRI, ayaan ka helay jawaabaha waydiimahaan oo idil. Sidaas darteed ayaan u doortay in aan qoro dhambaalkaan gaaban. Waa dhambaal ka jawaabaya hidaayada Qur’aaniga ah ee ku saabsan ilbaxnimada. Sideen u dhisi karnaa ilbaxnimo? Iyo sideen uga gudbi karnaa jabadka dib-u-dhaca? Suuraddaan gaaban ee Makiga ahi, waxa ay ka kooban tahay aayado kooban. Balse waxa ay la timid jawaabo gundheer oo caadi-ka-bax ah, oo tan ugu muhiimsani tahay; yaa dhisa ilbaxnimada?

Waxaan jira afar suuradood oo aan la noolahay, marnana aanan dayrkooda dhaafin. Waa Suuratul-Calaq, Suuratul-Raxmaan, Suuratul-Casar iyo Suuratul-Balad. Mid kasta oo suuradahaan ka mid ahi waxa ay daawaynaysaa waydiin nololeed oo wayn, ama kuwo culculus. Waa suurado inooga baahan ufiirsi iyo udhug-yeelasho dheeraad ah.
Qofka doonaya in uu nolosha sida ay tahay ugu noolaado, iyo sida Eebbe jecelyahay, doonayana in sare-u-kac sameeyo waa in uu kitaabka Eebbe akhriyaa, fahmaa, dersaa, la falgalaa oo dadka ugu yeeraa. Guuli ma jirto Quraan ka la’aantii.

Afartaan suuradood waxaa jirta hal wax oo ay ka midaysan yihiin waana wakhtiga. Yacni, waxa ay ku soo dageen maxladdii makiga ahayd. Marxaladdaan oo ka dhignayd marxalad aasaas iyo yagleel. Iyaga oo Suuradahani ay ka jawaabayaan waydiimaha asaasiga ah, sida; halkeen ka bilownaa? Innaga oo maantay nool marxalad asaasi ah ka gadaal markii aynu burburnay. Amaba heer aynu u baahannahay baaritaan ku aaddan; sideen u dhisan karnaa maqaam sharfan oo aan dunida ka galno?

Suuratul-Calaq waxaa ku dhex jira amar cad oo ku saabsan akhriska, Maxaan akhrinnaa? Sidee baynu u akhrinnaa? Halkeen ka billownaa? Maxaase inoo ah hadafka akhriska? Suuratul-Raxmaan dhankeeda, waxa aan ka helaynaa xiriirka ka dhaxeeya Eebbe(Raxmaanka) iyo Qur’aanka iyo sidoo kale xiriirka adag ee ka dhaxeeya dadka iyo Qur’aanka, iyo falgalka dhex maraya dadka iyo kawnka.

Qur’aanku waxa uu ina barayaa akhriska, in aan ka dheefno iyo in aan ku raaxaysanno intaba. Kuwa aan akhriska ku raaxaysan waa kuwo ku nool khayaal halis ah.
Ummadaha horumaray waa ku booqda makaatibta si lamid ah sida suuqyada. Iyaga oo buugaagta u iibsada sida alaabaha kale, waxa ayna buugaagta u qoondeeyaan miisaaniyad gaar ah si lamid ah sida waxyaabaha daruuriga ah ee guriga. Waa kuwa dhiganayaasha fadhiyo la qaata si lamid ah sida ay dadka ula qaataan.
Dadku isla’egta nolosha ayay kaa luminayaan, halka buuggu nolosha kuu dhisayo. Halkaas ayaana laga fahmi karaa sirta ka danbaysa dib u dhaca dadka qaar, waayoo waxa ay lumiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay aqoonta iyo cilmiga.

Waxaa tarjumay: Kassim Hussein

Address

Abudwak
Mogadishu
HORSEED

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abudwak Reading Club posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category